Sign in to follow this  
Duufaan

somaliland oo Itoobiya U Gudbisay 20 Qof Oo Ka Mid Ah Qaxootiga Dalkaasi Ee Somalilan

Recommended Posts

Duufaan   

Hargeysa, December 29, 2011 (Haatuf) – Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay inay maalintii shalay u gudbisay dalka Ethiopia 20 qof oo ka mid ah qaxootiga Itoobiyaanka ah ee ku sugan Somaliland, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ay xabsiga u taxaabtay Wasaarada Arimaha guduhu oo ay cabasho ula tageen wasaaradaasi, sida ay Haatuf u cadeeyeen qaar ka mid ah dadka qaxootiga Itoobiyaanka ah ee hor fadhiya Xafiiska UNHCR ee Hargeysa muddada bisha ku dhaw.

 

20-kan qof ee Itoobiyaanka ah ayay maalintii shalay xukuumadu ay ku qaaday gaadhi loogu talo galay in lagu geeyo xuduudka Itoobiya iyo Somaliland, halkaas oo la sheegay in lagu wareejiay dawladda Itoobiya, waxaanay intaasi ku dareen in wakhtigan xaadirka ah ay cabsi weyni soo food saartay Qaxootiga Itoobiyaanka ah ee muddada cabashada la hor fadhiyey xafiiska UNHCR ee xaafada shacabka ku yaala, Xafiiskaas oo ay ka hor samaysteen waabab ku dhawaad bolaal qoys oo Itoobiyaan ah.

 

Ilaa iyo hada lama garanayo sababta ay xukuumadu ugu gudbisay Itoobiya qaxootigan, balse mar aanu isku daynay in aanu arintan xukuumada wax ka waydiinyo ayaa Agaasimaha guud ee Daakhiliga C/laahi Xuseen Cige oo aanu la xidhiidhnay ayaa xalay ayaa noosheegay inuu hada shir ku jiro oo uu mashquul yahay oo lagu soo celiyo, balse markii dambe aanu ku waynay khadka telefoonka.

 

Qaar ka mid ah Qaxootiga Itoobiyaanka ah ee cabashada habeen iyo maalin la hor fadhiya Xafiiska UNHCR ee Hargeysa ayaa noo sheegay in ay indhahooda ku arkayeen xiligii gaadhiga la saarayey ee loo gudbinayey xuduudka, waxaanay intaasi ku dareen in qaar badan oo ka mid ah Qaxootigan ay Somaliland u joogaan magan galyo kadib markii ay lafahooda ugala soo carareen dawladda Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

this time, they were not ONLF, they were oromo disident. will that make any differences?

You was upset the arrest of your clan man in JigJIGA, imaging what this men will go through in Qalamba undeground and torture. believe me anyone who participated will pay back here and here after.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oromos have no place in somaliland ethnic somalilandish people are indigenous inhabitants of the somali region under Ethiopian occupation so they will never be deported from their land but just be arrested by the Ethiopian govt.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this