Sign in to follow this  
Siciid1986

Roobab Ka Da'ay Magaalada Hargeysa Oo Sababay Khasaarooyin Kala Duwan

Recommended Posts

 

170roobabyaw.jpg

 

Dhanka kale Laba qof ayaa uu ku dhagay Korontada Laydhku Wakhtigii uu Da'ayay Roobkani, Waxana ku dhintay hal qof

 

Hargeysa (GNS) Roob Mahiigaan ah oo ka da'ay Fiidkii Xalay Magaalada Hargeysa ayaa Sababay Khasaare Isugu Jira Guryo dumay iyo waliba Wadooyin Go,ay, Roobkan oo watay dabalaylo iyo dhagaxaan ayaa kala xidhay muddo saacado ah isku socodka magaalada, waxaanu roobaasi uu waxyeelo uu soo gaadhsiiyay, Xaafado ka mid ah Magaalada Hargeysa.

 

Roobkan oo Da'ayay in ka badan Saddex saacadood ayaa ahaa roob aad uxoog weyn, waxana uu ahaa Roobkii ugu weynaa ee muddo sanado ah ka da’a caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo nawaaxigeeda.

Roobkan ayaa qaatay isla markaana Dumiyay Dhawr Guri oo udhow School Alif Doon Oo Ka Tirsan Xaafada Axmed Dhagax, Waxana uu Daadka Roobkani Afka u Galay Dhamaan Iridkii Guryaahaasi, Sidoo Kale waxa uu daadkii roobkani qaatay dhamaan Hantidii Dhex taalay Wallow aanuu jirin Dad Wax ku Noqday Oo ka Tirsan Xaafadaahasi.

 

Sidoo kale Xaafada Daami Oo ka Tirsan Degamada Gacan Libaax ayaa waxa uu ka dumiyayay Roobkani Guryo waxana uu qaatay dhamaan Agabkii Dhexyaalay Xafadaasi, Waxana uu Sidoo kale Sababay in uu ku Dhaawacmo hal qof oo ka tirsan dadka degan Xaafadaasi.

 

Dhanka kale Laba qof ayaa uu ku dhagay Korontada Laydhku Wakhtigii uu Da'ayay Roobkani, Waxana ku dhintay hal qof halka ka kalena dhaawacmay.

 

Xaafada Maxamed Mooge iyo Xaafada Calaamada ayaa sidoo kale roobkani waxa uu ka dumiyay guryo waxana uu kala tagay jiingadii isla markaana waxa jirey guryo kale oo ka tirsan Xaafadahaasi oo uu daad galay.

 

Laba saldhig Boolis oo ku yaala Magaalada Hargeysa, ayuu Galay Daadka Roobku isla markaana waxa laga daad gureeyay maxaabiistii ku jirtay oo loo wareejiyay qolal kale.

 

Daadkan ayaa waxa kale oo uu Xanibay isla markaana go'yay Qaybo ka mid ah Wadooyinka mara Gudaha Caasimada Somaliland ee Hargeysa, Waxana uu Sababay in ay xidhmaan Wadooyin badani, waxana yaraatay isku Socodka iyo isku gudubka Xaafaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this