Sign in to follow this  
Knight of Wisdom

Breaking-News: Madaxweynaha Awdal State oo lagu dhawaaqay

Recommended Posts

Akash   

Sidee Ayey U Qabsoontey Munaasibadii Caleemo Saarka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Awdalstate Ee Ka Dhacdey Waqooyiga Magaalada London

 

London, UK - Habeenkii Curashada Ciida Carafo ayaa Hutel aad u qurux badan oo ku yaalla waqooyiga magaalada London lagu qabtey xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee maamul goboleedka Awdalstate Mudane Rashiid Nuur Hirsi, munaasibada caleemo saarka oo ahayd mid siweyn looga soo shaqeeyey, ayaa waxaa ka soo qeyb galey kumanaan kun oo qof oo isaga kala yimmid dunida dacaladeedda iyo dhammaan gobolada wadankan UK.

 

Goobta xaflada lagu qabtey ayaa ahayd mid ay bilicdeedu aad u sareysey oo si qurux badan loogu fara yareystey sharaxaada taas oo geesta indhahaagu u jeestaanba qabanayeen xidhmooyin ubax ah oo midabo kala duwan leh iyo waliba calanka buluuga iyo cadaanka isugu jira ee dhexdiisa lagu xardhey xidigta iyo bisha calaamada u ah diinta Islaamka, calankaas oo gaar u ah Maamul Goboleedka Awdalstate.

 

Madaxweynahe Rashiid Nuur Hirsi, ayaa lagu soo galbiyey baabuur fara badan isaga oo madaxweynaha lagu sido baabuur gaar ah oo ah nooca lagu qaado madaxweynahayaasha caalamka ayuu soo gaadhey goobta caleemo saarku ka dhacayey, dadweynihii Soomaaliyeed ee madasha ku sugnaa ayaa safaf dhaadheer galley kuwaasi oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey sacab, mashxarad iyo sawaxan wanaagsan.

 

Mudane ******** Rooble Hassan oo barnaamijka xaflada daadihinayey ayaa marti sharaftii tirada badneyd ee munaasibada caleemo saarka madaweynaha maamul goboleedka Awdalstate ka soo qeyb galley u mahadceliyey waxaanu sharaxaad qurux badan oo qoto dheer ka bixiyey himilooyinkii iyo hadafkii loogu dhawaaqey maamul goboleedka Awdalstate.

 

xaflad-awdal-state.jpg

 

Sidoo kale waxaa munaasibada ka soo qeyb galey masuuliyiin sar sare oo ay ka mid yihiin madaxweynaha maamul goboleedka Galhiiraanstate, Afhayeenka maamul goboleedka SSC, Gudoomiyaha xisbiga cadaalada iyo horumarinta Soomaaliya, Gudoomiyaha xisbiga midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo xubno kale oo matalayey ismaamul goboleedadda ka jira gudaha dalka Soomaaliya sidda Puntland iyo Galmudug.

 

Masuuliyiintaasi ayaa khudbado kooban madasha caleemo saarka ka jeediyey kuwaasi oo shacabweyanaha Reer Awdalstate ku aamey in ay yihiin dad aqoon iyo xadaarad fog leh isla markaasina qarniyo badan hormuud u ahaa ummadda degta Geeska Africa, waxaaney masuuliyiintaasi yidhaahdeen dadka Reer Awdalstate waxaan ku amaaneynaa garashada iyo dhiranaanta ay caawa muujiyeen taas oo ogaalkeedu bartilmaamsanayo in aaney Soomaaliweyn marnaba kala maarmi karin.

 

Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Cismaan Qalinle ayaa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Awdalstate madashada ku dhaariyey, waxaanu Sheekhu labada masuulba gacanta u kor saarey Kitaabka Quraanka Kariimka ah, kuwaasi oo labada masuulba balan buuxa ku qaadey in ay si daacadnimo ku jirto u gudan doonaan xilka culus ee ay ummaddoodu u doorteen.

 

Kooxaha Fannaaniinta ah ayaa iyaguna heeso macaan oo dhagta maqashaa marnaba ka xiiso dhicin madasha caleemo saarka ku soo bandhigey isla markaana ruxey quluubta ka soo qeyb galayaashii xaflada, heesaha goobta laga qaadey ayaa u badnaa kuwo cusub oo loogu tallo galey wanqasha madaxtinimada maamul goboleedka Awdalsate, dhinaca kale waxaa damaashaadka iyo dabaaldega barbar socdey ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo ay hormuud u ahayd ciyaarta Sayliciga.

 

Gabo gabadii xaflada ayaa Madaxweyanaha Maamul Goboleedka Awdalstate Mudane Rashiid Nuur Hirsi madasha ka jeediyey khudbad dheer oo taabaneysa dhinacyo badan oo khuseysa nolosha shacabweynaha Reer Awdalstate.

 

img_1512.jpg

 

img_1532.jpg

 

harowo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

*Ibtisam;757178 wrote:
Loool, this thread is mad!!!!!

 

My contribution to this relationship is I donate an old timeless song.

 

You sound the same- creepy- move in together already.

 

It would be funny if one was cowke and the other the guy with oversized shades
:D

Lol, thank you.

 

Sharkmarke, I got it bro. Thanks.

 

Akash, thanks for the videos and new articles.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this