Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Conflict and war expected to occur at any time, Silayno does not rule us Garaad C/llaahi Cali Ciid

Recommended Posts

The spokesman for the Puntland Traditional Elders Garaad Cabdullaahi Cali Ciid today confirmed that conflict and war are imminent and expected to happen at any time.

 

The spokesman angrily talked about the President of Somaliland's "Silaanyo's" latest travel and incursion in-to parts of Sool and Sanaag regions in the last couple of days and said that he has dispatched an emissary to the President of Somaliland to leave the entire Sanaag region peacefully, which is in the 'interest' and protection of the region of Sanaag.

 

He further said that 'War can be expected to occur at any time, Silanyo does not rule us and we are not part o Somaliland'.

 

Chief C/llaahi Cali Ciid also said: The biggest trouble in Sool and Sanaag regions is driven and advanced by Great Britain and that this latest incursion by Silanyo in this regions is actively promoted and supported by the British government and that it is truly astounding and shocking to see the meddling and naked aggression in those regions by the British government in advocacy of Somaliland.

 

The Garaad furthermore said that he personally has been in Sanaag regions for the past couple of days to monitor Silanyo's and his delegations movements in Sool and Sanaag regions.

 

He furthermore added that there is an atmosphere of conflict and strife in Sanaag region and that war and conflict is expected to occur at any time in Ceerigaabo district of Sanaag region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Xilli kasta ayaa la filan-karaa fidno iyo dagaal, annaga Siilaanyo nama xukumo Somalilandna ma nihin" Afhayeenka isimada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid.

 

Tue, 11 Oct 2011 18:05:45 -0400 pm -04:00 -14400

 

Ceer-gaabo, Oct, 11- Afhayeenka isimada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid ayaa si carro leh uga hadlay socdaalka madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo uu maalmahaan ku marayay deegaano ka mida gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana garaadku uu tilmaamay inuu ergo u daray madaxweyne Siilaanto, si uu si nabad ah uga baxo guud ahaan gobolka Sanaag, taasina ay ku jirto masaaliixda iyo nabad-galyada gobolka.

 

Garaad C/llaahi Cali Ciid oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa mar uu ka hadlayay nabad-galyada deegaanka iyo xiisada ka alloonsan xilligaan, waxaa uu yiri "Xilli kasta ayaa la filan-karaa fidno iyo dagaal, anaga Siilaanyo nama xukumo Soomaalilandna ma nihin".

 

Md. C/llaahi Cali Ciid ayaa dhanka kale sheegay in dhibaatada ugu daran ee ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag ay hurinaysa dawladda Brietin, isla markaana socdaallada xilligaan uu deegaannadaasi ka wado Siilaanyo ay garab-wayn ku siinayso dawladda Brietine, waxaana garaadku uu hadalkiisa raaciyay in wax lala yaabo ay tahay faragalinta qaawan ee gobolladaasi ay Soomaaliland iyo xukuumada Brietin ay ka wadaan, sida garaadku hadalka u dhigay.

 

Afhayeenka isimada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid ayaa dhanaca kale sheegay, in maal-mahaan uu ku sugnaa gobolka Sanaag, socdaalkiisuna uu salka ku hayo, sidii uu ula socon lahaa dhaq-dhaqaaqyada madaxweyne Siilaanyo iyo waftiga uu hoggaaminayo uu ka wado gobollada Sool iyo Sanaag. Waxaana uu intaasi garaadku ku daray in xiisad colaadeed laga dareemayo deegaanka, xilli kastana la filan karo dagaal iyo isku dhacyo ka dhaca degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

 

Maxamed C/llaahi Cali 'Kooshin'

Radio, Daljir - Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Siilaanyo oo loo digey

 

11 Oct 11, 2011 - 6:07:48 AM

 

GAROWEONLINE

 

Maamulka Gobolka Sanaag ee Puntland ayaa madaxweynaha maamulka Somaliland uga digay inuu jibiyo hishiiskii 1993-dii ay gareen beelaha dega gobolkaasi,waxaana ay sheegeen in siilaanyo uu wado falal colaad keeni kara haddii ku soo xadgudbo deegaanada Puntland ee Sanaag.

