Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president ahmed siilaanyo visits baligubadle hawd region+PICS

Recommended Posts

War Deg Deg Ah: Madaxweyanah Somaliland Oo Gaadhay Gobolka Hawd, Gaar Ahaan Magaalo Madaxdiisa Bali Gubadle

 

 

Madaxweynaha ayaa Hogaaminaya Wafti isugu jiraa wasiiro iyo Masuuliyiin kale

 

 

Bali Gubadle (GNS) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa goor dhoweyd gaadhay Magaaladda Bali Gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd, ka dib Markii uu saaka Ka Baqoolay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

Madaxweynaha ayaa Hogaaminaya Wafti isugu jiraa wasiiro iyo Masuuliyiin kale, waxana Magaaladda Bali Gubadle ku soo dhaweeyay Boqolaal qof oo ka mid ah Shacab Weynaha Magaladaas, Mauuliyiin isugu jirra Heer Gobol iyo Heer Degmo.

 

Dadkan madaxweynaha Soo Dhaweeyay Ayaa ku Dhawaaqayay Haddalo Muujinaya Taageeradda ay u hayaan Madaxweynaha, waxana ay Siteen Caleemo Qoyan iyo Calanka Somaliland.

 

Safarka Madaxweynah ayaan la ogayn Waxyaabaha dhaliyay, waxana la filayaa in uu madaxweynuhu u kuur galin doono Xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Gobolkaasi, waxana uu noqonayaa Safarkii ugu Horeeyay tan iyo intii uu noqday Madaxweynaha Somaliland oo uu ku tago gobolka Hawd.

 

Safarklan uu madaxweynuhu ku tagay gobolka Hawd ayaa ah kii Afaard ee uu ku tago Gobol ka mid ah Somaliland, Madaxweyne Siilaanyo ayaa horre Safar ugu kicitimay Goboladda Saaxil, Awdal, Gabiley iyo Gobolka Hawd oo ah ka u maanta ku sugan yahay.

 

Kala Soco Wixii war ah ee ka soo kordha shabakadda Caalamiga ah ee Gabiley News,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bali-gubadle: Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhagax dhigay Taallo weyn oo lagu xusayo halgankii SNM

 

October 1st, 2011

 

Madaxweyne Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Dhaweyntii Ugu Balaadhnayd kala kulmay Dadweynaha Magaalada Baligubadle

 

Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta socdaal shaqo ku tagay Magaalada Bali-gubadle ee xarunta Gobolka Hawd, halkaasi oo uu dhagax dhigay dhismaha taallo weyn oo lagu maamuusayo xaruntii Ururka SNM ee magaalada Bali-gubadle.

 

Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan deegaamada Gobolka Hawd, ayaa maanta si weyn u soo dhaweeyay waxaanay xidhiidhsanaayeen dadweynuhu Gumburaha Banka illaa xarunta gobolka Hawd ee magaalada Bali-gubadle, madaxweynaha Somaliland iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayay oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur), Cadaallada Md. Xuseen Axmed Caydiid iyo Gudoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu si weyn ugu mahad celiyay dadweynaha ku dhaqan magaalada Bali-gubadle oo uu sheegay inay xusuus gaar ah ku leeyihiin waxaanu tafaasiil ka bixiyay doorkii ay halgankii dib u xoraynta kaga jirtay magaaladaas iyo dadkeeduba.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in taalladan ay uga dan leeyihiin inay xusuus u noqoto mujaahidiintii naftooda sadqeeyay xorayntii dalka, waxaanay ILAAHAY uga baryay dhammaan mujaahidiintii u shiiday qaranimada Somaliland inuu u naxariisto.

