Sign in to follow this  
Aaliyyah

Xafladii Khaatumo State Of Somalia

Recommended Posts

b-boy   

Aaliyyah;786583 wrote:
^ xaflad lugu so dhoweenayo?? doesnt sound like a fundraising to you? are you kidding yourself. Xaflada lugu so dhowenayo mamulkeena cusub waan ku uruursan karnaa lacag aan ku caawiyo dadkeena waana ku uruursanay alhamdulilah..taasi cid ugama baryano...and you being anti-SSC/khaatumo won't help you in any way..waqtigaaga waxkale gali wa iga talo!!!.

like i said i'm not anti SSC but how exactly have these parties contributed to the cause??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

The people of khaatumo State are 110% behind their state and they have shown exactly that in these fundraising events throughout the globe..

 

adiga cidna wax kuma waydinaso. marka orad shaqa yeelo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
b-boy   

Aaliyyah;786591 wrote:
.

adiga cidna wax kuma waydinaso. marka orad shaqa yeelo.

exactly what i was referring too!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

quoting me on half of my response to make your day feel better wont get you anywhere.

 

Khaatumo state is here to stay..marka ama ooy ama qarax no one cares.

 

I suggest you move on.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

taagero.bmp

 

Waxaa Xaflada Lagu taageerayo maamulka khaatumo State of somaiya ay ka dhacday dalka MOZAMBIQUE , Xafladan oo ahayd mid aad uweyn oo sifiican looga soo shaqeeyey islamarkaana lagu taageerayey Maamul Goboleedka Khaatumo ee dhawaan laga yagleelay Deegaamada SSC

 

Kulankan a,ayaa waxaa sooqaban qaabiyay Jaaliyada Khaatumo State of somaliya ee dalka MOZAMBIQUE,Waxaa kulan kaas ugu horay lagu furay Aayadaha Qur’aanka khariim ka ah oo uu akhriyey Muuse Yuusuf Casayr intaasi ka dib waxaa si rasmi ah u bilowday Qudbadihii ay halkaas kasoo jeedinayeen dadkii kala gadisanaa ee kasooqayb galay xafladaas

 

waxaan ugu horayn halkaasi ka hadlay Garaad Aadan oo ka mid ah Ganacsatadda waaweyn ee Dagan Wadankan Mozambique kana soo Jeeda SSC waxaana uu siweyn u Taageeray Maamulka Khaatumo State iyo Odayaashii kasoo shaqeeyey ee G9 horayna u ahaa G6 waxa uu intaasi kudaray inay Taageero dhankasta ah lagarab taagan yihiin

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Abdullahi Max’ed Muuse waxaana uu siwey u Bogaadiyey maamulka Khaatumo State of Somalia waxaana uu ilahay uga beryey inuu ku guuleeyo Himilooyinka loo Yagleelay oo ay ugu horayso Midaynta Dadka Reer Khaatumo Iyo Xoraynta Dhulka Kamaqan Khaatumo wuxuuna amaan balaadhan u soo Jeedibey Dadka Reer Buuhoodle oo iska Daafacay Weerarkii Bahal Nimada ahaa ee uga yimi Maamulka SMM

 

intaasi kadib waxaa kulankan hadalo kasoojeediyay Cabdilahi Cabdi Nuur oo kamid ah Ganacsatada Soomaliyeed ee kulan kaas ka Qayb galay kana soo Jeeda Deegaanka Ceelbuur wuxuuna siweyn usoo Dhaweyey Khaatumo State wuxuuna sheegay in Midnimada Somaliya ay tahay wax aan cidna looga Hibey sanayn ayna Taageerayaan Maamulka taleex lagu Dooray wuxuuna intaasi raaciyey in Taleex ahayd Xudduntii halgantii somalidii daraawishta ahayd kala hortagtay gumaystayaa shii

 

Sikastaba ha ahaatee xafladan ayaa waxay kusoo dhamataya jawi aad u wanaagsan iyo farxad iyo rayn rayn dhamaan dadkii kasoo qayb galayna ay sifiican uga maqsuudee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

b-boy;786589 wrote:
BTW why do the SSC folks always call anyone who asks a critical question about the state a anti this & anti that?

And this coming from a faroole loyalist.

Share this post


Link to post
Share on other sites
b-boy   

i'm loyal to the state and it's people not Faroole.Puntland was here before Faroole and will be after his term ends!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^ Good to know mashallah..

 

a lovely gabay by Roda afjano...ilaahay khyr ha siiyo. Booskii darwiishkii u gala shacabka bayhoofay, gabay meel dheer iga taabtay mashallah

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^ the gabay's lyrics :D love it..

 

1.Abwaanada murtida soo bandhiga midba baabe.

