Sign in to follow this  
Che -Guevara

Benadir Football Tournament

Recommended Posts

^Yeah Yeah...... :P

 

MMA.....Hotel Guuleed Hiliwaa ma,aha ee yeelyeelka iskadaa. I was born in Shibis lived in Yaaqshiid, my support goes to both:-)

 

Where's ciyaal Waaberi....?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tartankii Kubadda Cagta Degmooyinka Oo Si Habsami Leh U Socda Iyo Wardhiigleey Oo Ku Guuleysatay Koobka Xuska Munaasabadda Booliiska.SAWIRRO

Published on December 19, 2011 by Jayte · 8 Comments · 1,689 views

 

Kadib markii uu shalay furay ciyaaraha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa garoonka Stadiom Koonis ka socda hardanka kooxaha degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Xafladdii furtaanka shalay kadib ayaa waxaa foodda is daray kooxaha degmooyinka Dharkiinleey iyo Dayniile waxaana guushu ku raacday kooxda degmada Dharkiinleey oo 3-0 ugu awood sheegatay dagmada Dayniile.

 

Maanta ayaa waxaa sidoo kale wada ciyaaray kooxaha degmooyinka Wardhiigleey iyo Xamar JaJabab kuwasoo soo bandhigay ciyaar aad loo jecleystay, waxaana ciyaarti maanta sidoo kale yaallay koob lagu maamuusayay sanadguurada 68-aad ee aas aaska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed kaasoo lasoo dhex dhigay kooxihii maanta ku balansanaa ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Markii labada koox ee degmooyinka Wardhiigleey iyo Xamar JaJab ay isku mari waayeen 0-0 waqtigii loogu talagay ayaa garsoorihii kulankaasi waxa uu dhigay gool ku laabdyo ama Rigooroyin, waxaana 5-4 guushu ku raacday kooxa kubadda cagta degmada Wardhiigleey.

 

Koobkii lagu maamuusayay sanadguurada 68-aad ee aas aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa la carraabay kooxda degmada Wardhiigleey, waxaana gaba gabadii kulankaasi koobka guddoonsiiyay guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ahna kusimaha guddoomiyaha gobolka mudane Cali Axmed Guure.

 

Munaasabaddasi koobka lagu guddoonsiinayay kooxda degmada Wardhiigleey ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya mudane Siciid Maxamed Nuur (Siciid Mugaambe), taliyaha Akadeemiyada Jeneral Kaahiye mudane Axmed Dayib Axmed Dhagacaleen iyo masuuliyiin kale oo katirsan ciidanka Booliska Soomaliyeed.

 

Dhanka kale ciyaartaas kadib ayaa waxaa bilaabatay ciyaar kale oo katirsan ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ee shalay madaxweynaha uu furay oo dhex martay kooxaha Shibis iyo Hurwaa, waxaana 90-ki daqiiqo ay isku mari waayeen 0-0.

 

Intaa kadib ayaa waxaa garsoorihii kulankaasi uu goostay in lagu kala reebo kooxahan Gool ku laad ama Rigoore waxaana guushu ku raacday 4-3. Degmada Shibis.

 

Ciyaartii ay soo bandhigeen kooxaha degmooyinka Shibis iyo Hurwaa ayaa aheyd mid jilbaha la isaga murxay oo dhowr jeer Rigoorayaashii xitaa la isku agdhacay, oo barbaro ay wada galeen, waxana dad weynihii kasoo qeyb galay daawashada ciyaartaasi ay ku tilmaameen kulan darbi ah.

 

Taageerayaasha kooxaha maanta ciyaaray ee Wardhiigleey Vs Xamar Jajab iyo Shibis Vs Hurwaa, ayaa buuxdhaafshay garoonka kubadda cagta ee Stadiom Koonis ee degmada C/Casiis kuwasoo watay astaamaha calamada degmooyinka iyo gurbaano ay ku dhiiri galinayeen kooxaha ay kala taagersan yihiin.

 

Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa soo qaban qaabiyay ciyaaraha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, iyadoona kooxdi mar qura laga badiyo ay gabi ahaanba isaga hareyso tartanka.

 

Tartankan ciyaaraha degmooyinka oo lagu wado inuu socdo muddo 10-maalmood ah ayaa waxaa maalinta bari ah lagu wadaa iney foodda is daraan kooxaha degmooyinka Yaaqshiid Vs Kaaraan iyo ciyaarta dambe oo ay isku arki doonaan kooxaha degmooyinka Waabar Vs Hodan.

 

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si xoogan usoo dhoweeyay ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir iyagoona uga mahad celiyay masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed qaban qaabada iyo qabashada ciyaaraha degmooyinka.

