Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland armed forces clash with intruding Armed gangs in sanaags Capital+Several Arrests

Recommended Posts

Afar Qof oo ku Dhintay iyo Tirro intaasi ka Badan oo ku Waxyeeloobay dagaalkii ka dhacay Magaaladda Ceerigaabo

 

Mid ka Mid ah Shacabka Magaaladda Ceerigaabo ayaa noo Xaqiijiyay in uu Arkayay Laba ka Mid ah

 

Ceerigaabo(GNS) Wararka ka Soo Baxaya Magaaladda Ceerigaabo ayaa Sheegaya in ay Dagaalkii ka dhacay magaaladaasi ay ku Dhinteen Afar Ruux, kuna Dhaawacmeen In ka Badan Toban Qof, kuwaas oo Isugu Jirra Labadda Dhinac ee Dagaalamaya iyo Dad Shacab.

 

Maleeshiyadda la Dagaalamaysa Ciidamadda Qaranka Somaliland ayaa la sheegay in ay Qaarkood Rasaasta ka Soo Tuurayeen Guryaha Daaqaddahooda, Taasina ay sababtay in Ciiddamadda Somaliland ay ka Jaawbeen Rasaasta kaga Imanaysa Guryaha, waxana uu Wararku sheegayaan in ay halkaasi ku Burbureen Guryo badan, halkaasina ay ka dhalatay khasaare isugu Jirra Dhimasho, Dhaawac iyo Guryo badan oo ku Burburay.

 

Mid ka Mid ah Shacabka Magaaladda Ceerigaabo ayaa noo Xaqiijiyay in uu Arkayay Laba ka Mid ah Ciidamadda Somaliland oo Dhaawac ah iyo Hal Qof oo Shacabk ah oo Mayd ah.

 

Dad lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay shabakada wararka ee Gabiley News, in dagaalku ka bilaabmay kadib markii la rasaaseeyey Wasiirka Warfaafinta oo ergo ahaan ugu tegay beesha uu kageeriyooday taliyuhii Horre Ciidamadda Booliska Fiqi Fuliye Marxuun Shiine Yaasiin Xiin Finiin, ka dibna uu Markii uu U jirey halkaasi tagayna uu kala Kulmay Rasaas laga Horkeenay, waxana warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in Goobtaasi uu kaga dhaawacmay Askarigii Ilaalinayay Wasiirka.

 

Dagaalka ayaa hadda Joogsaday inkastoo wali lamaqlayo Rasaas Goos Goos ah oo ka Socta Magaaladda,

 

Dadweynaha Ku Dhaqan Magaaladda Ceerigaabo ayaa ay la Soo Deritay Cabsi Xoogani, waxana Joogsaday isku Socodka iyo Ganacsiga,

 

Dhanka kale waxa La Buux Dhaafiyay Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Ceerigaabo, halkaasi oo ay ku Sugan Yihiin Dad Badan oo isugu Jirra Dhaawac iyo Dad Dhintay

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur iyo Masuuliyiin kale oo ku sugan Magaaladda Ceerigaabo oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu xaalada uga waraysano ayay noo suurtogali la’dahay hase yeeshee waxa aad kala socon doontaan Wixii War ah ee ka oo kordha Dagaalkaas Shabakadda Wararka ee Gabiley News.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Classic Xunjuf mis-title. As usual meeshii la dhexdhaxaadin lahaa dadka is haysta ayaa askar one side u hiilinaysa la keenay. And adigaa intruders ka hadlaya. Guess Kalshaale waxba lagama baran.

