Sign in to follow this  
Fiqikhayre

President Abdirahman Mohamed Mahamoud Farole en route to London God-willing

Recommended Posts

Madaxweyne Faroole: ” Dhibaatada Burcad badeeda waa in la iska kaashado oo aan loo kala harin”

 

Madaxweynaha Puntland oo maanta ka dhoofay magaalada Garoowe isagoo ku sii jeeda dalka Ingiriiska oo uu kaga qeyb gelayo shir mudo sadex beri ah socondoona kaas oo 18-ka bishan aynu ku jirno ee October furmaya islamarkaana dhinacyada kasoo qayb gelayaa ay uga arinsan doonaan sida wax looga qaban karo dhibaatooyin ay Burcad badeeda Soomaalidu ku hayaan ganacsiga dunida , iyo isu socodka gaadiidka ganacsi ee ku goosha badaha Soomaaliya ku xeeran.

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed oo wax yar ka hor intii eysan isaga iyo Wefdiguusu magaalada Garoowe ka ambabixin Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Maraakiibta dagaal ee Caalamiga ee howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda u jooga xeebaha Soomaaliya aysan waxbaka qaban karin dhaq dhaqaaqyada marba marka ka danbaysa sii xoogeysanaya ee ay burcad badeeda Soomaalidu wadaan.

 

Wuxuuna intaas ku daray in dowlada Puntland hadii ay hesho dhaqaale iyo ciidan ku filan ay Burcad badeeda dhanka dhulka kala dagaalami lahayd, islamarkaana ay jiraan marar badan oo ay beesha caalamka u direen codsiyo ku aadan in Puntland lagu taageero sidii ay Burcad badeeda ula dagaalami lahayd.

 

” Anagu hadii aanu awood u lahaan lahayn dhulka ayaanu xoog uga dagaalami lahayn , badahayagana waanu ka ceshan lahayn kuwa sharci darada ku kaluumaysanaya iyo Burcad badeeda labadaba” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.

 

Ugu danbayntii madaxweynaha Puntland ayaa carabka ku adkeeyey in ay lagama maarmaan tahay in burcad badeeda si wada jir ah loola dagaalamo , maadama ay yihiin kuwa khatar ganacsiga iyo horumarka , sumcada iyo magaca umada Soomaaliyeedna waxyeelo u geysanaya.

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamad Maxamuud (Faroole) oo isaga iyo Wefdi uu horkacayo ay saacado kahor magaalada Garoowe ka dhoofeen ayaa magaalada London ee Caasimada dalka Ingiriiska kaga qayb gelaya shir arimaha Burcad badeeda la iskula soo qaadi doono oo 6-beri kadib halkaas ka furmaya.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo London u ambabaxay

 

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, iyagoo ku sii jeeda magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo ay uga qeybgali doonaan kulan looga hadlayo dhibaatooyinka burcad badeedda.

 

Madaxweyne Faroole iyo wafdigiisa oo martiqaad ka helay dalka boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu casumay inay ka qeybgalaan kulan loogu magac-daray ‘kulanka toddobaadka ee la dagaallanka burcad badeedda’.

 

Madaxweynaha Puntland oo la hadlay warbaahinta ka hor intuusan ka ambabixin Garowe ayaa sheegay inay ku hormari doonaan dalka Kenya oo ay kulammo kula qaadan doonaan wakiillada dowladaha daneeya Soomaaliya iyo hay’adaha halkaas fadhiggoodu yahay.

 

Madaxweyne Faroole waxa uu sheegay in shirka ka furmaya London ee la dagaallanka burcad badeedda ay ka qeybgalayaan dowlado, hay’ado caalami ah, shirkadaha maraakiibta iyo kuwa caymiska qaabilsan, isagoo sheegay in uu khudbad ka jeedin doono halkaas.

 

Dhanka kale, waxaa maanta dib ugu laabtay Puntland madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Gen. Cabdisamad Cali Shire oo ku dhowaad hal bil ku sugnaa dalka Itoobiya, si loo sii daayo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland oo lagu xiray deegaanka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, kaasoo sii-deyntiisa markii dambe lagu guuleystay.

 

Wafdiga madaxweynaha Puntland waxaa ka mid ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Maxamed Xasan Bare, wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda, Siciid Maxamed Raage iyo xog-hayaha gaarka ah ee madaxweynaha Yuusuf Xasan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this