 

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Max'ud Siciid Nuur Dabayl oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in heegan geliyeen dhamaan ciidamada daraawiishta ee Puntland si ay uga hortagaan amni xumo ay sababaan maleeshiyaad Somaliland ee horkacayo Siilaanyo oo qorshahooda ku darsaday inay booqasho ku tegaan deegaano aysan lahayn maamulkooduna uusan ka talin.

 

Max'ud Sicid Nuur oo haatan ku sugan degmada hadaaftimo ayaa sheegay inay dhamaan deeganada gobolka Sanaag ee Puntland ay ka arimiso ay u diyaargarobeen difaacida haddiiba ay faragelin uga timaadao maamulka Somaliland oo uu ku eedayey inay markasta abuuraan xiisado colaadeed oo dhibaato u keeni kara mujtamaca nabada gobokaasi ku degan .

Share this post


Link to post
Share on other sites

GAROOWE: Garaad C/laahi Ciid oo canbaareeyey Booqashadii Siilaanyo ee Laascaanood & Gambare

 

October 10, 2011 1:17 pm GMT

 

Garoowe: (pp)- Garaad C/laahi Cali Ciid oo ku hadlaya magaca isimada Puntland ayaa si xoogan u cambaareeyey booqashadii Madaxwayne Silaanyo uu ku yimid Gobalka Sool, waxuuna sheegeen in ay tahay mid xadgudub ah islamar ahaantaana ay si wayn u cambaaraynayaan.

 

Garaad C/laahi Cali Ciid oo canbaareeyey Booqashadii Siilaanyo ee Laascaanood & Gambare

Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ka mida salaadiinta ka soo jeeda Gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa Puntlandost u sheegay in xadgudubka madaxwayne Maxamuud Axmed Silaanyo uu u gaystay shacabka iyo xuduudaha Puntland ay beesha caalamka u gudbinayaan in ay tahay mid ay si wayn uga soo horjeedaan dhamaan salaadiinta iyo waxgaradka Gobalada SSC.

 

Garaadka ayaa intaas ku daray in booqashadii uu Siilaanyo ku yimid xarrunta Gobalka Sool ee magaalada laascaanood iyo jiida hore ee

Gambara ay tahay mid daan daansi iyo iska hor imaad uu madaxwayne Siilaanyo ku doonayo in ay ka dhacdo Gobalka sool, garaadka ayaa sidoo kale sheegay in ay Dowlada Ethopia, Kenya iyo tan soomaliyaba ay ogaysinayaan in wixii ka yimaada faragalinta lagu hayo shacabka iyo xaduudaha Puntland ee uu wado maamulka soomaliland ay masuul ka noqon doonto soomaliland.

 

Dhanka kale waxaa Dowlada Puntland ayaa ku tilmaantay booqashada Siilaanyo mid gardaro ah , isla markaasna nabadgelyo xumo ku abuuraysa goobaha nabdoon. Puntland ayaa dhanka kale ugu baaqday dowlaha deriska la ah Puntland inay il gaar ku eegaan dhaq dhaqaaqa maamulka Siilaanyo uu ka wado deegaanada Puntland, arrinkaas oo ku tilmaameen mid degenaansho xumo ku ridaysa gobolka oo dhan.

 

Baaqa dowlada Puntland ayaa imaanaya kaddib markii uu Madaxweynaha maamulka W/galbeed ee lamagac baxay Somaliland, uu booqasho ku yimi magaalada Laascaanood & deegaanka Gambare , halkaas oo uu ku sugnaa Saacado kooban uu kula hadlay dadka taageersan siyaasadiisa.

 

Siciid C/salaam Siciid

Wakiilka Puntlandpost-Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Garaad said that all the Traditional Elders of Sool, Sanaag and Cayn are condemning the visit of Silanyo to Sool and Sanaag as an aggression and that they will bring this aggression against the people and borders of Puntland to the attention of the International Community.

 

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid: "The Incursion of Silaanyo and going to the city of Laascaanood and to the front in Gambara is an provocation and act of desperation to look for conflict in Sool region and that Puntland is informing Ethiopia, Kenya and the TFG that any consequences out of this provocative acts and meddling in the borders and people of Puntland will soley lie with Somaliland."

