Sign in to follow this  
xiinfaniin

On Kenya Incursion, Museveni Supports, Tells Sharif to Do the Same

Recommended Posts

610x.jpg

 

Khamiis, November 03, 2011 (HOL) � Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa waxay kulammo looga hadlay ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya ku yeesheen magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

 

Kulammadan oo laba jeer dhacay ayaan la ogeyn go'aanka wadajirka ah ee ay ka gaareen labada madaxweyne, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif uu kasoo horjeestay toddobaad ka hor ciidamada Kenya ee u soo tallaabay Soomaaliya.

 

Wararka laga helayo Kampala ayaa waxay sheegayaan in labada madaxweyne ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin arrintan, iyadoo la xusuusto in dowladda Uganda ay taageertay qorshaha ay Kenya ciidamada ugu dirtay Soomaaliya, waxaana sidoo kale soo dhaweeyay qorshahan dalal kale oo Afrikaan ah.

 

Sheekh Shariif ayaa tagay Kampala maalin ka hor kaddib markii uu casuumaad ka helay madaxweynaha dalka Uganda, waxaana Museveni uu isku dadayaa inuu ka dhaadhiciyo madaxweyanha Soomaaliya inuu taageero go'aanka ay Kenya ku gelisay ciidamadeeda Soomaaliya.

 

Dowladda Uganda ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumannaan askari, kuwaasoo qayb ka ah howlgallada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo waardiye ka haya goobaha muhimka ah ee Muqdisho, isla markaana gacan ku siinaya DKMG awoodda yahay sidii ay isaga riixi lahayd Xarakada Al-shabaab oo uu dagaal kala dhexeeyo.

 

Siyaasiyiinta isha ku haya xiriirka Soomaaliya iyo Uganda ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne Sheekh Shariif uu ku khasban yahay inuu raaco fikirka Museveni maadaama dowladdiisa ay Muqdisho ku ilaaliyaan ciidamada AMISOM oo ay hoggaanka u hayso Uganda.

 

Dowladda Kenya ayaa 3,000 oo ka tirsan ciidamadiida milateriga waxay soo gelisay gudaha Soomaaliya bartamihii bishii hore ee Oktoobar iyadoo sheegtay inay la dagaalamayso Al-shabaab, basle madaxweyne Sheekh Shariif ayaa si toos ah uga soo hrojeestay qorshahaas kuna tilmaamay mid aysan raalli ka ahayn dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mayaani   

muxuu kaloo madax wayne ku sheegu ka filayey inuu taliyihiisu dhaho ceeblo waaxid. magaceenoo dilnaa uu dhulka kusii jiiday ninkaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this