Sign in to follow this  
Positive

Kobcinta aqoonta Af-soomaaliga qaybtii 7aad.

Recommended Posts

Positive   

Sheeko xariirada, soomaalida iyo hayb-sooca ayaan halkii ka sii wadayna. Ma dhammaystirna sheekadu markaas hadda qaybtan ayaa ugu dambaysa. Insha-Allah haddaan qaybo kale curiyo waan idiin soo gudbin doonaa haddase waa iga intaa; micnaha erayada iyo gunaanad baa inoo soo socda ee sidaas ula socda.

 

Xeerarka qabyaaladda

 

Habeenkaas farxad iyo rayrayn dheeraad ah ayaan dareemay . Markii ugu horaysay in muddo ah ayaa kal-gacal nololeed i galay. Sheekaduse waxay sii macaanaatay markii Xange weydiiyey nimankii haybtooda ee ay ugu jawaabeen " soomaali baannu nahay". Arrinkaas oo naga yaabiyey ayey nimankii noogu micneeyeen inay ku timi bulshadooda oo dhowr boqol oo sano ka hor ka gudubtay heerka hab-dhaqanka bulsho ee lafaha, jilibyada iyo jifooyinka hoose ay jiraan. Waxay noo caddeeyeen in habdhaqankan cusubi uu ka waxtar badan yahay kii hore. Faa;iidooyinka uu noo keenay waxaa ka mid ah bay yiraahdeen cadaawadii dhexdayada oo baaba’day, hayb-soocii oo aan jirin iyo cududa wax-qabsi ee dadka oo midaysan.

 

Sheekh Cali ayaa hadal xikmadi ka buuxdo bilaabay oo yiri ” ku dhaqanka qabyaaladdu waa habdhaqan bulsho oo la maro waase in laga gudbaa sababtoo ah waxaa yimaada waqti sida dhimbiisha dabka faraha lagaga gubto oo ay khasab noqoto in dhabarka laga tuuro”.

 

Hadalkii intaan boobay ayaan weydiiyey” sidee bay u tahay habdhaqan bulsho oo la wada maro”?.

 

Sheekhii ayaa jawaabay oo yiri” Haddii dib loo noqdo taxanaha taariikhda jiritaanka bilow-aadmiga waxaa la gaarayaa waqti ay dadku aad iyo aad u yaraayeen waqtigaas oo dadka meel wada deggani aysan ka badnayn qoys ka kooban aabe, hooyo iyo carruur ay dhaleen. Barwaaqada oo badnayd awgeed qofka ama qoysku keli ayuu noolaan karay khatarta bahalaha wax cuna oo ahayd dhibaatada ugu weyn ee haysatayna dhirta ayey habeenkii ka fuuli jireen. Waagii dambe ayaa intay barwaaqadii yaraatay bilow-aadmigii oo markaas tiradiisii korodhay bilaabay in ay xayn xayn u degaan oo ragguna ugaarsi u baxaan dumarkuna carruurta iyo guriga joogaan. Markii dambe waxaa bilowday in xoolaha sida geela, ariga fardaha iwm. la rabeeyo si loo manaafacaadsado ugaarsigana loo yareeyo ama layskaba daayo. Waqtigaas kadib ayaa waxaa soo baxay habdhaqan bulsho ee qabiilka; xeerarka qabyaaladuna mar ka sii dambaysay ayey tusaal dhulka soomaalida ka bilowdeen”.

 

“Markaas ma waxaad u jeedaa in qabyaaladda iyo xeerarkeedaba laga ilbixi doono?” ayuu Xange ku celiyey sheekhii.

 

Nin kaftan badan oo ragga ku jiray ayaa hadalkii la wareegay oo yiri “ haa , sidaan idiin sheegnay annagu waannu ka gudubnay qabyaaladda oo hadda dhammaatayo magaca soomaali keliya ayaannu sheeganaa. Awoowayaashayo ayaa tuuray haybtii ka hoosaysay isir-raaca soomaalinimada. Dadka kale ee soomaalida ahna markasta way nagu soo biiri karaan waayo magaca soomaali wuu na kulmiyaa. Waxay u baahan yihiin keliya inay tuuraan waxaan ahayn: soomaali baan ahay”. Intuu hadakay si hadalku noogu dhibco ayuu yiri “ Kama aanaan ilbixin qabyaaladda ilaa aannu fahamnay xeerarkeeda kuwaas oo markii dambe aannu laalnay”.

