Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Puntland MP gunned down in Galkacyo

Recommended Posts

Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanka Puntland Oo Lagu Dilay Gaalkacyo-

 

 

 

Lasanod Online. Tuesday, September 20, 2011

 

 

Gaalkacyo,(lasanod Online)- Kooxo hubeysan oo aan la garanaynin ayaa caawa ku dilay gudaha magaalada Gaalkacayo mid kamid ah xildhibaanada..

 

 

Golaha Baarlamaanka Puntland.

 

Xildhibaanka geeriyoodey oo lagu magacaabi jirey Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Xaaji (Koodhaa) ayaa salaadii makhrib kadib xilli uu kusii jeedey gurigiisa waxay kooxo hubeysan oo aan haybtooda lagaranayni ku toogteen agagaarka Iskoolka Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacayo.

 

Xildhibaan Cabdiweli Muuse Shire ( Dhamuuke ) oo isna ah xildhibaan kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geerida xildhibaankaas oo waxyar ka hor magaalada Gaalkacyo ku geeriyoodey.

 

Xildhibaanka geeriyoodey ayaa la sheegay inay ku dhaceen xabado dhowr ah, kuwaas oo ka haleelay Saabka iyo madaxa uuna ku qudh baxay Cusbataalka Gaalkacayo, halkaas oo markii hore dhaawac ahaan loo geeyey.

 

Ma aha markii ugu horeysey oo magaalada Gaalkacayo lagu dilo Mas’uul katirsan maamulka Puntland, iyo dadka kale oo bulshada dhexdeeda magaca ku leh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this