 

garaad-c_laahi-cali-ciid-2_1-300x156.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka G/Sanaag ” Uma dulqaadaneyno in Siilaanyo uu lugta soo dhigo Gobolka”

 

maxamuud-siciid-nuur-dabel.jpeg

 

October 11, 2011

 

Maamulka Gobolka Sanaag Puntland ayaa sheegay in aanay u dulqaadaneyn goob ka mid ah gobolkaasi oo uu lugta soo dhigo madaxweynaha Maamulka la baxay Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay gudoomiyaha gobolkasi.

 

Maxamuud Siciid Nuur gudoomiyaha gobolka Sanaag oo la hadlayay SBC Intenational ayaa sheegay in iminka ay u diyaar garoobayaan sidii ay u difaaci lahaayeen gobolka islamarkaana ay ka di faaci lahaayeen sida uu sheegay Maamulka soomaali diidka ah ee la baxay Soomaaliland .

Gudoomiyaha ayaa SBC La hadlay xili ay ku sii jeedeen wafdi uu horkacayay oo ka koobnaa dhinacyada Saraakiisha Amaanka iyo maamulka gobolka Sanaag deegaano ka mid ah afaafka hore ee gobolka sanaag, halkaas oo sida uu sheegay ay ugu sii jeedaan sidii ay u xaqiijiyaan ku sugnaashada ciidamada Puntland ee gobolka.

 

Si kastaba ha ahatee xaaladan ayaa ku soo aadeysa xili Habeenimadii xalay aheyd uu qaab dhuumasho ah ku soo galay degmada Ceeri gaabo Madaxweynaha Maamulka isku magacaabay Soomaaliland Mr Siilaanyo iyo Wafdi uu horkacayo, safarkaas oo qeyb ka ah safaro uu maalmihii ugu dambeeyay madaxweynaha maamulkaas uu ku marayay deegaano ay ugu yeereen in ay ka tirsanyihiin Somaliland.

 

Cawil Nadiif Suldaan

SBC International Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

zPunt.jpg

 

Somalia: Puntland Condemns Somaliland Leader’s Provocative Visit.

 

Tue, 11 Oct 2011

 

PRESS RELEASE

09 October 2011

 

The leader of Somaliland’s separatist administration, in northwestern Somalia, has visited military positions in parts of Sool region of Puntland.

 

Sool and Sanaag regions are part of Puntland State of Somalia. Since October 2007, Somaliland forces have occupied Las Anod town against the wishes of the local population. Regrettably, it is Somaliland’s occupation that has triggered extremists to operate in those regions by benefiting from local grievances.

 

The Somaliland leader, Mr. Ahmed Mohamed Mohamud (Silanyo), visited Las Anod town and reached approximately 18km from the Puntland defense line at Tukaraq town in Sool region.

 

We urge Somali neighbors, regional powers and the wider international community to note Somaliland’s provocation against Puntland, which might ignite a conflict and destabilize the region.

 

Communications Office

The Puntland Presidency

Puntland State of Somalia

E-mail: info@puntland-gov.net

Web: www.puntland-gov.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

PL oo canbaareysey booqashii Silanyo

 

9 Oct 9, 2011 - 5:29:32 AM

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Maxamuud maanta ayaa waxaa lagu canbaareeyey booqashadii daandaasiga ahayd ee madaxweynaha maamulka la magacbaxay Somaliland uu ku yimid xarunta gobolka Sool ee Laascaanood maalinimadii shalay.

 

Dawladda Puntland waxay cadeeysey in gobolada Sool iyo Sanaag ay ka mid yihiin Puntland,tan iyo October 2007 ay Somaliland qabsatay Magaalada Laasanod, iyagoo ka so horjeeda rabitaanka dadka deegaanka u dhashay.

 

Waxa Puntland ay nasiib daro ku tilmaamtay dadka ka soo jeeda degankaasi islamrkaasina danahooda gaarka ah ka fushada ku biiritaanka Somaliland.

 

Shalay ayaa Siilaanyo waxa uu booqasho ku yimid meel 18 km oo qura u jrta halka ay ciidamada Puntland difaaca hore kaga jiraan, waxana talabaasi Puntland ku tilmaantey daandaasi aan geed loogu soo gaban.

 

ugu danbeyntii dawladda Puntland waxay ku boorisey dalalka deriska ah,urur goboleedyada iyo dhamaan beesha caalamka in ay la arkaan daandaasiga ay wado Somaliland kaasi oo keeni in uu colaad huriso iyo khalkhal ku yimaada xasilooni darada mandaqada.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this