 

Hadalkii intaan ku soo booday ayaan weydiiyey “ anigu ma ogi xeerar qabyaaladeed oo dhibaato abuuraa ee maxay yihiin, maxaadse ku beddesheen”?

 

Sheekh Cali baa ku soo noqday hadalkii oo yiri” saddex xeer oo ah tolnimo[/b], hiil iyo hoo baa qabyaaladda jiritaankeeda kobciya la’aantoodna ma jiri karto. Sida saddexda dhardhaar ee dheriga weeyaan qabyaaladuna waa dul saaran tahay. Hayb-sooca iyo dhibaatooyinka kale ee qabyaaladana xeerarkan baa abuura.”

 

Isagoo sii wata hadalkii ayuu yiri “Xeerka 1aad ee qabyaaladda ee loo yaqaan tolnimo waxaa loo fasiraa wada-dhalasho iyo dhiig-wadaag oo runtii aan sax ahayn marka aad micnaha erayga dhuuxdo. Erayga tolnimo wuxuu muujinayaa is-gaashaan-buuraysi ama wax laysku kab-kabay. Madaama uusan qofna isku filnayn waa wax dabiici ah in qofku garabka ku qabto cid ku dhow oo ay iska kaashadaan baahiyaha nolosha farxaddana wada qaybsadaan.

 

( Qormada dambe akhri )

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Qaybta sare oo sii socota.

 

 

Markii hore soomaali ayaa la wada ahaa ee mar dambe oo qabaa'il samaysmeen ayaa tolnimadu ka sare martay isirkii. Anaa reer hebel ah iyo reer hebel ayaan ahay oo anigaa ka dhaladsan ayey arrintii isu rogtay. Si qabiil uu u sed-bursado ama sharaf dheeraad ah u dareemo ayaa dagaal, xaqiraad iyo is-aamin la'aan ay iskula kaceen ama haddaba iskula kacaan walaalihii soomaaliyeed. Marar kale abaaro ayaa abuura xaaladahan is-bahaysiga iyo dagaalka". Intuu yara hakaday buu waday hadalkii oo yiri "hadda waxaa lagu saxi karaa arrintan in meesha laga saaro tolnimada qabiilka ku dhisan oo qofkastaa sheegtaa in uu soomaali yahay qofkasta oo soomaali ahina tolkiis yahay- isla markaasna in laysu naxariisto la badiyaa! Sidaas weeyaan sida aannu ku xalinay arrintan".

.

Codkii baa intuu yara go’ay ayaa nin ka mid ah odayaashii oo ul uu haystay xariijimo ku samaynayey meel dhulka ah oo holaca dabku saani u iftiiminayey yiri “ Sheekha aan hadalka ka yara nasiyee qodobka labaad ee xeerarka qabyaalada oo ah hiil wuxuu ka hadlaa caddaalad. Isaguna sida qodobka kowaad oo kale waa baahi dabiici ah oo uu qofku u qabo inuu caddaalad helo. Marka qofka xoolihiisa la dhaco amase naftiisa ama inta uu mas’uulka ka yahay loogu yimaado aanuse iska fujin karin wuxuu dalbaa cid u hiilisa. Taas oo micnaheedu yahay in xaqiisa loo dhiciyo ama la difaaco haddii weerar lagu yahay. Dhibaatadu waxay timaadaa marka inta qabaa’il la abuuro dadka oo u kala safan magacyo ay sheegtaan xaq iyo xaq darro ay koox waliba gaarkeeda isugu hiiliso. Natiijadu waxay noqotaa caddaaladda oo lunta”. Intuu madaxii sare u yara qaaday oo noqday sidii wax dabkii ku dhaygagay ayuu yiri “ Daawadu waxaa weeye in bulshada loo abuuro waaxyo garsoor oo caadil ah oo xaquuqda qofka iyo hantidiisa ilaaliya. Waxaa kale oo loo bahan yahay hay’ado nabadgelyada iyo xasiloonida dhowra. Sidaas ayuu qofku uga maarmi karaa qabiil danihiisa difaaca oo isaguna uu midiidin u noqdo. Sidaas ayaannu ku xalinay qodobkaasna” ayuu ku gunaanaday.

