Sign in to follow this  
ANWAR

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Galabta Kulan Dheer La Qaatay Gudigii Loo Xilsaaray Kasoo Talabixinta

Recommended Posts

ANWAR   

Published on January 24, 2012 by Jayte · 4 Comments · 1,071 views

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliy Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay gudi isugu jira Wasiirro,Gudoomiyeyaasha Degmooyinka, Saraakiisha Ciidammada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada,Ra’isulwasaaraha Xukuumadda iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka kuwaasi oo uu dhowaan u xilsaaray iney kasoo talabixiyaan sida ugu fudud ee loo hirgelin karo Mashaariic ay Walaalaha Turkigu ka fulinayaan gudaha dalkeenna oo ay ugu horeyso dhisidda iskuullo gaaraya 94 iskuul.

 

Furitaankii kulanka ayaa xubnaha gudiga waxa ay soo gudbiyeen talooyin ay soo uruuriyeen oo la xiriiray sida loosoo celinkaro bilicda Caasimadda,Sugidda Ammaanka iyo Sida ugu sahlan ee looga saari karo dadka degen dhismayaasha Dowladda si loo hirgeliyo Mashaariicda lagu fulinayo gudaha Dalka ayadoo talooyinka ay gudigu soo gudbiyeenna ay ahaayeen kuwo laga soo uruuriyey dhinacyo kala duwan oo ay ka mid tahay aragtiyo ay Soomaalida Caalamku kusoo gudbiyeen bogga radiomuqdisho.net .

 

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyeyaasha degmooyinka qaarkood, Duqa magaalada Muqdisho,xubno ka tirsan golaha Wasiirrada,Taliyeyaasha Ciidammada Qaarkood ,Ra,isulwasaaraha Xukuumadda iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaana dhamaantood ay aragti mideysan ka qaateen fulinta Mashaariicda ayadoo Talooyinka lasoo jeediyey laga qaadanayo inta ugu macquulsan ee wax dhisi karta.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad dheer ka jeediyey kulanka markii uu dhageystay tallooyinka gudiga ayaa ugu horeyn shaaca ka qaaday in lagama maarmaan ay tahay in lasoo celiyo dhismayaashii Dowladda ee la degay wixii ka dambeeyey 1991kii ayadoo la adeegsanayo Wacyigelin socon doonto 12 maalmood ah oo maalinnimada berito ah ka bilaabaneysa si ay dadku u fahmaan dantooda una sahlanaato in la hirgeliyo mashaariicdaasi ayadoo howshaasina loo xilsaaray gudi ka kooban Shan Wasaaradood oo ay Wasaaradda Warfaafinta ugu horeyso.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dadka qaxootiga ah ee degen dhismayaasha Dowladda oo aanan iyagu awoodin iney guryo degaan loo sameeyo dib u dejin ayadoo la geynayo xerooyinka Barakacayaasha gaar ahaan xerooyinka Rajo iyo Badbaado ayadoo dadka kale ee guryahoodii heli karana aanan dib u dejin loo sameyneyn oo ay guryahooda aadayaan ayaga oo cafis weydiisanaya Umadda Soomaaliyeed.

 

Kulankan galabta uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda la qaatay gudigan dhinacyada kala duwan ka kooban ayaa daba socda kulan uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed la qaatay 21kii bishan isla xubnaha gudigan ayadoo ujeedada ugu muhiimsan ee kulamadanna ay tahay Sugidda Amniga,Soo saarida bilcda Caasimadda iyo Hirgelinta Mashaariic laga fulinayo gudaha Dalka ayadoo go’aannada lasoo saarayna ay hirgeli doonaan wixii berito ka dambeeya.

 

Khudbadaha Halkan Hoose Ka Dhageyso

 

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Khudbadaha Kulanka Maanta http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2012/01/Riix-Halkaan-Si-Aad-U-Dhageysato-Qeybta-Koobaad-Ee-Khudbadaha-Kulanka-Maanta.mp3

 

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Khudbadaha Kulanka Maanta http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2012/01/Riix-Halkaan-Si-Aad-U-Dhageysato-Qeybta-Labaad-Ee-Khudbadaha-Kulanka-Maanta.mp3

 

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Seddexaad Ee Khudbadaha Kulanka Maanta http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2012/01/Riix-Halkaan-Si-Aad-U-Dhageysato-Qeybta-Seddexaad-Ee-Khudbadaha-Kulanka-Maanta.mp3

 

it is impossible to upload photos

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this