Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Warshada Baastada!

Recommended Posts

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay arrortii la wareegay xaruntii Warshada Baastada ee magaalada Muqdisho kaddib howl gal ay ciidamada ka wadaan goobaha ay Muqdisho haraadiga uga yihiin kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab.

 

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashana kuwa Midoowga Afrika ee AMISOM oo saakay subaxnimadii hore ku dhaqaaqay dhammaan deegaannada ay cadowga uga hareen magaalada Muqdisho ayaa la wareegay gooba badan oo Shabaab haraadi ku ahaa.

 

Taliyaha guutada labaad ee madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed Cornel C/llaahi Cali Caanood oo goor dhow la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay saakay dhowr jiho ay ku dhaqaaaqeen waxa uu tilmaamay in meellaha ay ka billaabeen howl galka in ay ka mid tahay dhanka IStaalka Keysaneey iyo dhanka xaruntii hore ee talafishinka qaranka.

 

Taliyaha ayaa tibaaxay in ciidamada ay si toos ah ulla wreegeen xaruntii Warshada Baastada, Shalleemo Puntlad Dhammaan xaafadda Juungal iyo goobo kale waxa uu intaa raaciyay in ay sii wadi doonaan howl galka illaa iyo inta maanta ay magaalada Muqdisho ka bixinayaan cadowha uu Shabaab ugu horeeyo Caasimadda.

 

Xigasho : radiomuqdisho.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda Oo Gacanta ku Dhigay Ex Contarol Balcad iyo Isbitaalka SOS

Ciidamada dowaldda Sooamaliya ayaa cagta saaray waddada isku xirta Muqdisho iyo Balcad kaddib howl gal ballaaran oo ay saakay ka wadaan qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada dowladda oo saakay horey ulla wareegay deegaanno badan oo ay ka mid tahay Warshada Baastada iyo goobo kale ayaa haatan gaaray wadda isku Xirta gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose.

 

Madaxmed C/llaahi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee dagaalka hoggaamineysa ayaa sheegay in ay la wareegeen Soos, Suuqa Xoollaha dhammaan degalada Hillawaa iyo gooba badan oo cadowga Shabaab haraadi ku ahaayeen.

 

Sargaalkaasi ciidamada xoogga ka tirsan ayaa sheegay in ciidamada dowaldda ay haatan cagta saareen waddda kulmisa Muqdisho iyo Balcad waxa uu intaa raaciyay in aysan joogsan doonin inta ay cadowga dalka oo dhan ka saarayaan horjooggayaashoodana ay gacanta shacabka Soomaaliyeed ka soo galinayaan.

 

Madaxmed C/llaahi ayaa carabka ku dhuftay in qasaarro xooggan ay gaarsiiyeen Shabaab isagoo tibaxay in 15 maleeshiyo ay ku dileen agagaarka Isbitaalka Soos ee magaalada Muqdisho.

 

Wixii Warar ah eek u soo kordha howl galka cadowga dalka looga xureenayo ha ka fo’aan Radio Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Howl Galka Ciidamada Dowladda Oo Ku Sii Fiddaya Deegaanno Hor Leh

 

How galka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay maanta ka wadaan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku sii fiddayaa deegaanno hor leh iyadoo dhinaca kale Khawaarijta Shabaab ee ku sagan deegaannada loo barakacay kaddib dhaq dhaqaaq ciidan oo ka socdo goobo halkaasi ku dhow.

 

How galka ciidamada dowladda Soomaaliya ay maanta ka wadaan qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku sii fidday deegaanno badan oo ay kooxda Shabaab dadka ku gumaadi jirtay meellahaasi oo ay ka mid tahay xeradii Masalax oo ku dhow halka ay isaga xirmaan degamada Balcad iyo Muqdisho.

 

Saraakiisha ciidamada dowaladda ayaa inoo sheegay in ay qasaaro xooggan u geeysteen Khawaarijta Shabaab oo ay ka dilleen maleeshiyaad badan iyadoo dhinaca ciidamada dowladda ay ka dhaawacmeen illaa shan askari.

 

Saraakiisha aya tibaaxay in ay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen maleeshiyaad baxsad ah oo ku sii jeeday deegaannada gobolka Shabeellada Dhexe balse aysan ka hari doonin kooxaha cadowga ah oo dalka oo dhan ka xureen doonaan.

 

Dhimaca kale wararka naga soo gaaraya deegaannada loo barakacay gaar ahaan deegaanka Ceellaha Biyaha ayaa sheegaya in cabsi xooggan ay soo wajahday maleeshiyaad fara ku tiris oo ku sugan halkaasi kaddib markii Khawaarijta si buuxda looga saaray magaalada Miqdhisho.

 

Dadka deegaanka ayaa tilmaamaya in arkayeen horjooggayaan ka sii baxaya deegaanka Ceellaha Biyaha kuwaa oo ku sii jeeda deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Shabaab oo ka baxay Suuqa Xoolaha iyo Ciidanka Dowladda oo sii daba jooga

 

Wararka aan ka helayno Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ayaa sheegaya in Xarakada Al-Shabaab ay gabi ahaanba isaga baxeen Xaafada Suuqa Xowlaha kadib markii ay kusoo dhawaadeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo saakay duulaan culus kusoo qaaday.