 

Markii ay halkaas arrintu marayso ayaa waxaa yimi niman hor leh oo sida haruub-gaallo ay caano geel oo xoor leh ka buuxaan. Caanihii markii la dhex dhigay nimankii oo iyagoo kala fariistay ay bilaabeen in ay wadaagaan ayaan aniguna istaagay si aan u manjo baxsado. Caways dambe oo mugdi ah ayey ahayd waxaana dhacaysay neecow macaan oo nafta raali gelinaysay. Waxaad maqlaysay dhawaaqa xasharaadka iyo cayayaanka kaynta oo intuu isku darsamay aad muusik moodaysay. Cirka oo habeenkaa aan daruura lahayn ayaa ku dednaa xiddigo dhalaal dahabi ah leh. Dareen nabadgelyo oo farxad iyo deganaansho i geliyey ayaa maankayga buuxiyey.

 

Markuu milicsaday in caanihii laga dhergay ayaa Xuurteeye oo caawa oo dhan aamusnaa soo booday oo isagoo codka sare u qaadaya yiri” xeerka saddexaad waa igu aniga oo walle waa igu aniga”.

 

Inta la wada qoslay ayuu nimankii mid ahi kula kaftamay ” waar garmalayte ayaad tahay ee adigu maxaad sheegaysaa”. Xuurteeye ayaa intuu laabta istaabtay yiri” waar ma geed baan joognaa maxaa garkayga ku tusay”?

 

Mar labaad baa inta qosol dheer lagu dhuftay Sheekh Cali yiri ” daaya inan rag aamus waa loo dhamaa”.

 

“ Xaal qaado, xaal qaado ” ayey dhowr qof iska daba yiraahdeen iyadoo codkooda aad kaftan ka dareemaysay.

 

Xuurteeye ayaa bilaabay oo yiri “Xeerka saddexaad oo ah hoo wuxuu khuseeyaa wax-isa- siin iyo wax-is-tar. Wuxuu oranayaa dadku sida ay kuu kala xigaan wax siinta ugu kala hormari. Haddii aad xil-qabatona marka hore tolkaa naas-nuuji. Waxaa dheer oo uu qofka qabiiliga ah xeerkani farayaa in xoolahiisa ilaa xad tolkiis la wadaago. Xeerkani waa eexda iyo caddaalad darrada aabahiis iyo hooyadiis. Qaranimona ma jiri karto marka bahweynta soomaaliyeed ay xeerkan iyo kuwa kale ee la soo sheegay ku dhaqanto. Dawadu waxaa weeye in la laalo is-naas-nuujinta, wax-is-tar kasta iyo eex qabiilka ku salaysan.Isla markaas la sameeyo nidaam qofka foqorka ah lagu daryeelo. Taas weeyaan ta aannu ku dawaynay dhibaatooyinka uu keeni karo xeerkan” ayuu xuurteeye yiri isagoo kalsooni ku hadlaya.

 

Sacab bay raggii qaar ka mid ah oo dhallinyaro u badnaa isku dareen markaas ayaa mid ka ahi yiri

 

” Eebbaa igu og oo gabanku waa wiil-hoog”. Dadka intii kale ay qosol dheer isku daray.

 

 

Hal cabbaar ah markii la wada aamusay ayaa sheekh Cali hadalkii ku soo noqday oo yiri “ dadku waa sidii laamo iyo caleemo geed harweyn ka wada baxay. Sida caleemaha geedka ka baxay aysan u kala sarayn ama u kala nasabsanayn ayeysan dadkuna u kala nasabsanayn. Allaheen sidaas ha ina garansiiyo sidaasna aan fekerkeenna gelino".

 

“Aamiin” ayaa loogu wada jiibiyey.

 

Dhammaad.

 

Erayada aan calaamadiyey micnahooda oo aan wadaagno ayaa dhiman.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Adigaa mudan Che-guevara.

