Sign in to follow this  
Somalia

Deg deg: Wariye Cali Axmed Cabdi Oo Gaalkacyo lagu diley Goor doow

Recommended Posts

Somalia   

Kooxo hubeysan ayaa caawa suxufi ku diley magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

 

sdsdfsdfsdfsdf-212x300.jpg

 

Weriyaha la diley oo lagu magacaabi jirey Cali Axmed Cabdi ayaa waxaa ku toogtey agagaarka Hotel Guure ee xaafadda Israac rag Baaskoolado ku hubeysan.

 

Weriye Cali ayaa xiligii la toogtey oo ahaa abbaare 9:00 fiidnimo kusii jeedey gurigiisa oo ku yaal meel u dhow goobta lagu diley.

 

Cali Axmed Cabdi wuxuu horay uga tirsanaan jire howl wadeenada Radio Gaalkacayo iyo Puntland.com oo uu dhowaan ka ruqsaystey.

 

Lama oga ilaa iyo hadda sababta weriyahaas loo diley iyo weliba cidda dilkiisa ka danbeysey.

 

Waxayna dhacdadani kusoo beegmeysaa xilli ammaanka magaalada Gaalkacayo uu todobaadyadii u danbeeyey ahaa mid xasiloon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Abwaan;798770 wrote:
Aamiin AUN. Yaa dileyna?

307176_249221325129030_100001234930092_7

 

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkii xalay xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacayo loogu geystey weriye Cali Axmed Cabdi.

 

Idaacadda Andalus oo ku hadasha Afka Al-shabaab ayaa caawa baahisey in dilka weriyahaas ay iyagu ka danbeeyeen.

 

Waxayna intaas ku dartay in weriye Cali uu ka tirsanaa sirdoonka Puntland sidaas darteedna loo bartilmaameedsaday.

 

Waa markii ugu horeysey oo ay Al-shabaabku sheegtaan mas’uuliyadda dil loo geystey weriye ka tirsanaa weriyeyaasha ka howl gala Puntland.

 

AHN weriye Cali Axmed Cabdi wuxuu horay ula shaqeyn jirey Page-ka Puntlandi.com iyo Idaacadda Gaalkacayo.

 

Waxaana dilkiisa si aad ah uga tiiraanyooday dhamaan bahda Saxaafadda ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

 

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this