Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland govt sends a delegation to Somalia to deliver Humanitarian assistance

Recommended Posts

It is a good start for Somaliland. At this point of time, the notion of Somalia being one as it is known in the world would be a radical thing for many in Hargeysa.

 

This is indeed a good beginning.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji Xunjuf;747465 wrote:
Somaliland Oo Deeq Gaadhsiinaysa Sabtida Soomaalida abaaruhu Tabaaleeyeen

September 22nd, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumada Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday in laba wefti ay deeqo gaadhsin doonaan dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee k u nool magaalada Muqidisho ee dalka Soomaaliya iyo Xeryaha qaxoontiga wadanka Kenya oo ay ku jiraaan qaxoonti badan oo ka soo baro-kacay dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka Ganaacsiga, Warshadaha iyo dalxiiska Somaliland Md. C/Risaaq Khaliif Axmed oo ka mid ah guddidii xukuumaddu u xil saaray taakullaynta dadka abaaruhu ku tabaaleeyeen wadanka Soomaaliya, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in ay dadka abaaraysan ee soomaalida ah u ururiyeen adduun dhan 700 oo dollar.

 

“Waxaanu u soo ururinay dadka abaaruhu aafeeyeen ee Soomaaliya lacag dhan 700 oo kun oo Dollar, lacagtaasi 99.5 waxay ka soo ururtay gudaha dalka, halka 0.5% ay soo direen jaaliyadaha dibadu, waxaanan u mahad naqaynaa cid kasta oo ka qeyb qaadatay arrintan,”ayuu yidhi Md. C/Risaaq Khaliif.

 

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qowdhan oo ka tirsan Gudidii qaadhaan u ururinta abaaraha Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixisay labada wefti ee maalinta Sabtida ah deeqda gaadhsiin doona xeryaha qaxoontiga ee Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya iyo xeryaha Soomaalida ee dalka Kenya.

 

“Waxa labada wefti ee aanu qorshaynay u kala baxayaan Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya iyo xeryaha qaxoontiga ee Kenya.
Weftiga Muqdisho waxa ay ka kooban yihiin 6 xubnood waxaana Hoggaamiyaha Xasan Cabdi Cawad, waxaana xubno ka ah Jamaal Caydiid Ibraahim, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Sheekh Maxamed Cali Geedi, Maxamed Shugri Jaamac iyo Axmed Maxamed Aadan, waxaanay qaadanayaan deeq lacageed oo cadaan ah waxaanay ku go’aan qaadan doonaan markay tagaan Muqdisho,”ayay tidhi Wasiir Ku xigeenka Caafimaadku.

 

Marwo Nimco Xuseen Qawdhan waxay sheegtay in
weftiga deeqda u qaadi doona xeryaha Kenya uu Hoggaamin doono Wasiirka Wasaarad diinta iyo awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, waxaana xubno ka ah Wasiirka Ganacsiga, Sheekh Maxamed Aadan iyo Maxamed Shigri Dagaal.

 

Waa markii u horaysay ee xukuumada iyo shacbiga Somaliland ay qaadaan tallaabo noocan oo kale ah waxanay ku sheegeen inay ka damqadeen xaalada abaarta daran ee ku habsatay dalka Soomaaliya.

So the Ministerial delegation is going to Kenya and the civilian delegation to Somalia. This is a missed opportunity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che you mean back in the days when i lived in somalia well i used to do my daily shopings at afaridood the good old days my neighbor was a girl who was called amina beautiful young lady she always giggled in away that got my attention last time i saw her was in 1987.. There some people you will never see again. Xamar has the best weather of all places. Me going to see the amiir you wanna arange a meeting for us che i know you want to see the amiir

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Of course it is. After all, a government does not collect money from its citizens to use for humanitarian purposes (it normally pays it from its own tax coffers). But the Kulmiye adminstration is trying to take a ride on this civilian project and score some political points. Likewise, those opposing Somaliland are trying to make use of this opportunity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Unfortunately Somaliland missed the opportunity to go to Mogadishu in the cover of offering support for famine victims. Sending Hadraawi is not a news, the man transcends clan/political boundaries and no one would receive him as a Somalilander. He was in Garoowe and Mogadishu few years back and he was well received then.

 

Siilaanyo should've sent the real Somaliland officials to Xamar, instead of sending them to Dhadhaaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

A businessman and a poet = Somaliland government?

 

The reality is that SL needs that 700k more than the Dadaab refugees.

 

Gurigiina hagaajiya, isqorqorka waa laga fiicanyahay.

A SL gov official xabsiga ayaa la dhigaayaa hadduu soo haweysto Xamar with his Iraqi flag. Real talk. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this