Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland President Addresses the Nation ... Congratulate Muslims

Recommended Posts

argeysa (HWN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo) ayaa maanta salaadii ciida kala qayb galay Kumanaan ka mid ah dadka Ku dhaqan caasimadda Masjidul Jaamaca Weyn ee ku yaala badhtamaha Magaaladda Hargeysa.

 

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hadal kooban oo uu u jeediyay shacabka, ka hor salaadda kula dardaarmay in ay ilaashaadaan nabadgalyadda iyo isla markaana feejignaan xoog ah ka galaan wax kasta oo khalkhal gelin kara.

 

Madaxweynuhu waxa uu ku hambalyeeyay guud ahaanba shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay dunida kaga sugan yihiin in Munaasibadda Ciidul fidrida, waxaanu ilaahay uga baryay in uu ka aqbalo soonkii bisha barakaysan ee ramadaan.

 

Waxa kale oo uu madaxweynaha Somaliland ilaahay uga baryay dadka ay abaaruhu ku hayaan dalka aynu jaarka nahay ee Somalia in uu alle ka dul qaado, isaga oo dadweynaha reer Somaliland u soo jeediyay in ay gacan laxaad leh ka geystaan sidii ay walaalahooda kale wax u tari lahaayeen.

 

Madaxweynaha ayaa waxa wehelinayay xubno ka mid ah golihiisa wasiiradda, shirguddoonka labada gole, guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB iyo waliba xildhibaano kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa kale oo uu madaxweynaha Somaliland ilaahay uga baryay dadka ay abaaruhu ku hayaan dalka aynu jaarka nahay ee Somalia in uu alle ka dul qaado, isaga oo dadweynaha reer Somaliland u soo jeediyay in ay gacan laxaad leh ka geystaan sidii ay walaalahooda kale wax u tari lahaayeen.

Hmm ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Short Speech:

 

Assalamu calaykum wa raxmatullaahi wa barakatu.

 

Maanta waa maalin weyn oo qiima ku leh caalamka islaamka.

 

Munaasabadda ciid-al-fidriga waxaan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa dhammaan ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan waxaan munaasibaddan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland oo aan Ilaahay uga baryayo in uu soonka iyo cibaadadii bisha Ramadaan inaga aqbalo, sannadkan sannadkiisana innagu gaadhsiiyo nabad, bash-bash iyo barwaaqo, inta bugtana ka dul qaado xanuunka.

 

Beesha caalamka iyo cid kasta oo awood u leh in ay kaalmo ka geysato waxaanu ugu baaqayna in ay gurmad la soo gaadhaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ay xoolihii ka baxeen ee reer Somaliland oo aad u tabaalaysan. Iyagana Ilaahay waxaanu uga baryayna inuu ciwad khayr qaba ugu soo badalo.

 

Sida aynu ka warqabno dalkeena oo kaliye maaha, balse, Geeska Afrika waxaa jirta abaar xun oo si weyn u saamaysay dad badan oo ay qaarkood ka barakaceen guryahoodii, sida dalka aynu walaalaha iyo deriskaba nahay ee Soomaalya, ilaahayna waxaanu uga baryayna in uu ka dul qaado abaarta.

 

Ugu dambayn, waxaan idiin leeyahay Ciid Mubaarak, Kullu Caam wa antum bilkhayr.

 

Hambalyo.. Hambalyo..Hambalyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this