 

Erayada aan calaamadiyey sidan ayaa micnahoodu ugu jira sheeko xariirada.

 

qabyaalad= ku dhaqanka iyo ilaalinta(dhowrista) xeerarka qabyaaladda.

tol =waxa ay isu yihiin dad ku midoobay dan oo qabiil wada sheegta.

qabiil= dad is-bahaystay oo tol ah.

jilib= qaybaha uu ka kooban yahay qabiil.

jifo= qaybaha uu ka kooban yahay jilib.

lafo= qaybaha uu ka kooban yahay jifo.

cududa= awood; itaal.

dhabarka laga tuuro= laga tago; la iska daayo; laga guuro.

dhimbiil = dab sida iniin yar ah oo ka soo duula dhuxusha ama xaabada la shido.

habdhaqan = caado; qaab dhaqan oo la isku raacsan yahay.

midiidin= adoon; cabiid; ku khasban.

iska fujin = iska celin; is-difaac

haruub-gaal= weel geela lagu maalo; weel geela lagu liso.

xoor= xunbo ay caanuhu bixiyaan marka la lisayo.

caways= marka laga raago in la seexdo (waqti) habeenkii.

milicsaday = eegay; dhugtay; fiirshay.

garmalayte = qof aan gar lahayn: aan timo weli uga soo bixin garka( qof ).

wadaago = ka dhexeeya; wada leeyihiin; jskaga mid yihiin.

naas-nuujin = qofka oo aan mutaysan la siiyo; loo eexdo.

wiil-hoog = wiil (inan) diric ah; inan fariid ah; nin lagu yaqaan inuu wax iska celiyo.

isir-raac = abtirsiino; dad asal ahaan isku aabe ka soo jeeda.

isir = dad ka soo jeeda hal aabe.

sed-bursi= wixii dadka ka dhexeeyey oo koox/qof duwado (u taliyo).

rabeeyo= guri joog laga dhigo; dadka la noolaan kara.

manaafacaadsado= lagu noolaado.

 

Erayo kale oo aadan garan hadday jiraan waad ku soo kordhin kartaa.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites

^aad iyo aad baad ugu mahadsantahay aqoontaada aad nala wadaagtay - waxaad tahay deeqsi aan har loo gelin.

 

Mahadsanid markale - Illahay khayr ha kuugu bedelo dadaalkaaga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Waad mahadsan tahay sayidka.

 

Haddaba gunaanad iyo gebagebo haddaan ugu noqdo sheeko xariirada soomaalida iyo hayb-sooca Xange, Qalanjo iyo Huriwaa waxay ku biireen beeshii Bahweynta Soomaaliyeed; sida uu dhigayey dhaqanka Bahweyntuna waxay kala hareen abtirsiinadoodii afar oday. Xafladweyn oo loogu bah-yeelayo ayaa loo sameeyey.

 

Afar usbuuc markay joogeen ayaa Xange iyo Qalanjo loo sameeyey aroos laysugu habar wacday; wacdaro ayaana ka dhacay. Sida uu dhigayey dhaqanka Bahweyntu waxaa loo sameeyey xoolo gooyo reerkan cusub ee la dhisay; afar iyo toban carruur ah ayey isu dhaleen cimri gabow ahna way isku gaareeen; jacaylkuu u qabay awgiis Xange lama guursan Qalanjo naag kale intay noolaayeen.

 

Huriwaa isagana waxaa loo dhisay gabar ay is jeclaadeen oo laankaas le'eg tiriigna aad moodo. Waxay isu dhaleen siddeed carruur ah. Magac iyo maamus ayuuna ku dhex yeeshay beesha.

 

Waa dambe oo uu Huriwaa ku laabtay reerkoodii ayaa wuxuu u tegay iyadoo aabihiis dhintay oo saddex xaas oo uu ka tegay iyo carruurtii walaalihiis ahaa ay abaar iyo colaadi ku habsadeen. Intuu soo raray ayuu keenay meeshii uu deganaa halkaas oo ay iyaguna kaga biireen Bahweynta soomaaliyeed.