 

Updates

Share this post


Link to post
Share on other sites

.Dhanka kale ciyaartaas kadib ayaa waxaa bilaabatay ciyaar kale oo katirsan ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ee shalay madaxweynaha uu furay oo dhex martay kooxaha Shibis iyo Hurwaa, waxaana 90-ki daqiiqo ay isku mari waayeen 0-0.

 

Intaa kadib ayaa waxaa garsoorihii kulankaasi uu goostay in lagu kala reebo kooxahan Gool ku laad ama Rigoore waxaana guushu ku raacday 4-3. Degmada Shibis

Share this post


Link to post
Share on other sites

Showqi, bar iskeerso maa Hodan loogu bixiye degmadaas. Magac dheel dheel kuma baxo.

 

Che, Hoteel Guuleed Shaaqshiid uu ku yaalay technically, laakiin degmada Huriwaa ayaa kasoo horjeeday hoteelka; it was facing that degmo. Marka it felt it located more in Huriwaa than in Shaaqshiid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wareega Koobaad Ee Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir Oo Soo Gebogeboobay Iyo Degmooyin Haray.SAWIRRO

Published on December 22, 2011 by Jayte · 8 Comments · 2,341 views

Waxaa wali si habsami leh uga soconaya garoonka kubadda cagta Banaadir Stadiom ciyaaraha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa maanta soo gaba gaboobay wajigii koobaan ee ciyaarahaasi.

 

Kadib kulan xiiso badan oo galabta isku arkay ciyaartoyda degmooyinka Wadajir Vs Xamarweyne , waxaana kulankaasi uu ahaa mid xiiso iyo xamaasad badan watay iyadoona ciyaartaasi ay usoo daawasho tageen guddoomiye yaasha degmooyinkaasi oo ay wehliyeen boqolaal taageero yaal ah.

 

Ku waasoo buux dhaafshay garoonka kubadda cagta ee Banaadir Stadiom, waxaana ciyaartaasi ay kusoo idlaatay 3-0, oo ay guusku ku raacday kooxda kubadda cagta Wadajir oo 3- ugu awood sheegatay kooxda degmada XamarWeyne.

 

Markii ay ciyaartaasi soo gaba gaboowday ayaa guddoomiyaha degmada Wadajir mudane Axmed Xasan Caddoow (Axmed Daaci) waxa uu abaal marin usiiyay ciyaartoyda degmadiisa lacag dhan 500$, isagoona ku guddoon siiyay abaal marintaasi gudaha garoonkaasi kadib markii ay ciyaarta dhamaatay.

 

Ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir oo noqday kuwo soo jiita taageerayaal gudaha magaalada Muqdisho iyo dibaddaba kuwasoo maalin katsa ay usoo daawasho tagaan boqolaal taageerya yaal, halka kumanaan kale oo ku nool daafaca caalamkana ay kala socdaan warbaahinta kala duwan.

 

Wareegii koobaad ee ciyaarahaasi ayaa maanta gaba gaboobay, iyadoona ay soo baxeen 8-degmo oo kala ah.

 

Dharkiinleey, Shibis, Wardhiigleey, Hodan, Wadajir, Waabari, Yaaqshiid, iyo Howl-wadaag, waxaana la filayaa in maalinta bari ay uu biloowdo wareega labaad ee ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Waxaana bari daah furi doona wareega labaad ee ciyaarahaasi degmooyinka kala ah Wardhiigleey VS Hodan, oo ciyaarta hore wada hardami doona, halka ciyaarta dambana ay isku arki doonaan kooxaha kubadda cagta degmooyinka Dharkiinleey VS Shibis.

 

Amaanka garoonka kubadda cagta Banaadir Stadiom oo ah halka ay ka socdaan ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoona ay ku sugan yihiin cutubyo katirsan ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana galab walba usoo daawasho taga dadweynaha ku dhaqan magaalda Muqdisho iyo gobolada ku xeeran.

 

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo daafaha caalamka ayaa si isku mid ah usoo dhoweeyay qabsoomidda ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir, waxeyna intaa ku dareen in ciyaarahan ay qabsoomayaan xiligii loo bahnaa.

 

 

http://radiomuqdisho.net/wareega-koobaad-ee-tartanka-degmooyinka-gobolka-banaadir-oo-soo-gebogeboobay-iyo-degmooyin-haray-sawirro/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Showqi ciyaal umul tooryo waaye illeen. MMA waanba ogahay asiga asoo Buraashad asiga la eg wato aan arki jiray. Hodan meesha boorash maa la qeybinooyaa. :D

 

Guys, Horta horoow ma u arkoosiin in kooxda Hiliwaa(Huriwaa) ay saraawiil dhaadheer xeranyihiin? That is because wali scars-kii AS aa ku dambeeyo. Mamnuuc.com :)

 

Waaberi/Shibis/Boondheere/Yaaqshiid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this