Sign in to follow this  
Duufaan

Malayshiyaadka SNM-ta oo Sooljoogto la marinayo iyo Saldhig Police oo ku yaala Laascaanood oo la qab

Recommended Posts

Duufaan   

Malayshiyaadka SNM-ta ayaa ku hoobtay dagaal culus oo ka dhacay magaaladda Buuhoodle waxa la sheegay in Maydkoodu sida Kashkaashka uu u waran yahay duleedka Buuhoodle iyada oo magaaladda ay gaadheen Kumanan Mujaahidiin ah oo ka soo gurmaday dhamaanba magaalooyinka ku dhaw Buuhoodle

 

waxaana iminka xabadu ka socota deegaanadda Sooljoogto sida uu noo xaqiijiyey taliyaha ciidamdda Aaga Buuhoodle, Horgaladii soo horkacayey Malayshiyaadkan ayaa la sheegay in khasaare weyn soo gaadhay waxana la sheegay in qaarkood la qabtay.

 

Magaaladda Laascaanood ayaa la sheegay in dhamaanba shacabka uu la soo baxay Hubka kuwaas oo kacdoonka bilaamay magaaladda waxana la sheegay in Saldhig Boolis laga wareegay Malayshiyaadka SNM-ta kaas oo iminka la sudhay calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^let me guess: Widhwidh right.... hahahahahaha...

 

saxib that source does not count..anywhoo we live in the information age the truth is bound to come up on tv or radio phone call soon anyways brace yourself...I hear they make good tea in Buhoodle and sooner or later some Somaliland official will be on the radio or tv. live from buhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Somaliland oo Buuhoodle laga saaray

 

 

Waxaa dib mar kale degmada Buuhoodle looga saaray ciidamada Somaliland oo iyagu saacado kahor ganac ku haynteeda dagaal xoogan kula wareegay.

 

Wararkii ugu danbeeyey ee Buuhoodle naga soo gaarey ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay dib magaalada uga bexeen kadib markii ay iska caabin xoogan kala kulmeen ciidamada deegaanka oo dagaal culus kala hortegey.

 

Weriye ku sugan degmada Buuhoodle oo ay Horseed Media khadka Telefoonka kula xiriirtay ayaa xaqiijiyey in ciidamada Somaliland Buuhoodle laga saaray kadib markii ay ka itaal roonadeen ciidamada madaniga ah ee deegaanku.

 

Waxaa dhinaca kale ay wararku nagu soo gaarayaan in ciidamada Somaliland khasaare xoogan oo isugu jira gaadiid dagaal oo laga gubey iyo saraakiil laga laayeyba lasoo gaarsiiyey, inkasta oo warkaasi uu yahay ilaa iyo hada mid aan sugnayn.

 

Wararka dagaalka saaka ka dhacay xarunta gobolka Cayn ee Buuhoodle ayaa marba marka ka danbeysa kusoo dhacaya warqabadka warbaahinta Horseed Media, faah faahin dheeri ah naga filo saacadaha soo fool leh.

 

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka aanu ka helayno Deegaanka Buuhoodle baa sheegaya in Ciidamadii Somaliland ee saaka Waabarigii Gudaha u Galay degmada Buuhoodle ay dib uga Noqeeen deegaankaasi ka dib Iska Caabin Xoogan oo ay kala Kulmeen dadka deegaankaasi ku dhaqan.

 

Ilo wareed baa sheegaya inay Fadhiisin ka dhigteen Ciidamada Somaliland Meesha lagu Magcaabo Shangala oo 5-Km dhinac Galbeedka ka xigta Magaalada Buuhoodle halkaasi oo ay Rasaas Teel teel ahi wakhtigan ka socoto.

 

Lama sheegin wax Khasaare ah ilaa haatan oo uu dhaliyay dagaalkaasi saaka Aroortii ka curtay degmada Buuhoodle hase ahaatee wariye Madax-banaan oo ku Sugan Goobta Shirka Taleex baa sheegaya in Ciidamo ka Ruqaansadeen degamda Taleex kuwaasi oo Gaadhay Buuhoodle

 

Dagaalkan ayaa yimi ka dib markii shalay ay Idaacadaha BBC-da iyo VOA-da Laamahooda Af-ka Somaliga Iska weerareen Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] Prof Cali Khaliif Galaydh oo ahaa Raisalwasaarihii Hore ee Somaliya kaasi oo Hormuud u ah Shirka Taleex.

 

 

 

Bahda- GalGalanews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this