Sign in to follow this  
Saalax

Armed men kill Puntland Vice Presidents Brother Jaamac Cali Shire

Recommended Posts

Saalax   

AUN.

 

 

 

WAR DEG DEG AH :Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire Nin la Dhashay Oo Caawa Taleex lagu Dilay

 

 

Taleex[RBC Radio] Wararka laga helaayo degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa sheegaya in Kooxo hubaysan ay ku dileen Allaha ha u naxariistee Jaamac Cali Shire oo la dhashay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Jeneraal Cabdisamad Cali Shir.

AUN Jaamac Cali Shir ayaa sida la sheegay in marka la dilaayey uu la socday mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Cabdisamad intii aan rasaas ooda looga qaadin.

Kooxihii hubaysaa ayaa isla markiiba meesha ka baxsaday,waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad rayid ah oo ilaa iminka aanan lahayn tiradooda rasmiga ah.

Ciidamada amniga degmada Taleex ayaa bilaabay hawlgalo ay ku baadi-goobayaan ragii dilka geystay,waxaana ay baaritaano ka bilaabeen Xaafadaha magaalada.

Dawladda Puntland ayaa ugu tacsiyeysay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Jeneraal Cabdisamad Cali Shire dilika loo geystay Walaalkiis Jaamac Cali Shire.

Wixii Kusoo Kordha kala Soco Raxanreeb.com

 

RBC Radio

 

 

http://www.raxanreeb.com/?p=122486

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this