 

Dhammaad

 

 

Marka hore sheekadu ma dhamma laakiin insha-Allah waxan dhammaystiri doonaa mar dame haddii rabitaanka curintu igu soo dego. Tan labaad sababta aan u qoray sheekadan waa baraarujin; wax wanaagsaan uun dheh ayey iga tahay ee akhriste raali ahow haddii aan hadalka badiyey. Nabadgelyo ayaan ku leeyahay iyo akhris wanaagsan.

 

Macnaha erayada:

 

habar wacday= aanay cidi ka maqnayn.

wacdaro= wax lala cajiibay; wax aan hore loo arag.

laankaas le'eg= dheer

tiriig aad moodo= cad

waa= waqti

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Positive, adeer abaalka aad naga mudan tahay xaqiiqdii ma aan ku gudi karayno, uurkana ka ogin, balse mahadsanid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Positive, ASC brother, good to have you back!

 

Waxaan ku weydiiyey haddii aad ii sheegi karto ereyga Soomaaliga ee u dhigma "hypothetically", iyo haddii aad tusaale ku isticmaali kartid.

Waad mahadsantahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Waan ka qaaday salaanta Somalina.

 

Erayga aad i weydiisay waxaa aad loogu isticmaalaa maadooyin cilmi ah mana ogi eray-bixin sax ah oo loo sameeyey. Haddiise aan isticmaalo micnaha caadiga ah ee erayga hypothesis waxaan ku micnayn lahaa male-awaal( cilmiyeysan ama run noqon kara). Wuxuu kale oo micnahiisu noqon karaa aragti ama theory sida erayga mararka qaar lagu micneeyo.

 

Erayga hypothetically waa falkaab (adverb ) oo u fasirmaya male-awaal ahaan. Tusaale waxaynu oran karnaa arrinta aad ka hadlaysaa waa mid male-awaal ah. Ama haddii aadan male-awaal ku hadlayn arrintu sidaas weeye dheh.

 

Waan ku yara gal-gashay laakiin sidaas ayaan u malaynayaa:)

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Male-awaal? waqti badan ayey igu qaadan lahayd inaan keeno ereygaas. Qof isticmaalaaya weli kama maqlin, mana ka aqrin meel lagu soo qorey. Marka aad iyo aad ayaad u mahadsantahay.

 

Su'aal kale haddii aad ka jawaabi kartid, racial degeneration Soomaali maxaa lagu dhahaa.? Waan ku wareeray.

 

Mar kale mahadsanid walaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Af-soomaaligu waa taajir. Kelmada male-awaal waa kelmada caadi loogu isticmaalo af-soomaaliga. Marka wax la mutuhinayo, la malaynayo amase aysan cadayn in wuxu run yahay ayaa loo isticmaalaa. Kelmadda mutuhis ayey isku micno dhow yihiin.

 

Erayga race waa bulsho, quruun ama qaruun hadba sidaad u taqaan. Waxaa kale oo uu noqon karaa dad sida human race ( dadka bilow-aadmiga ah). Erayga degeneration waa dib-u-dhac. Markaas racial degeneration wuxuu u fasirmayaa dib-u-dhac bulsho.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

hehe, I was overthinking it.

 

Mahadsanid, hawsha aad wado waa hawl muhiim u ah jiritaanka luqada Soomaaliyeed, aad ayaan uga faa'iideystey Boga Kobcinta aqoonta Af-Soomaaliga. Halkaa ka sii wad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adinkoo mahadsan maxaa af Soomaaliga lagu dhahaa ereyga sifaha English ka ah ee Honest.

 

waxaan hayaa micnooyin u dhaw laakiinse aanan ahayn macnaha saxda ah ee ku habboon, sida : daacad, runlow ...

Jawaabtiina qadarin ayay mudantahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Waad mahadsan tahay Gaacuur.

 

Waxaan filayaa inuu fasirkaagu sax yahay. Erayga honest waxaa uu naxwe ahaan afka ingiriisiga ku yahay tilmaame ( adjective ). Wuxuu markaas u fasirmayaa, sidaad adba tiri, tusaale qof daacad ah ama runlow ah, wanaagsan (good ) ama sharaf leh ( reputable ) .

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this