Sign in to follow this  
Somalina

Golaha Wasiirada Somalia oo isku raacay in R/W Turkiga loo aqoonsado Shaqsiga Sannadka

Recommended Posts

Somalina   

Isniin, December 26, 2011 (HOL) − Shir aan caadi ahayn oo golaha wasiirada DKMG ah ay maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa looga hadlay shaqsiga mudan in la siiyo sannadkan billad sharafta ay Qarammada Midoobay bixiso ee loo yaqaan United Nations Population Award.

 

Kulanka wasiirrada oo uu guddoominayay ku simah ra'iisul wasaaraha, ahna wasiirka arrimah dibadda Soomaaliya, Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa u sharraxay wasiirrada billad sharafta Qarammada Midoobay ay bixiso iyo in dowladda KMG ah ee Soomaaliya looga baahan yahay inay si deg-deg ah u gudbiyaan shaqsiga ay u arkaan inuu muteystay billaddan.

 

Sanad walba guddiga Qarmamada Midoobey u qaabilsan billad sharafta (United Nations Population Award) ayaa waxay guddoonsiiyaan shaqsigii ama hay’adii loo garto inay kaalin mug leh ka qaateen dhiirri-gelinta ama wecyi-gelinta bulshada caalamka ama xalintooda.

 

Bilad Sharaftan ayaa waxaa lagu aasaasay qaraarkii golaha guud ee Qarammada Midoobey 36/201, ee bishii november 1981, iyadoo markii ugu horreysay la bixiyey 1983-dii. Billaddu waxay isugu jirta: billadda dahab ah, shahaado iyo lacag.

 

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa laga sugayaa ka hor 31-ka December 2011; inay gudbiyaan shaqsiga ay u garteen inuu mudan yahay bilad sharaftan.

 

Golaha wasiirrada oo aad uga dooddan arrintan ayaa waxay u garteen ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan in loo aqoonsado shaqsiga ugu mudan caalamka in la guddoonsiiyo billad sharaftan, isla markaana ay dowladda Soomaaliya u gudbiso Qarammada Midoobay musharaxnimadiisa.

 

Qarammada Midoobey ayaa ku dhawaaqi doonto shaqsiyaadka muteystay billad-sharaftan bisha Maarso ee sannadka 2012, iyadoo xoghayaha guud uu guddoonsiin doono shaqsigaas biladda marka la gaaro bisha Juun ee 2012.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

What is this time magazine. What they should do is name a major highway in honor of PM Erdogan and Turkey especially the one they promised to build. That will be more meaningful and will last longer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa u sharraxay wasiirrada billad sharafta Qarammada Midoobay ay bixiso iyo in dowladda KMG ah ee Soomaaliya
looga baahan yahay inay si deg-deg ah u gudbiyaan shaqsiga ay u arkaan inuu muteystay billaddan.

.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this