 

Ilaahay dadkan hakala xijaabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Not true Somaliland ministerial delegation went to talk to the Elders and some community leaders and elders who belonged to the Garaad Clan while they were on the process of doing that.The day before the Somaliland armed forces in Ceerigaabo made it clear no one can leave and enter the city there was a curfew imposed obviously Armed gangs entered the city this morning from fiqifuliye and awrboogays and established them selves in the south east of the City.When the Somaliland Ministerial Convoy was heading towards the place they opened fire the armed forces fired back and arrested several gang members.And there were several casualties unfortunately but the house the gang members were firing from was entered by the Armed forces and two armed forces died in the operation the city is back to normal now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

as sad as it's anyone killed, 4 people lost their lives is not big deal comparing to anywhere in the world.Peace prevails in SL.Usual suspects love score points in unfortunate situations like that.Obviously this was revenge killing,nothing to do with polotics.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay dagaalii maanta ka dhacay Ceerigaabo

 

Ceerigaabo(Waaheen) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa sida uu kusoo warramay Weriyaha Waaheen gobolka Sanaag Mr-Darwiish markii ugu horraysey fiidnimadii caawa (Axad) ka hadlay khasaaraha ka dhashay is-rasaasayn galabnimadii ciidammada qaranka iyo malleeshiyo hubaysan ku dhex martay magaalada Ceerigaabo iyo sidii wax u dheceen isagoo hadalkiisa ku bilaabay

“Arrintu waxay ka dhalatay kulan doceed wasiirka warfaafinta Axmed Cabdi (Xaabsade) iyo taliyaha ciidammada asluubta Somaliland (Xiirane) beeshoodu la yeesheen oo ay kaga wada hadlayeen xaaladdii taagnayd ee nabadgelyo xumada iyo sidii loosoo afjari lahaa kaddibna dhallinyaro cadhaysan oo isla beeshooda ah ayaa weerar qaawan ku qaaday halkaasoo wasiirka iyo taliyaha aan waxba la gaadhsiin oo ay soo samata-bixiyeen ciidankoodii ilaalada gaarka ahaa waxana arrintii ka hawlgalay ciidammada qaranka”.

 

BB1-600x450.jpg

 

44-600x450.jpg

Isagoo wasiirku ka hadlaya khasaaraha dhacdadaasi sababtayna wuxu yidhi “Ciidanka labo askari ayaa ka dhintay shan kalena waxa soo gaadhey dhaawacyo waxa kaloo iyaduna geeryootey hal qof oo dumar ah waannuna ka tacsiyadaynaynaa dhibaatadaas”.

Isagoo ka hadlaya dabley-beeleedkii dagaalku dhexmarayna wuxu yidhi “Shan dhallinyaradii dagaallamaysey ka mid ah oo qaarkood dhaawacyo qabaan ayaannu qabannay oo laga hayaa”. Isagoo xaaladda nabadgelyada ka hadlayana wuxu yidhi “Imminka xaaladdu waa deggan tahay welina samir iyo dulqaad baa jira waxannuna ku baaqaynaa nabadgelyada in la adkeeyo”.

Wararka qaar kale ayaa sheegaya in dhaawacyadu intaas kasii badan yihiin oo tiradoodu gaadhayso toddoba qof.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dagaal Khaasare badan dhaliyey oo Ceerigaabo ka soconaya iyo maleeshiyaadka SNM Gardarada wada oo aan u kala hadhin, Iyo Shacabka SSC ee Magaalada Ceergaabo oo guryahooda difaacaya,

 

 

 

 

 

 

 

Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa i;aa maanta gelinkii danbe ka soconaya maaalada Ceerigaabo. Maleeshiyaadka SNM ayaa isticmaalay hubka waa weyn ee dhawaaan ka soo gurmaday Hargaysa Iyo Burco, taasoo dhalisay in ay magaaladu gubato.

 

 

 

Guryo fara badan ayaa dab qabsaday marki ay dagaal saf balaadhan ah qaadeen beesha Habaryoonis iyo maleeshiyaadka isku sheega Militrayga oo dagaalkii maanta qayb ka ahaa, hiilka maleeshiyaadka ayaa ka danbeeyey ka dib markii la xanuujiyey maleshiyaad beeledkii dhawaan diley nin dhalinyaro ahaa, oo aqoonyahan ahaa.

