Sign in to follow this  
Saalax

Dhismaha Garoonka Burco Oo Bilaabidoonto Bisha April

Recommended Posts

Saalax   

Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Oo Markii U Horeysay Ballanqaaday In Xukuumaddu Dhismaha Garoonka Burco Bilaabidoonto Bisha April Iyo Dadka Rer Burco Oo Tirindoona Wakhtiga Ka Hadhay Muddadaas.

(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 06, 2012

(London-HNW) Wasiirka Duulista iyo Hawada Jamhuuriyadda Somaliland Mud: Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ballanqaaday in Wasaaraddiisa oo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo uga wakiil ah Garoomada Diyaaradaha

 

(London-HNW) Wasiirka Duulista iyo Hawada Jamhuuriyadda Somaliland Mud: Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ballanqaaday in Wasaaraddiisa oo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo uga wakiil ah Garoomada Diyaaradaha Somaliland ay bilaabayso Garoonka Caasimadda Gobolka Togdheer ee Magaaladda Burco. Ballanqaadka Wasiirka ayaa yimi maruu ku sugnaa Magaaladda Birmingham oo uu dhawaan Safar shakhsi ah ku joogay, halkaas oo ay su´aal ku waydiiyeen qaar kamid ah Jaaliyadda rer Somaliland ee ku dhaqan Magaaladda Birmingham. Wasiirka oo la waydiiyay maadaama oo ay Wasaaradiisu wakhti badan galisay labada Garoon ee Hargaysa Iyo Berbera waxaa uga meel yaala Garoonka Magaaladda Burco oo ku yaala Caasimadda Labaad ee Waddanka Somaliland. Wuxuuna Wasiirku ku ja waabay. "Runtii Garoonka Burco wuxuu nooyahay qorshaha koobaad waxaanu bilaabaynaa bilowga bisha April haddii alle idmo sidaas ayaad ogaanaysaan."

 

Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdo Oo Ballanqaaday Inuu April Dhisdoonaan Xukuumad ahaan Garoonka Burco

 

 

 

Markale ayaa Wasiirka la waydiiyay Su´aal kale oo ahayd. Mudane Wasiir Waxaanu sugnaa hadda bisha April oo ay wakhti bil kayari inaga xigaan miyaa? Wuxuuna Wasiir Maxamuud Xaashi si ballanqaad kalsooni leh ugu jawaabay. "Haa bishaas Afraad ayaanu bilaabaynaa qorshuhuna waa in dayr weyn lagu soo wareejiyaa dhisme dadku ka soo dagaana loo dhisaa, dadka ka agdhwna laga raraa yadoo aan ogahay in dadku diyaar yihiin oo ka guuri doonaan maca kuwa Daaraha ka agdhistay Garoonka, si uu u noqdo Garoon bulshada u adeega. Waxaanu idinka Qurbajoog ahaan idin sheegaynaa annagu waanu billaabaynaa Xukuumad ahaan bisha Afraad wixii aad ku darsanaysaan yaan laydinka waayin." Hadalkaas oo markii uu Wasiirku yidhi ay si nayaayir leh xubnihii su´aasha weydiiyay ugu soo qadimeen Wasiirka inay diraar u yihiin wixii ay kaga qayb qaadanayaan, isla markaana Gobolka Togdheer uu leeyahay Sherkado waaweyn oo wax weyn ku darsan doona haddii Xukuumaddu bilowdo Garoonka oo dhismihiisana gacanta saarto. Si kastaba ha ahaate Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Burco ayaa noqday su´aal aanay jawaab u hayn Wasaaradda Duulista Iyo Hawadu. Yadoo Qurbajooga ugu badan ee rer Somaliland lagu tilmaamo inay ka soo jeedaan Gobolka Togdheer. Waxaana hadda xaalad dayac oo ishu ka naxayso ku sugan Garoonka Magaaladda Burco oo haduu shaqayn lahaa Gobolka iyo Qaranka Somalilandba dakhli soo galinlahaa. Waxayse bulshada rer Togdheer tirin doonaan ayaamaha Labatanka iyo dhawrka casho ah ee ka hadhay muddada uu bilaabistiisa ku ballanqaaday Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi. Tasoo ama baal dahaba Wasiirka tariikhdiisa u yeeli doonta ama noqon doonta Dhedo Roob noqon wayday.

 

 

Muniir Axmed Cigaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this