Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

Maamulka Keydmedia oo xiray xafiiskii Garoowe

Recommended Posts

Shaqaalaha xafiiska oo gaarayay 8 xubnood ayaa loo soo gudbiyay farriimo hanjabaad ah, kuwaasoo qaarkood loogu hanjabay in la gawraci doono hadii ay kasii shaqeeyaan Garoowe.

 

Waxaana farriimahan oo xambaarsanaa erayo nacayb ku dheehanyahay lagu eedaynayay Keydmedia inay soo bandhigto waxyaabo ka dhan ah Maamulka Faroole iyo Sharif Sheikh Xassan.

 

Keydmedia waxay markaas kadib go'aansatay in iyadoo fiirinaysa nabad galyada shaqaalaheeda ay xafiiskaas xirto, una soo wareejiso shaqaalihii halkaas ku sugnaa magaalada Gaalkacyo.

 

Keydmedia.net waxaay u dooddaa bulshada dulman, haddana la aamusan dhibka siyaasigu u geysto. Siyaasiga Soomaaliyeed wuxuu rabaa in la oggolaado hab-dhaqanka uu ku adeegto oo salka ku haya burbur bulsho, gacansaar shisheeye iyo danaysi shakhsi.

 

Siyaasi isk-sheegga Soomaaliyeed wuxuu ku doodada waxaan rabno aan bi’inno saxaafadduna yayna wax iga sheegin. Wuxun rabaa in uu xado magaca ummadda iyo hantida qaranka, haddana aan farta lagu fiiqin. Wuxuu rabaa inuu shirqool kasta oo dani ugu jirto uu maleego, saxaafadduna dhinaca kale ha u jeesato. Siyaasi kasta wuxuu jecel yahay in dantiisa mooyee uusan qaban danta bulshada, haddana u guuxo in la ammaano oo caleemo qoyan loo ruxo.

 

Keydmedia cidna ma dhigaalsato, cidna shiishka ma saarto ee sida dhabta ah oo wax u jiraan bay tilmaantaa. Run-sheegiddu ceeb ma aha ee waxaa ceeb ah been-sheegid aan sal iyo raad toona lahayn.

 

Waxaa nasiibdarro Ummadda Soomaaliyeed u ah in siyaasigoodu ku caanbaxo: Maleegid khiyaamo qaran, xatooyo magaca iyo hantida qaranka, been abuurid iyo asaraar cidlo ah. Dil, rac iyo marin-habaabin lagu danaysto, colaad taagan iyo nabad la’aan, iwm.

 

Aragtida siyaasiga Soomaaliyeed waxay ku salaysan tahay 100-kiiba 98, “haddi taydu meel mariweydo cidba yay iga dambayn”. Wuxuu ku andacoodaa in saxaafaddu Qabiil riman tahay. Wuxuu ku dadaalaa in laga rumaysto in been laga sheegay.

 

Wuxuu isu muujiyaa inuu ka fiyow yahay siyaasad kasta oo burbur bulsho iyo qarandumin la timid ama la timaadda. Wuxuu soo huwadaa shaal xariir ah isagoo weliba hoosta ku sita middiyo dhaadheer oo uu bulshada ku wiiqo…!

 

Keydmedia waxay iska fogaynaysaa eedaymaha ay u soo jeediyaan kuwa xaqiiqada neceb ee doonaya inaan shacabku ogaan waxyaabaha lagu hagardaamaynayo, laguna duudsiinayo xaqiisa.

 

Waxayna Keydmedia u taagantahay soo bandhigida runta, gaar ahaana waxyaabaha khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed qaranimadiisa, khayraadkiisa iyo xorriyadiisa.

 

Waxayna handadaada loo gaystay Keydmedia qayb ka tahay tacadiyada uu maamulka Faroole ku hayo saxaafada Soomaalida ee ka hawlgasha deegaanada Puntland.

 

Beensheeggu waa dhaqan siyaasi, saxaafadduna waa aalad xaqiiqadu ku saleysan, sidaas baana ku kala duwan nahay. - Keydmedia

 

Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

I dont understand what farole problem is. He has handled the media issue very badly by denying free press is admitting guilt automatically. He should just let them carry on with their nonsense and not address those medias as a response!!!

 

Farole shouldn't be concerned about keydmedia its online website as if any puntland person would go online and read websites based overseas lol.

 

The main media that most somalis are exposed to are bbc and voa which the vast majority of the population has access to followed by local radios of each of those regions. T.v even doesnt have major audience base in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this