Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Muqdisho

Recommended Posts

Showqi   

Aboow aboow Shaleemo Kaasa walli waa taagantahay. Bibitadii Shaleemada ku dhaganeed xitaa daaqadihii walli waa ku yaalaan! Inkasta oo aan Shaleemada dhexdeeda u jeedo in ay geedo ka dhex bexeen hadana building-ka dhinacaan marka laga fiiriyo waxay u egtahay in uu madaafiicdii ka nabadgalay, dhinaca kale yaa ogaada hee siduu u egyahay??,,:D

 

Gurigeena iyo Shaneemo KPP saddex saf aa u dhexeeyey marka loo socdo dhinaca Laanta.

 

MMA thanks for the picture saaxiib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Haa Gheelle ragii timaha weynaa ee digrinjiray ayaan daris aheyn. Ragaas xaafadeena caan ayey ka ahaayeen,,,:D

 

Gheelle Please Shaneemo Kaasa dheh.........Magaca ha nooga ciyaarin niyohow!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Showqi, eeygii dadka dhibi jiray waxba kama fogeyn hee markaas. Laanta inta aan la gaarin ama laanta kasoo horjeedkeeda guryaha ku yaalay midkood reer deganaa ayaa waxaa la joogi jiray eey xun dadka dhibo ee ma xasuusataa? Ar maxaa eeygaasna dhibnay anagana, muxuu nasoo bursaday anagoo Tarbuunka ka nimid ama Taleex. Dhif dhif marka aan galno shaneemada oo habeen nagu noqoto, jidkaas ciyaal xaafadeena masoo mari jirin oo eeygaas ka cabsan jirnay mugdina wey ahayd. Waa soo wareegsan jirnay oo waxaa soo mari jirnay isgoyska Kaasabalbalaare ilaa isgoyska Bakaaraha kasoo leexan jirnay.

 

Barxadii Bashiir Lugeeyna banooni maku ciyaartay, bacaadkaas badanaa banooniga ku ciyaari jirnay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

MMA, zone-haas aa sheegisid iyo gurayaha laanta gadaasheeda ku yaalo qaar badan aa eeyo lahayeen. Laakiin aniga waxaan aad u xasuustaa gurigaas Laanta ka soo hor jeedo oo eeyga idinka bursanjiray nin deganaa oo anagana nafta noo keeni jiray. Laanta horteeda in aan Banooni ku ciyaarno uu noo diidi jiray. Markuu na arko anaga oo Banooni ku ciyaareyno meeshaas inta uu afarta gool naga kala jabiyo uu na kala bursan jiray. Waxaan wali xasuusta galab Jimce ah anaga oo meeshaas Banooni isku jafeeyno uu goolashii naga dumiyey markaasu dhahay: "waryaa ka baxa meesha" anagana markasaan diidney in aad ka tagno meesha, guligeen Laanta horteeta aan iska wadda fariisanay. Markuu arkay in anaan tageynin ayuu intuu Laanta dhex galay afar qowsaar oo aan u maleeynaayo in ay Guulwadayaal ahaayeen noo soo watay, maxaa ka dhacay hee kuligeen waan kala cararnay we sure vacated the place in 5 seconds...:D

 

Mar kalena Banooni intuu nooga dhex dhacay gurigiisa uu noo diiday in uu Banoonigii na siiyo, anagana markasaan dhagax eber uga dhignay ganjeeladiisa...:mad: Asagoo xanaaqsan oo qeylinaayo: "kuligiin waa la'idin xiraa, albaabkii aa iga jabiseen" uu intuu soo baxay na kala bursaday. Banooni dambe oo aan ku ciyaarno Laanta horteeda markaas aa noogu dambeeysay. Banoonigeeniina ma naloo soo celinin sidaas ayaan uga samirnay "Qof walba in la dhoho adiga ayaa ganjeeladii jabisay ayuu ka cabsanaayey..;)".

 

Haa Barxada Bashiir-Lugeey marar badan ayaan ku ciyaari jirnay siiba marka nalaga soo buriyo Laanta horteeda. Laakin anaga ciyaal bacaad ma eheen. Bacaadka aad ayaan u necbeen. Teeda kale bacaadkaas waxaa iska lahaa Ciyaalkii Bashiir-Lugeey gadaashiisa dagenaan jireen, anaga mar mar leen ku ciyaari jirnay "siiba markaan aragno iyada oo eber ah, laakiin waligeen ma ku tala gali jirin in aan ku ciyaarno bacaadkaas". Markii danbena waxaan banooniga ku ciyaari jirney safka labaad ee shaneemada ka dambeeya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Showqi, idinkoo Bashiir Lugeey xaafadiina tahay maa dad kale ku ciyaari jiray barxadaas. Anaga Bashiir Lugeey idinkaa nooga dhawaa, saas ee tahayna waaku ciyaari jirnay oo geeska dhanka garaashka ayaa meel ka lahayn. Laakiin uma badneen, oo badanaa Tarbuunka ayaa ku soo ciyaari jirnay,meel yar ku lahayn xagaas. Xaafadeenana waaku ciyaari jirnay, markaa badano ayaa Bashiir Lugeey ama Tarbuunka aadi jirnay.

 

Laanta horteeda jaay ayeeba ahaan jirtay banooni kuma fiicneen. Xaafadaas ciyaalkooda teeda kale maba soo bixi jirin oo guryahooda ku jiri jireen, iyaga iyo eeyadooda. Ma xasuusataa sartii aad u dheereyd oo caddeed oo Laanta gadaasheeda laga dhisaaye. Meeqo sano sartaas la dhisaaye oo haddana joogsaneysay, haddana dhismada laga sii bilaabaayo. Iyadoo wax u dhiman yihiin dagaalada dhacay.

 

Gurigaas eeyga joogay ninkaas joogay in uu fiyoowaa ma moodi. Qof maanka looga jiray ayaa gurigaas joogi jiray, qofkaa sheegeysid iyo qof kale in uu ahaa ma'ogi. Wiilka eeygaas lahaa ayaa isku iskool ahayn inkastoo fasalada naga sareeye dhigan jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this