2. Bidhikaale yaalbaa jiriyo bawsi la abraare.

3. Basar xumiyo qaarbay ka tahay dhaqanka baabiiye.

4. Barqaawiyo dadkoo dhereg kujira oo balxaday dooga.

5. Qaarbaa batrool iyo ku shuba dab iyo baasiine.

6. Qaarbaa in lay booba jecel oo ku cuna baade.

 

7. Anna baasha aan ula kaciyo baaca gabaygayga.

8. Isma kiin baraayoo horaad iiga bogateene.

9. Barriiqiyo halkaan ii qalmayn waan balfahayaaye.

10. Kol haduu Illahay ibaray boqorka suugaanta.

11. Bulxan iyo sidii ina Dagaan xubinta baadhaaye.(Qamaan Bulxan iyo M Cumar Dage.)

12. Aan baljiidho maantoo kaluu ii banaanyahaye.

 

13. Bulshada SSC yeey anoo bu’da abaaraaya.

14. Marka hore hadiyad baaxad weyn oo ka timid Baarrey.

15. Xareedii Bulaalana lamid ah uu kalgacal buuxo.

16. Bariidiyo salaanbaan wadaa buuran oo culuse.

17. Xikmadii baryahan gaaxsanayd way burqanaysaaye.

18. Bidhihiyo u hoorsada markaha ilahan boodaaya.

 

19. Hawlaha balaadheed wadaan amase beekhaamay.

20. Khaatumo shirkaa loo baxshee bulidu ii sheegtay.

21. Waa kulan si weyn loogu bogay oo bishaaro ahe.

22. Baahibaana loo qabay xiligan inaad ku beegtaane.

23. Bismillahi dhaha waa markale baadi doon sax’ahe.

24. Midnimadii bukootee jirada laga bogsiin waayay.

25. Eeggay baxnaansami hadaad budul u jeexdeene.

26. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.

27. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay

 

28. Boga ani waxaa igaga yaalaa baydkaad xulateene. (Guriga)

29. Bogacddii halyaygiyo rutgii bilaysay taariikhda.

30. Baga iyo allaylehe bagaad dib u binayseene.

31. Bardaha gogoshu taalee samaha laga bilaabaayo.

32. Burdihiyo qur’aankiyo ku muda badhaha yaasiinka.

33. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.

34. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay.

 

35. Bilic iyo rajaad muujiseen oo ma aha beene.

36. Haday borobagaandhiyo hadheen sheeko bara leeye.

37. Buushe bixiya taladiina oo yaysan kala baahin.

 

38. Baandheeya xaajada kolkaa baarka sare qaata.

39. Indinkoon cadliga baal marayn beegsi wacan yeesha.

40. Geedigu badh yuu idinka noqon oo bisayal hubiya.

41. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.

42. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay

 

43. Buub iyo hogaan kuma habana layli bayr qaba’e.

44. Nin burhaan leh oo aan baqayn geesi laga baydho.

45. Nin cilmiga bartoo aan ahayn jaahil bahardaada.

46. Deeqsi aan bakhaylayn kolkuu baahi yahay xaalku.

47. Ilahayna barakeeyay oo baawariyo xoogleh.

48. Hayin gurada loo buuxin karo oo bad qaba doorta.

49. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.

50. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay.

 

51. Buruudkiinu waatuu adkaa bari samaagiiye.

52. Balo indima qooraansatiyo buuq iblays wada’e.

53. Birmad baad ahaydeen waqiin guusha beegsada’e.

54. Burjigiinu waa wali sidii oo ma baalidine.

55. Birlabnimadii soo celiya oo baylah tira ciidda.

56. Soomaliweyn baaq u dira laysu boholyoowye.

57. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.

58. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay.

 

59. Basanbaas dadkaa wada qab ee dhaaxa kala baaday.

60. Bud dhigihii xoriyadiyo Taleex ha isku booqdeene.

61. Gacal kala baqooloo naxlina waafog lagu beeray.

62. Ha baraarugeen oo markale ha is ku booyeene.

63. Boogaha ka dhaya iyo jugtii gaadhay badankooda.

64. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.

65. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay.

 

66. Calankaa Buuluugee xidigi beerka kaga taalo.

67. Booli maaha ee waa midkaad balal jeedheene.

68. Waa boobe iyo jeer midkaad bayl u xidhateene

69. Balqanyihii cadaa waa midkaad ugu badheedheene

70. Bahal dool kuyimid waa midkaad u boqno goyseene.

71. Dhiigiinu waa kuu u baxay una buseesheene.

72. Birta sudha in badan buu ahaa baadi oo kale’e

73. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.

74. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay.

 

75. Qarankii burburay iyo shacbiga bacadka loo ooday.

76. Bushiigii ku raagiyo ha tago daal bariinsadaye.

77. Waxa manta bixin kara wadani badhax tirkiisiiye.

78. Gobanimdi baartee lanacay boodhka ka afuufa.

79. Waxay shalay ku biirootay iyo baynax ka ilaalsha.

80. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.

81. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay.

 

82. Dhulka laga ban joogoobay ee nacbku boobaayo.

83. Gumaysigu burkuu kaga dhex tagay baadha xididkiisa.

84. Barkhadana u horseedoo imudaa loo basaas mudaye.

85. Baalaha dadkaa idinka xiga nabad ku baaweeya.

86. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.

87. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay.

 

88. Inkasto lakala booday oo buur lakala fuulay.

89. Bogana ay cuqdadi jiifto iyo laabta babaceeda.

90. Bada laguma kala jeexi karo beerarkays dhalaye.

91. Biyuhuna makala soocmayaan oo allays badaye.

92. Bahwadaag makala maarantee badiya tawfiiqda.

93. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.

94. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay.

 

95. Colaad buunka yaan cidi u tumin bi’iya weeyaane .

96. Waa baro kac dhaxlkeedu iyo baahi joogto ahe.

97. Asay badata iyo waa agoon midhahay beertaaye.

98. Barbaariyo waxay sahayataa baarcad soo kiciye.

99. Aakhaarina bar kulankeedu waa bohosha naareede.

100. Dad ilaah ka baqayaa waxaa uma badheedhaane’e.

101. Soomaaliyeey cashir ka baro Xamar bidhaanteeda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this