Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland border security forces arrest Ethiopian intelligence officer

Recommended Posts

Booliiska Allay baday oo xidhay nin ka tirsan Sirdoonka Kililka shanaad

Allay baday(Waaheen) ciidanka Booliiska Allay baday ayaa habeen hore magaaladaasi ku qabtay Askari ka tirsan Ciidanka Sirdoonka ama Dhar cada ee Dawladda Goboleedka Somalida Itoobiya ee Kililka shanaad oo la yidhaahdo Suldaan Faarax Axmed.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliiska Degmadda Allay baday Maxamud Sandheera oo aanu wax ka weydiinay sababta iyo denbiga uu Ninkaasi galay ayaa yidhi ” ninkaasi wuu xidhan yahay xalay baananu qabanay, waxa uu noola mid yahay uun dadka kale Kiiskiisana waanu baadhaynaa, imika wax kale oo aan kaaga sheegi karaa ma jirto, laakiin marka aanu dhamayno kiiskiisa ayaan kuu warami doonaa” ayuu yidhi

mar aanu weydiinay cabasho ka imanaysa dadka deegaanka oo sheegaya tayada Booliisku Degmaddu inay yar tahay isla markaana aanay awoodin inay ka hortagaan dadka xuduuda iskaga talaaba iyo Ganacsiga oo Kootarabaan ahaan ku mara waxa uu yidhi “arrinta Ciidanka in la siyaasadeeyo maaha. warkaas-na waxba kama jiraan. ciidanka Degmaddu waa kuwo isku filan waxaa aad i weydiinaysana waxaan u malaynayaa uun inay tahay warar aan xaqiiq ahayn oo la iska abuuranayo” ayuu yidhi

inkasta oo uu Taliye ku-xigeenka Booliiska Degmadda Allay baday sidaas yidhi, hadana dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya deegaankaas ee ku saabsan qabashada ninkaas ka tirsan Ciidamadda Kililka shanaad ayaa sheegaya in ay booliisku qabteen isagoo Telefoon ku hadlaya isla markaana ay ka qabteen huteel ku yaala magaaladda Allay baday, waxaanay intaas raaciyeen in uu wali gacanta Booliiska ku jiro.

sidoo kale waxa ay qaar ka mid ah Dadweynaha Magaaladaasi Waaheen u xaqiijiyeen in ay Ciidamadda Booliisku muddo maalin ah ay saldhiga u taxaabeen sadex qof oo kala ah Guddoomiye ku-xigeenkii UDUB Muuse Gahayr Wacays, Guddoomiyihii hore ee Kulmiye Daa’ud Maxamed Cawaale, Xubin ka tirsan Ururka Horumarinta Allay baday ‘UHWA’ Keyse Hudle Cali, kuwaasoo ay sheegeen in Ciidanku dhawr jeer oo hore sidan oo kale u xidheen.

xadhiga kooxdan ayay ku sheegeen inay la xidhiidho wax ka sheega cabashooyinka Degmadda ka taagan taasoo ay ku dhaliilaan Maamulka Degmadda, taasoo keentay in maamulku ku Eedeeyo inay wadaan waxyaabo Lidi ku ah hawl qabadka Maamulka Degmadda iyagoo shaqo ka dhigtay sida ay ku doodeen Dacaayad joogto ah oo ay ku hayaan.

Magaaladda Allay baday oo ku taala Xuduudka Somaliland ay la leedahay dalka Itoobiya ayaa waxa ka socda dhaqdhaqaaq Ganacsi oo ay labada dal iskaga talaabaan gaadiid sida shixnado kala duwaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

Hargeisa xagee horta laga xukumaa? the answer is JiJiga ayaa laga xukumaa, marka hada ma waxad naga dhaadhicin rabtaa ninki asagba kuxukumay in aad dhahdo waan xirey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i crossed the border between somalia and ethiopia not too long ago,,, and one thing i learned is that askarta somaliland iney somalida dhibaan

lakin hadaa shaxaad siisid wa ok lolzz

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this