Sign in to follow this  
Maaddeey

Gabay qiiro leh: ARLIGAA LA KALA BOOBAYAA..

Recommended Posts

Maaddeey   

Ingiriis Axmaariyo Talyaan wey akeekimiye

Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone

Anse ila ah aakhiru Sabaan iligyadiisiiye

 

Orgigaa riyaha taadaxoo oodda faaliga e

Waa duni hablihii loo ogaa aqalka diideene

Anse ila ah aakhiru sabaan iligyadiisiiye

 

Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine

Waa duni akhyaartii go'day oo aaran soo hadhaye

Waa duni ninkaad aamintaa kuu abees yahaye

Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

 

Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye

Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye

Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

 

Afka iyo adduunkaa hadloo oodan? sadarkiiye

Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye

Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

 

Nimanyahow bal daya xaajada lala aguugaayo

Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo

Asxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine

 

Haddaa niman Islaamiyo tihiin aadan faracdiisa

Oo aydnaan Ilaahay ka go'in hayna oodina'e

Hadduu Awrka dooxada ku furo eel kalaa xigiye

Inaga Daaya yaynaan ku dhicin bahal Afkiisiiye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Maaddeey;777245 wrote:

Inaga Daaya yaynaan ku dhicin bahal Afkiisiiye

 

We kill, and blow up thousands & thousands of innocent Somalis

We chase millions out of their homes, and force them to become refugees

We watch as thousands & thousand die of hunger, and others drown in the oceans

 

Dhimasho nooc walba ah ayaa dadkeenii soo martay. Bahaladii in ay ina cunaan ayuun baa inoo hadhay..:mad:

 

Maaddeey, please read: Our Children by BOB post #251 here is the link http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/22879-Diplomat-For-The-Damned.?p=777052#post777052

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Hees Qiiro Leh, very emotional Axmed Naaji Sacad: "Go'nay"

 

 

 

@00:44 You can hear his voice cracking, and then again @2:12 he is literally crying from the emotion. Axmed Naaji is one of my all time favorite fanaan. Heestan Axmed Naaji wuxuu kaga hadlayaa sida aynu isu galney iyo xaalada ay ummadda soomaaliyeed maanta ku sugan yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Gabayo waxaa jira aan macnaha ay ku fadhiyaan inaba ha yaraatee la sharixi karin sida kan kor ku xusan iyo midaan u malaynayo inuu tiriyay nin soomaaliga baaliq ku ahaa runtiina gabyaa ahaa filayana inuu boorame ku dhashay hadaanan khaldanayn magiciisii waan iska liqaye bal tixdan fiiri

 

 

 

Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye

Dhaqashiyo marbay kaa yihiin dhereggu xaaraane

Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye

Dhashaadeey sugtaa xaajadaad dhawrtaa abide

 

Bal u fiirso gobanimadaa qotada dheer oo ninkaas ku duugnayd iyo kuwa shirarka nooga qayb galaya farqiga u dhaxeeya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this