 

Ciidankii Al-shabaab ee ka baxay Suuqa Xowlaha ayaana la sheegay in ay u jaheesteen dhinaca Degmada Balcad ee Gobolka Shaeelaha dhaxe si ay uga baxsadaan Ciidamada Huwanta ee Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

 

Saraashiisha Ciidanka Dowlada KMG ee Soomaaliya ee Hogaaminaya Dagaalka saajkay ksoconayaa Degmada Hiliwaa ayaa sheegay in aysan ka hareyn firxadka Al-Shabaab ayna sii eryanayaan ilaa ay guud ahaan kasaaraan magaalada Muqdisho.

 

Dad yar oo ku haray Suuqa Xowlaha oo la hadlay shabakada Allbanaadir.com waxa ay sheegeen in Dagaalka xoogiisa uu hada yara qabooby walow wali madaafiic iyo Rasaas la isweedaarsanayo ciidamada Dowlada ayaana inta badan gacanta ku dhigay Degmada Hiliwaa .

 

Dagaalka Maanta kasoconaya Magaalada Muqdisho ayaa ah mid saf balaran ay saakay aroor hore ay soo qaadeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo malmahanba diyara garow dagaal ku jiray iyaga oona hada guulo waa weyn Dagaalka ka garay.

 

Al-Shabaab ayana la sheegay in ay gawaari badan ay dadka rayidka ah xoog uga qaateen si y ugu baxsadaan kuna gaaraan Degmada Balcad ay hada Ciidamada Dowlada ay ku wajahanyihiin sida Saraakiisha Ciidanka ay sheegeen.

 

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayaga Danbe Insha laah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Warshada Baastada!

... qofka aan aqoon Xamar wuxuu is leeyahay ma gaajo ayaa ka jirta ciidanka dhaxdiisa mar haddii ay baasto cunow doonteen..

 

Norf, haddii aadan hore u aqoon warshadda baastada waa xarun saldhig weyn u eheyd Maleeshiyaadka Shabaabka ee hadda laga saaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shacabka Muqdisho oo Qoryaha qaatay kuna biiray Dagaalka Muqdisho kasocda

 

Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ay u tahay Maalin dagaal iyadoona wali uu Dagaal culus uu kasoconayo Degmada Hiliwaa kaa oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada ay kaabayaan kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-Shabaab.

 

Shacab badana ayaana lagu soo waramayaa in ay Dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab ay ku biireen hubkan qaateen kuwaa oo si weyn uga soo horjeeda Al-Shabaab.

 

Dadka hubka qaatay ayaana waxaa u badan dadka ku dhqan Deegaanada saakay Shabaab laga saaray ee degmada Hiliwaa kuwaa oo sheegay in ay hada niicaw qabow dareemeen lagana dul qaaday gumeesataha Al-Shabaab oo dhib badan shacabka ku hayay.

 

Waxaa sidoo kale jira Dadweyne kale oo iyana ciidanka Raashinka iyo Cabitaanka ka daba sidaa kuwaa oo taageero u muujinaya Ciidanka Dowlada kuna faraxsan howlgalada ay Ciidanka Dowlada ay saakay ka wadaan magaalada Muqdisho.

 

Shacabka Muqdisho ayaana mudooyinki ugu danbeeyay waxa ay Cadaawad xoogan u qaadeen Al-Shabaab iyaga ona shegay in ay markaan ka qeyb qaadanayaan Dagaalada lagu ciribtirayo logana soo horjedo Xarakada Al-Shabaab.

 

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Dagaalada Muqdisho ka socda Isha ku ahay oo kala soco Shabakada Albanaadir.com Insha Alaah

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Saxaafadeed!

 

(Muqdisho, 10 Oktoobar 2011) Ciidamada TFG iyo kuwa AMISOM ayaa qabsaday Warshadada Baastada, Ex-Kontorool Balcad iyo Isgoyska SOS, iyo Galgalato oo ka tirsan degmooyinka Heliwaa iyo Kaaraan, iyadoo howlgalkan uu qeyb ka yahay nabadeynta magaalada Muqdisho.

 

Tallabadan ayaa timid kaddib markii ciidamada ay billaabeen inay la wareegaan dhinaca waqooyi ee magaalada, kana eryaan xagjirka xiriirka la leh Al-qaacida.

 

Dhismaha Warshadda Baastada wuxuu ahaa xarun howlgal oo ay kooxda xagjirka ah madaafiic kaga soo tuuri jirtay meelaha ay shacabku deggen yihiin. Howlgalkana waxaa loogu talogalay in lagu badbaadiyo nafta shacabka dhowaan dib ugu laabtay guryahooda.

 

DHAMMAAD

Share this post


Link to post
Share on other sites

Last Picture.. Alshabab af-gaalka (English) iyo Science-ka dadka ha baranina ayay ku lahaayeen.. sabuuraddana waxaa ugu qoran sidi la isugu rakibi lahaa bamkaan oo af-gaal ku qoran... Ar maxaa been la isu sheegay! ;););)

 

Qarixii 4th October waxay iska shaabahaan fuustooyinka, oo ay ka buuxiyeen shidaal, rinji iyo waxyaabaha holca.

 

Ilaahey baa mahad leh haddii laga gaaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this