Sign in to follow this  
Somalina

Sakin heading off to Baydhoba today?

Recommended Posts

Somalina   

Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hogaaminayo wafdi ballaaran oo ay kamid yihiin xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo aadan u dhoofo magaalada Baydhabo.

 

Wafdigan ayaa waxaa la filayaa inay booqasho kusoo bixiyaan magaalada Baydhabo oo ay dhawaan la wareegeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa dalka Itoobiya. inta uu wafdigu ku suganyahay magaalada Baydhabo ayaa waxaa la filayaa inay kulamo la qaataan saraakiisha ciidamada, xildhibaano katirsan baarlamaanka oo horay ugusii sugnaa magaalada Baydhabo iyo weliba oday dhaqameedyada magaalada.

 

Waa markii ugu horeysay ee uu gudoomiyaha baarlamaanka booqasho ugu amba baxo magaalada Baydhabo tan iyo markii ay u gacan gashay ciidamada dowlada KMG Soomaliya iyo kuwa Itoobiya 22kii bishii Febraayo ee sanadkaan aan kujirno.

 

Horay waxaa magaalada Baydhabo booqasho ugu tagay wafdi ay horkacayeen wasiirka gaashaandhiga dowlada kmg Soomaaliay Xuseen Carab Ciise iyo kuxigeenkiisa korneel Maxamed Cali Catoosh.

 

 

 

Baidoa media.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Safar uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ku tegi lahaa Baydhabo oo u baaqday sababo dhinaca duulimaadka ah

 

Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu wady inay maanta oo Sabti ah safar ku tagaan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa u baaqday sababo dhinaca duulimaadka ah, sida ay sheegeen xubno ka tirsan wafdigii raaci lahaa.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wafdigiisa ay u badnaayeen xildhibaanno ayaa wuxuu qorshuhu ahaa inay saakay tagaan Baydhabo, waxaana sidoo kale safarkaas ku wehlin lahaa qaar ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho.

 

"Innagoo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa naloo sheegay in safarka uu u baaqday sabab la xiriirta dhinaca duulimaadka," ayuu yiri mid ka mid ah suxufiyiintii safarkaas raaci lahaa, sidoo kale mas'uul ka tirsan xubnihii raaci lahaa guddoomiyaha ayaa sheegay in safarka la baajiyay, inkastoo aan la ogeyn xilliga uu aadi doono.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay qorshaha ugu jirto inuu safar ku tago magaalada Baydhabo oo ay saddex toddobaad ka hor kala wareegeen Al-shabaab ciidamada DKMG ah oo kaashanaya kuwa Itoobiya.

 

Ilo wareedyo hoose oo ay helayso HOL ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka lagu wado inuu tago Baydhabo labada maalmood ee soo socda, waxaana wafdigiisa uu noqonayaa kii ugu heerka sarreeyay oo ka socda dowladda KMG ah oo booqda degmooyinka ay dowladdu ka qabsatay Xarakada Al-shabaab.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaaji Xunjuf;805481 wrote:
jb la qabso waxa la yidha south western state

Baardheere ayey sugaayaan inta laga eryaayo Alqaeda. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

Somalia;805851 wrote:
The Mujaahid is returning home
clapping.gif

You calling him Mujaahid because he is Faroole's puppet?, this numpty dismantled the Federal Parliament so that he could keep his tittle of speaker.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

lol@Sakin being a puppet for a Somali.

--------

 

Axad, Maarso 18, 2012 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa tagay Baydhabo, iyadoo ay kusoo dhaweeyeen xubnaha maamulka gobolka iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.

 

Shariif Xasan iyo shir jaraa'id qabtay markii lagu soo dhaweeyay Baydhabo ayaa wuxuu ciidamada Itoobiya kaga mahadceliyay gacantii ay ka geysteen in laga saaro Baydhabo xoogagii Al-shabaab.

 

Markii diyaaradihii waday Shariif Xasan ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ayaa qadar kooban la jaray isgaarsiinta sida ay HOL u sheegeen dad ku sugan Baydhabo.

 

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro ayaa waxay kulammo la leeyihiin maamulka degmada, kan gobolka, xidlhibaannada iyo saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan xarunta gobolka Bay.

 

Afhayeenka ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya wariyeyaal, iyadoo wafdigiisa uu noqonayo kii labaad ee dowladda ka socda oo tagay Baydhabo, iyadoo aan la ogeyn inta casho ee ay qaadan doonto booqashadiisa.

 

Ciidamada DKMG ah oo ay kaabayaan kuwa Itoobiya ayaa saddex toddobaad ka hor kala wareegay Baydhabo xoogaggii Al-shabaab ee ka talinayay muddada saddexda sano ka badan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasiir kuxigeenka wasaarad gaashaandhiga dowlada KMG Soomaaliya Korneel Maxamed Cali Catoosh ayaa waxa uu sheegay inay si nabadgelyo ah kusoo gaareen maanta magaalada Baydhabo isaga oo sheegay in si weyn loogusoo dhaweeyay halkaas.

 

Korneel Maxamed Cali Catoosh oo u waramayay idaacada BBCda laanteeda afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay in magaalada uu xaalkeedu wanaagsanyahay islamarkaasna ay dadkii horay uga barakacay magaalada dib ugusoo laabanayaan isaga oo sheegay in lagu guda jiro xiligii beero goosashada oo ay dad badanina kumashquulsanyihiin arinkaas.

 

Korneel Maxamed Cali Catoosh, wasiir kuxigeenka wasaarada gaashaandhiga dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxa uu qayb ka ahaa wefdi ballaaran oo uu hogaaminayay gudoomiyaha baarlamaanka dowlada KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan. Wefdiga maanta magaalada Baydhabo gaaray ayaa waxa ay wadahadalo la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada, maamulka gobolka iyo kan degmada, saraakiisha ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa dowlada Itoobiya.

 

Warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan inay jiraan dadaalo la damacsanyahay in la mideeyo fikirka siyaasiyiinta qowmiyada YYYYY iyo XXXXXx islamarkaasna la dhiso maamulgoboleed ka arimiya gobolada koonfurgalbeed Soomaaliya si ay ula jaan qaadaan maamulada kale ee kajira dalka Soomaaliya.

 

Source : baidobamedia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Mario B;805856 wrote:
You calling him Mujaahid because he is Faroole's puppet?, this numpty dismantled the Federal Parliament so that he could keep his tittle of
speaker.
:D

No, he's just a Mujaahid, he isn't anyone's puppet.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this