Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopian troops arrest president of Dooxada shabeele.

Recommended Posts

Madaxweynah Dooxada Shabeelle C/Fitaax Oo Ciidamada Ethiopia Xabsiga Dhigay.

 

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Dooxada Shabeele C/fitaax Xasan Afrax ayaa Ciidamada Ethiopia xabsiga u taxaabay, lamana oga sababta ka dambeyso xarigaani.

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Dooxada Shabeelle ay ciidamada Ethiopia hub ka dhigis ku sameeyeen, Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa u xaqiijiyay Cadaalad.com in Amaanka Magaalada lagu wareejiyay Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca, iyadoona ay wali ku sugan yihiin ciidamada Ethiopia magaaladaasi.

 

C/fitaax Xasan Afrax madaxweynaha Maamulka Dooxada Shabeelle ayaa caawa ku hoyanayo xabsi ay gacanta ku hayaan Militaarka Ethiopia.

 

Magaalada Baladweyne ayaa aheyd mid u kala qeybsan Seddex qeybood oo ay kala taliyaan, Ciidamo uu wato Yuusuf Dabgeyd oo qeyb ah, Maamulka Dooxada Shabeelle iyo Ahlusunna oo caawa gacan ku heynta magaaladaasi la wareegay.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Ma kala jecli inay sax tahay in la xiray ninkaan & in kale!. Waaa caadada xabashida inay xiraan da.b.a d.h.ilifkooda, (Cabdullaahi Yuusuf, Cumar X. Masalle, Maxamed Dheere & kuwo kale). Fahamtii?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

XX, ma ogi wixii laguu sheegey, iska hor imaad wuu dhacay, ninkan dooxada wata ayaana ka danbeeya.

 

Maamul ayaa loo magacabi doona mardhow kadib wadatashida socda markii ay dhamaadaan, ninka raba inuu isbaaro u dhigto gobolkana tilaabo cad ayaa laga qaadayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   
:D Ceebey tacaal, maxaan kuu sheegay Somalina?. Xabashi aa tallaabo wax ka qaadeysa? tut tut! Generalkii cidda ahaa ee Xabashida ka soo horjeestay waagii Ina Yusuf muxuu ahaa magaciisa? nin rag ah dheh!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

I am completely against these maamul-ku-sheeg fools who make Melez and his moor yaans as heroes. I don't think in Itoobiya wax Khayre ah keeneyso, kuwa noo Keenay oo gafuurka Duuban iyo amxaaraduna Waxba is a dhaamaan! Ilaahoow Soomaalida Caqli u yeel ay dantooda ku gartaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Raamsade   

Al-Shabaab lackeys are clutching at straws. There are no basis in these rumours especially regarding the arrest of Dooxada Shabeelle leader Cabdifataax X. Afrax.

 

 

Madaxweynaha Dooxada Shabeele oo beeniyey in la xiray, aqri warbixin

 

B/weyne: HN: Cabdifataax Xasan Afrax oo ah madaxweynah Dooxada Shabeele ee Soomaaliya iyo Aadan Cabdulle Cawaale oo ah hogaamiyaha ciidanka Ahlu Sunna Hiiraan ayaa la sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo jooga magaalada B/weyne ay xireen, kadib markii shalay galab ciidamo kala taabacsan iska horimaad ku dhexmaray duleedka magaalada.

 

Hadaba madaxweynaha Dooxada Shabeele oo Hiiraan Net la xiriirtay ayaa sheegay in aanay jirin wax xarig la yiraa oo loo geeystay, Madaxweynaha ayaa sheegay in kadib shirkii dhacay shalay galab aay saraakiisha ciidamada Itoobiya ee aay saaxibada yihiin waa siduu hadalka u dhigee aay u yeereen labada masúul iyagoo wax naga weeydiiyey sidii aay wax u dhaceen.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in saraakiisha ciidamada Itoobiya ay kala wada hadleen sidii loo xaqiijin lahaa amniga magaalada, loogana hortagi lahaa isku dhacyo ka dhaca gudaha magaalada Beledweyne.

 

C/fitaax ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray wararka sheegayay in uu xalay xabsi ku baryay isagoo sheegay in xalay uu ku hoyday hoygiisa oo ku yaala magaalada B/weyne. C/fitaax ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhacdadii shalay dhacday, ma ahayn in sidaa wax u dhacaan, laakiin waxkasta waa qadar Alle, wiilasha dhintay waa wiilasheenii, waxaanan hadda kadib ku dadaali doonaa in aanan dhacdooyinkan oo kale aanay dhicin, wiilasha dhaawacana waxaanu u daaweysan doonaa si wadajir ah.

 

Waxaan aaminsanahay in bulshada Hiiraan aay ka dhinteen dad badan si aan macno laheyn iyo si ulakac, hadda kadib waa inaan ka shaqeeynaa inaanu nafaha bulshada badbaadino, Al-shabaab dhibaatadii aay halkan ka geeysatay ayaa weli laga dareemayaa iyadoo wali bulshadu ku dhiiran la'dahay inay fekradahooda cabiraan, cabsidii iyo caburintii lagu hayay darteed.

 

Madaxweyne C/fitaax ayaa Somalida ka codsaday inay tixgeliyaan jiritaanka Hiiraan farahana kala baxaan aayaha mustaqbalkooda iyo noloshooda, baryahan sidiiba B/weyne xor uga noqotay cadowga cid waliba waxay doonaysaa inay Hiiraan taladeeda yeelato, iyagooba meesha ka saaray madaxbanaanida Hiiraan ee maamulkii aay doonayaan soo doortaan, wuxuu yiri walaalaha Somaliyeed anagu Hiiraan ahaan gobolo kale taladooda kuma jirno fadlan keena faraha nooga qaada.

 

Madaxweynaha ayaa ka goodiyey in aanay yeeli doonin in dadyoow kale talo u dhiibtaan masiirka mustaqbalka Hiiraan, dhinaca kale wuxuu eedeeyn dusha uga tuuray reer Hiiraanka qurbaha isagoo ku tilmaamay dad ka nool afka, waxa doonaya inay masiirka Hiiraan talo ku yeeshaan waa saagiina idinla degan qurbaha, fadlan imaada dhulkiina taladiina iyo waxqabadkiina waa loo baahan yahay, meel hoo u baahan hadal waxba kama taro, taleefoono ayay soo dirayaan sidii in waxkasta taleefoon lagu xalin karo.

 

C/fitaax ayaa wuxuu tusaale u soo qaatay shirkii ka socday Taleex, isagoo sheegay in waxgaradkoodii iyo aqoonyahankii ka qeybgalay aay isaga yimaadeen meelwalba aduunka iyadoo maamulka Somaliland uusan raali ka ahayn, laakiin dhagaheey ka fureysteen waxayna u istaageen inay dadkooda iyo deegaankooda waxtaraan, hada Hiiraan waa xor fadlan intii aanu qaban karnay waanu qabanay kaalaya bulshada wax inagala dhisa.

 

http://www.hiiraannet.com/?p=13553

Wareysiga aanu la yeelanay madaxweyne C/fitaax ayaanu qoraal ku soo koobnay, inagoon u helin inaanu cod ahaan u soo duubno.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this