Sign in to follow this  
Somalina

Baydhaba, Bay

Recommended Posts

Somalina   

Mark Bowden iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku tagay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

 

Axad, Maarso 11, 2012 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo xiriiriyaha Qaramada Midooabay u qaabilsan gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya, Mark Bowden ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyagoo kulammo la yeeshay maamulka iyo dadka deegaanka.

 

Guddoomiyaha gobolka Bay C/fitaax Maxamed Geeseey oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wafdigan ka socday Qaramada Midoobay ay u kuurgaleen xaaladda ka jirta gobolka iyo sidii ay dadka u caawin lahaayeen.

 

"Hay'adaha yimid Baydhabo waxay ahaayeen 16-hay'adood waxaa ka mid ahaa: WHO, World Vision iyo UNOCHA, waxaana hoggaaminayay Mark Bowden," ayuu yiri Geeseey oo sheegay in hay'adahan ay xaaladda degmada ka jirta.

 

Mark Bowden iyo wafdigiisa ayaa waxay socod ku mareen gudaha Baydhabo, iyagoo tagay xarumo ay hay'adaha UN-ku ku leeyihiin xarunta gobolka halkaasoo ay laga eryay markii Al-shabaab ay gacanta ku haysay.

 

Hay'adahan ayaa waxaa lagu wadaa inay mar kale dib ugu laabtaan Baydhabo dhamaadka bishan markaasoo ay ka furi doonaan xafiisyadooda si ay u caawiyaan dadka deegaankaas ku nool.

 

C/fitaax Geeseey ayaa sheegay in hay'adaha Baydhabo booqday ay ahaayeen kuwa samofalka oo aysan ku jirin kuwo siyaasadeed, wuxuuna sheegay in tani ay albaabbada u furayso sidii ay hay'aduhu dib uga howlgeli lahaayeen Baydhabo.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Very nice pictures! I've really great memories of school holidays in Baydhabo, eating qasab with my cousins and being eaten by cayayaan in return. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this