Sign in to follow this  
Siciid1986

Taliyaha Ciidamada S/L Oo Sheegay In Buuhoodle Ka Mid Tahay Ciida Somaliland Iyo Puntland Oo Ka....

Recommended Posts

Taliyaha Ciidamada S/L Oo Sheegay In Buuhoodle Ka Mid Tahay Ciida Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Quusatay.

 

“Ciidamada Qaranka Oo Madaafiic Ku Garaacay Fadhiisimo Maleeshiyaadkii Buuhoodle Ka Firdhaday”

 

Buuhoodle (Waaheen) – Ciidamada Qaranka ee gacanta ku haya Magaaladda Buuhoodle ayaa shalay madaafiic ku garaacay fadhiisimada ay isku urursanayaan Maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee laga saaray halkaasi.

 

Ciidamada qaranka oo hadda si buuxda gacanta ugu haya guud ahaan Magaaladda Buuhoodle ayaa madaafiic badan ku garaacay deegaano dhinaca bari ka xiga Buuhoodle oo si aan caadi ahayn ay isugu urursanayaan kooxahaasi oo doonaya inay weerar rogaal celin ah ku soo qaadayaan Ciidamada qaranka oo fadhiisimo ka samaystay gudaha iyo daafaha Buuhoodle.

 

Madaafiicdan ciidamadu ku garaaceen Maleeshiyaadka ayaa lagu lagu sheegay in ciidamadu ku kala eryayeen Maleeshiyaadka si ay ula dagaalamaan fursad ay kooxaasi u helaan inay dib isugu abaabulaan, inkasta oo wararka qaar sheegeen in Maleeshiyaadku markii hore wax ku soo tuurtuureen.

 

Lama sheegin wax khasaare ah oo madaafiicdaasi u geysteen Maleeshiyaadka reer Buuhoodle, balse wararka halkaasi laga helay ayaa xaqiijiyey in kooxahaasi ay ka firdhadeen meelihii ay isku urursanayeen isla-markaana ay u guureen meel qiyaaastii 22KM u jirta Buuhoodle.

 

Dhinaca kale, taliyaha guud ee ciidamada qaranka Maxamed Xasan (Jidhif) oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada qaranku aanay weerarin dad shicib ah isla-markaana aanay wax dhibaato ah u geysan, balse ay joogaan xeryaha ciidamada ee Magaaladda Buuhoodle “Waxaanu joognaa Xeryaha ciidamada ee Buuhoodle oo aanu ka qabsanay koox nabadgalyada dalka, ta soomaliya iyo ta mandaqadaba khalkhal galinayey” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Marnaba maanaan weerarin dad shicib ah, dadka reer Buuhoodle-na waa dad reer Somaliland ah, dhulkuna waa Somaliland.”

 

Wasiirka Wasaaradda amniga Puntland Ilko-jiir oo xalay ka hadlay dagaalkii Buuhoodle ayaa ku dhici waayey inuu carabka ku dhufto in Magaaladda Buuhoodle ka mid tahay meelaha ay sheegtaan, isaga oo diiday inuu si sax ah uga jawaabo su’aal BBC-du ka waydiisay sheegashadii hore ee Buuhoodle, balse waxa uu ku celceliyey in nabadgalyada iyo deganaanshaha la ilaaliyo, taasi oo markhaati u ah in maamul goboleedka Puntland ay ka quusteen sheegashada Buuhoodle.

 

u_55731d_2012-1-15-23-37-15f_Jidhif.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

It is really sad in inta shacab madaafiic lagu garaaco la dhaho cadow baan baabi'innay. Goormay

Soomaalidu waxan ka waantoobeysaa! Dad aan aamminsanahay inay dano gaar ah leeyihiin baan kala doodaa dukhayntii dowladdii Siyaad Barre u geysatey gobollada Waqooyi oo aan u arkayey mid arxandarro ahayd, adinkana hadda idinkama yeelayo in wixii aad ka cabaneyseen aad dad Soomaaliyeed u geysataan.

Soomaali madaafiic idinkuma garaacin ay leeyihiin maxaad nooga goosateen ee waan idin sugeynaa, adinkuna kuma khasbi kartaan dad Soomaaliyeed oo aayahooda ka tashanaya. Waa in la isku samraa oo si wanaagsan aan dowlad u wada dhisanaa SL socon weydaye!

 

Caqligu ha shaqeeyo!

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Ciidamada qaranka oo hadda si buuxda gacanta ugu haya guud ahaan Magaaladda Buuhoodle ayaa madaafiic badan ku garaacay deegaano dhinaca bari ka xiga Buuhoodle oo si aan caadi ahayn ay isugu urursanayaan kooxahaasi oo doonaya inay weerar rogaal celin ah ku soo qaadayaan Ciidamada qaranka oo fadhiisimo ka samaystay gudaha iyo daafaha Buuhoodle

;) kan nuux taani baaba ka roonaa saa been intaa le'eg muu sheegi jirin.. Xagay buhodle gacanta uu kaga hayaa.. Allow ceeb astur..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

Why are small-minded secessionists still buzzing about petty tribal issues when the whole world let alone the Somali collective people are looking at the issue of energy exploration on this day?

 

It just shows how some people live for the simple things and cannot look beyond petty issues. I pity them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AsadSL   

Walahi if these reports are correct i am not happy ina umad somaliyeed madaafiic lagu garaaco if its true then i am against this. The Somaliland National Army is outside the town and left because the government told them to leave to aviod making it look worse then it was but people and websites are claiming the victory of some locals with guns.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waa dad is yaqaan ilaa qarni hore caqligu haduu shaqayn waayo wadnahaa shaqayn,waxaan la yaabaa markay yiraahdaan ciidanka qaranka?

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

AsadSL;776513 wrote:
Walahi if these reports are correct i am not happy ina umad somaliyeed madaafiic lagu garaaco if its true then i am against this. The Somaliland National Army is outside the town and left because the government told them to leave to aviod making it look worse then it was but people and websites are claiming the victory of some locals with guns.

:D @government! How many governments are we talking about? The above man is the government and he claims that his millitia controls the city is baac...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this