Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland armed locals Clash with Ethiopian troops near the border town of bali dhiig.

Recommended Posts

Ciidamadda Kililka shanaad ee Liyuu Booliiska iyo dadweynaha Bali-dhiig oo maanta dagaal dhex maray

Bali-dhiig(Waaheen) Degmadda Bali-dhiig oo ka tirsan Gobolka Togdheer ayuu maanta dagaal ku dhex maraya Ciidan ka tirsan Kililka shanaad ee Itoobiya oo doonayay inay Qafaashaan mid ka mid ah Culimadda Degmadaasi Malcaamadaha ku haysta iyo dadweynaha Degmadaasi oo ka gadooday kadib markii dhawr jeere ay Ciidamadda Liyuu Booliiska ee Kililka shanaad ku soo xad gudbeen Deegaankooda.

Sida uu ku soo waramay wariyaha gobolkaasi waxa uu dagaalkaasi dhacay saaka, waxaana la isweydaarsaday Tacshiirad badan taasoo sababtay in ay dadka Deegaanka Degmadda Bali-dhiig ka dhaawacaan Ciidankaasi sadex ka mid ah iyagoo kala hadhay wadaadkii aya doonayeen inay Qafaashaan.

Xaalada magaaladda Bali-dhiig ayaa ah mid Heegan loogu jiro haddii ay Ciidamadaasi kililku mar danbe ku soo noqdaan Degmadooda, waxaanay dadweynaha Jiidaasi isku abaabuleen sidii ay uga hortagi lahaayeen faragalinta uu Maamulka Kililku ku hayo Culimada Deegaankaasi iyagoo ku Eedeeyay Ciidamadda Kililka shanaad ee Itoobiya inay wadaaana Qas iyo Jahawareer taasoo ay ku doonayaan inay Somaliland iyo Itoobiya ku kala dilaan.

Dhawaan waxa ay Ciidamadda Liyuu Booliisku Masaajid ku yaala Degmadaasi ka Qafaasheen Lix Baakistaaniyiin ah oo ka mid ahayd Culimo Tabliiq ah oo ku sugnayd inkastoo markii danbe ay soo daayeen.

Dhacdadani maaha tii u horeysay ee waxay Ciidamadda Liyuu Booliisku ka wadaan Deegaanka ay wadagaan Somaliland iyo Itoobiya Kacdoon ay doonayaan dadka Reer Somaliland ee labada Dal dega inay u tusiyaan Xukuumadda Itoobiya Cadaw iyagoo kolba Dawladda Federalka ah u gudbiya warbixino ay ku sheegayaan in ay dad Argagixiso ahi ka soo talaabayaan dhinaca Somaliland sida dhacdada hada taagan ee ay ku xidhan yihiin 57 qof oo ka mid ah dadka somalida Itoobiya ah ee ee ka soo jeeda Beesha Isaaqa kuwaasoo dagaal dhex maray beesha kale eeka so jeeda dhagaxbuur

Si kasta ha ahaatee falalka ay Kililka shanaad ka wadaan Ciidamadda Liyuu Booliisku ayaa hadaanay iska kaashan labada Dawladdood ee Somaliland iyo Itoobiya keeni karta in Colaad laga dhex huriyo taasoo ay ka faa’iidaysanayaan Kooxda Fidmada ka dhex wada labada Dal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this