Sign in to follow this  
munirah

Escalating divorce rates in our somali communities

Recommended Posts

sahal   

The main Reason: Read this article.

 

Farxiyo Fiski oo Dalqad lagu Furay iyo Fanaaniin Norwey u yimid inay Heshiisiiyaan Lamaanahan laga naxay Furitaankooda)

 

Fanaanadda Farxiyo Fiski iyo Gacaliyaheeda Muusikiiste Bashiir Hanuuniye ayaa dhabarka isku jeediyay oo kala booday,waxaana taasi sababtay in hal dalqad lagu furo Fanaanad Farxiyo Fiski,inkastoo hadda Caasimadaha Copenhegen iyo Oslo ee Dalalka Norwey iyo Denmark ay soo gaareen koox Fanaaniin ah oo ay kala hogaaminayaan Fanaan Jooqle iyo Fanaan Saacid Bulxan oo dhexda u xirtay inay u kala dab-qaadaan Lamaanahan Arooskoodu ugubka yahay ee weli ku jira Bishii Malabka.

Muusikiiste Bashiir Hanuuniye ayaa maalmahan ku sugan Magaalada Oslo ee Caasimadda Norwey,waxaana la filayaa maalmaha soo socda in la soo afjarii-doono xurgufta soo dhex-gashay Lamaanahan,iyadoo warar soo gaaraya Webka aan Runta ka-xishoon ee Shacabkamedia uu sheegayo in kolka la heshiisiiyo labadan Fanaan,la saadaalinayo in Fanaan Farxiya Fiski ay qaadi-doonto Hees ay ku raali-gelinayso Odeygeeda oo la magac-baxday (Bashiiroow)Heestan ayaa waxaa Erayadda iyo Laxankeeda sameeyay Fanaanadda iyadoo kolka uu raali-gelinta aqbalo Fanaan Bashir lagu rajo-weyn yahay inuu Heesta loo sameeyay isaga uu Muusikadda gacantiisa ku tumi-doono,iyadoo heestan lagu duubi-dooono (Istuudiye Hanuunniye)oo ku-yaal magaalada ay Lamaanahan ay degan-yihiin ee Copenhegen caasimadda Dalka Denmark

Furiinkan laga wada-naxay ayaa sabab looga dhigay kadib markii ay Fanaan Farxiyo Fiski ay ka dhego-adeegtay inay joojiso Hees ay shaashada ka muuqanayso iyadoo la arkayo qaar ka mid ah xubnaha jirkeeda,waana midda uu ka carooday Odeygeeda Fanaan Bashiir Hanuuniye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

War annagaa wax aragnay. Labo qof hadii ay is jecladaan oo dabadeedna guurka ka bacdi la is afgaran waayo oo jaceylkii uu isku badalo is cadaadis, is xumeyn iyo afka oo la isku taago 24/7, dee in meesha lagu kala tagaa miyaanay waajib ahayn.

 

Dadka qarkood dantooda ma yaqanaan oo shaydaan iyo hinaase ayey talada ka qataan. Waxaan u soo joogay nin fiican oo caruurtiisa iyo xaaskiisa si fiican u xanaaneyn jiray. Kalintiisana si fiican uga soo bixi jiray, hadii ay noqon lahayd: masruufka reerka, hawsha guriga, daryeelka caruurta, iyo gaadhiga oo uu sameeyo markay ciladi gasho. Laakiin maxay kuugu talaa qaarba islaantii kula taliyey naa kani waa nacaz, bakhayl ah oo wixii aad tidhaahdaba la soo cararaya. Markasey iyadiina is xariifisay oo ay diiday in ay wax hawl ah gurigii ka qabato. Lix bilood markii la is jiid jiidanayey ayey labadoodiiba go'aan sadeen in ay is furaan. Afar sano oo kali ah ayey is qabeen, labo caruur ahna way isu dhaleen.

 

Waxa la yidhi barasho horteed ha i nicin. Markaa markii la is bartay ayuu furitaankii noqday lagama maarmaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

divorce is natural and good for the reproduction of the any society. I have done my experiment and have a solid proof that its a very good. If u dont like or can not use some one, then they are trash...therefore, the natural recycling way is required, i.e, divorce.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this