 

Dagaalka ayaa maanta ka duwaan kuwii hore, waxayna maleeshiyadka SNM gubeen hanti ad u fara badan, sidoo kale waxaa hada sconaya gurmad fara badan oo beesha *********** ugu gurmayanayso walalahood, ayadoo la xaqiijiyey in Hawd iyo Nugaalba si lixaadleh uga soconayaan qaban qaabada iyo weliba gurmadku.

 

 

 

Maleeshiyaadka SNM maanta waxay dileen haween iyo caruur madhfac kula dhacay meel aan ka fogeyn afaafka Koonfured ee ceerigaabo. Dagaalkan ayaa durbaba isku rogey mid isir safeyn ah oomaleeshiyaadka SNM qaadeed, waxaana lagu wadaa in ay mari doonaan wadadii Kalshaalle marka dhawaan la isugu yimaado halkaas.

 

 

 

 

 

Dhimashada rasmiga ah ee labada dhinac lama hubo, weli xabaduna waa teel teel, hala ay ridayaan madaafiic maeeshiyaadka SNm e ka soo kicitimay Hargyasa iyo burco.

 

 

 

Warar faah fahsan dhawaan insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Maalintii Ciida; SNM Somalidiid Militia oo Dagaal ku qaaday Shacabka SSC

 

Lasanod Online. Sunday, November 06, 2011

 

 

 

 

Ceerigaabo,(lasanod Online)- Waxaa Casarkii maanta ka qarxay magaalada Ceerigaabo, dagaal dhexmaray ciidamada Somaliland iyo shacabka kasoo jeeda SSC.

 

Sida wararka nasoo gaadhay sheegayaan waxaa bilaabmay Rasaas ay labada dhinac isweydaarsadeen ilaa hadana ma cada khasaaraha Dagaalkaas ka dhashay, hase yeeshee wararka horudhaca ah ayaa sheegaya dad badan oo rayid ahi ku dhineen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Xaalada magaaladda oo ay Rasaastu ka socoto awgeed ayaan ilaa hada wax war ah oo Madaxbanaan aan laga heli karin, waxaase wararka qaarkood sheegayaan in ay dhaawacyo soo gaadheen Askar ay wateen Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Xiirane, kadib markii ay isku dayeen inay Ergo ugu tagaan dhinac shacabka SSC , hase yeeshee waxay kala kulmeen Tacshiirad culus.

 

Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay inay ciidamadoodu Guryo badan dumiyeen, Meherado kalena ay Albaabadu u laabmaan kadib markii la isla jiidhay.

 

Kala Socda Lasanod Online wixii kasoo kordha dagaalka Ceerigaabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

b-boy;756356 wrote:
the so-called national "army" have proven that it is nothing but a clan militia!!

Lol, I know, right.

 

Back in Kalshaale, they sided with their clan (the Reer East-Burco, Siilaanyo's tribe) against the owners of the area which were Reer SSC. Instead of being in the middle. NOW, the entire SNM so-called "National Army" sided with the Gadhweyn, who killed an innocent man few days ago.

 

This shall be a prove to the International Community and the Somali Community as a whole, that "Somaliland" is nothing but a Clan-Enclaved State, created to terrorize the innocent locals from the Tribes that have never pledged to the British during the British Colonization nor have any connections with the SNM militia that was created in 1981 for the tribes of Hergeisa, Burco and Berbera.

 

Somalia's Terrorists are the infamous SNM and we need to rise up together to defeat these terrorists.

Share this post


Link to post
Share on other sites
b-boy   

I wonder who they will blame this time around???

 

2003 adhicaddeye they blamed the O.N.LF

2007 dhahar they claimed all "D's" from gedo to bari were fighting them

2011 kalshaale they went all out and blamed not only the O.N.L.F but alshabaab Puntland SSC C/waaq Ahlusunnah!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this