 

Md. Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inuu fulin doono balan-qaadkii uu sameeyay xiligii lagu jiray doorashadii kal hore ka dhacday dalka waxaanu ummadda reer Somaliland ka dalbaday inay samir u yeeshaan inta xukuumaddu ay fulinayso balanqaadkeedii,

 

Dhinaca kale, Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur), oo ka hadlay xafladii dhagax dhiga taalladii Halganka ayaa ka waramay taariikhda magaalada Baligubadle iyo doorkii balaadhnaa ee ay ku lahayd halgankii.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo ay awooda saarayo sidii uu uga midho dhalin lahaa natiijadii halgankii dib u xoraynta dalka oo uu u halgamayo sidii Somaliland ay u noqon lahayd qaran madax banaan oo caalamka ka mid ah.

 

Dhinaca kale, waxa Madaxweynaha Somaliland galabta uu u soo kicitimay degmada Salaxlay ee gobolka Hargeysa halkaasi oo iyadana si diiran loogu soo dhaweeyay isla markaana uu khudbad ka jeediyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland: President sets foundation memorial monument at SNM’s base in Baligubadle

 

 

Posted on 01/10/2011 in Latest Headlines

Hargeisa (JSLTimes)-Somaliland president Ahmed Siilaanyo sets the foundation of new memorial monument at SNM’s base in Baligubadle today.

 

The president leading a large delegation and accompanied by State minister for presidency, interior minister, justice minister, police Commander, the general director of ministry of livestock husbandry,

 

Somaliland MP’s, Kulmiye chairman and other senior officials from the presidential office.

 

Somaliland president made a short speech at the ceremony where he laid the foundation of a memorial monument that will be built in Baligubadle in commemoration of SNM’s war veterans.

 

The president told that Baligubadle is a symbol of Somaliland’s historic war struggle of Somaliland emancipation.

 

He further said that he is committed to fulfill the presidential campaign promises that he made to Baligubadle community.

 

He added that having his government in power for short period of time, but materialized and implemented many projects and he called upon the community to work hard and do something about the needs of the district.

 

On the other hand, the interior minister Mr. Mohamud Nuur Caraale widely known as ‘Duur’ spoke at the ceremony and he said that the Somaliland president is doing all he can to do something for his country and people.

 

The president left for Salahley on his second leg of his trip to that regions and addresses the people of Salahley who came out to receive their president and listen what he was about to say.

 

First, the president thanked the people of Salahley for the warm reception and hospitality that they provided him.

 

Second, he told that he is committed to carry out his campaign promises that he made for the people in this district.

 

He called on the people to work and unite and the government will support.

 

Finally, the president’s delegation is heading to Hargeisa, Somaliland’s capital.

Share this post


Link to post
Share on other sites

One clan can never become a nationhood! in the east the people of Sool and Sanaag is rebelling aganis the SNM facist regime, soon Awdal will wake up and figth in the west, in Hargeysa the tension between the fake president and the opposiiton is getting worse, Somaliland project is soon going to get destroyed Allah Akbar!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ That's what you and the likes of you( ka hadheenki) were saying for 20 years and Somaliland is stronger than ever and its unstoppable

 

Jamhuuriyada Somaliland a blessed nation in Africa

Share this post


Link to post
Share on other sites

SomaliNationalist;749138 wrote:
One clan can never become a nationhood! in the east the people of Sool and Sanaag is rebelling aganis the SNM facist regime, soon Awdal will wake up and figth in the west, in Hargeysa the tension between the fake president and the opposiiton is getting worse, Somaliland project is soon going to get destroyed Allah Akbar!

If Silaanyo is fake president who is real one: sheekh Dalxiis, Faroole, A/lahi yusuf, siyaad, qasbaaye, ali naafto

Share this post


Link to post
Share on other sites

SomaliNationalist;749134 wrote:
When will the Hawd be liberated? not from the old Qudhmis leader! he is himself a puppet for Meles Zenawi!

Hmmmm

 

SomaliNationalist;749134 wrote:
in the east the people of Sool and Sanaag is rebelling aganis the SNM facist regime, soon Awdal will wake up and figth in the west, in Hargeysa the tension between the fake president and the opposiiton is getting worse, Somaliland project is soon going to get destroyed Allah Akbar

 

Yah Right ,,, That is how the Hawd will be libarated ..... War and chaos in Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this