Sign in to follow this  
Nabad_dadaye

xagjirnimo ama daba ****** wax udhaxeeya ma jiraan?

Recommended Posts

muslimiinta caalamka maanta waxaa horyaala laba arimood oo kala daran .

mid waa inaad dowlada kasoo horjeedsato ood qaadhacdo ayadoo sabab uga dhigayo in eey macaasi fara badan qaarkoodna lagu gaaloobaya eey dowladu sameyneyso.

taana waxey sababeysaa in mudaaharaad dagaalo lagala hor tago dowlada .

mida kale waa inaad dowlada waxey kastooy keento aad raacdo aadanna ka hor imaan sababtana eey tahay dowlad xun dowlad la'aan bey dhaantaa .

labada dhinacna marka diiniyan laga eego ma fiicno .

hadaba ma jirtaa meel u dhaxeysa labadaas xaalo ooy shacabka qaadan karaan .

tusaala ahaan libya ama qadaafi raac iyo xasuuqiisa ama mucaaradka raac oo dowladii burbur haku dhaco .

walaalayaal ra'yigiina waa muhiim .

Share this post


Link to post
Share on other sites

midnimo hadey jirto wax labada uu daxeeya waala hela kara lakin midnimo ma jirto ruunti wax si sahlanna loo abuuro maha marka xagjirnimada ha liska daayo oo dowladaha jira ha la lashaqeeyo. lol, this just might the longest Somali sentence I've ever written...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Runtii xag jirnimo ma haboona oo diiniyan ayaaba laga fiican yahay maadaama diinta ee tahay diin dhaxdhaxaad ,inkastoo arinta xagjirnimada qofba si u yaqaano balse waa dhib inaan iska hoos fadhino madax aan dalka,diinta ,iyo dadkaba wax u heynin , balse jagadooda un ilaashanayo , jidna u yihiin dadka shisheeye ee dhibaateynaya ummada . wadamada qaar ee muslimka ah waxaa dhacday mar in dadkii lagu qasbo iney afuraan maalin ramadaan , qaarbaa cilmaaniya sheegtay oon lagu soo qaadi karin shareecada islaamka ,ma ahan iney yihiin gaalo balso jago jaceyl iyo iney kursigaas ku sii raago ayey wadama gaalo u raali galinayaan . hadaanan is badal la helinna shacabka wuu sii duloobaa , iimaanka shacabkana wuu yaraanaa qaar badan oo gaaloobayna waa la arkayaa .

dhanka kale waa burburin iyo dhiiga muslimiinta oo wabiyo noqda ayadana suura gal ma ahan .

bal aan isku deyno inaan raadino xal sadaxaad . midnimadii shacabka waxaa hor istaagaya madax kursi u dirir ah oon kala jecleen inta dhimatay ee shacab ah .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nabad daydaye, su'aal fiican baad runtii keentay.

 

Anigu shakhsiyan aad baan u jeclaan lahaa hadii xal sadexaad la heli karo, si dhibaato badan looga badbaado. Laakiin uma malaynayo inuu jiro(wallahu tacala aclam).

 

waayo Madaxda maanta muslimiinta xukunta kuligiin waad ka war haysiin, oo waa iska dad la xukumoo reer galbeed iyo shisheeye u taliyaan - Oo aan maxnaba xor ahayn.

Mideeda Labaad: Shareeco Islam iyo haba soo qaadin, taas "radical" muslims uun baa daba orda.

 

Ta sadexaad: Shacabka wadamada qaar sidaad sheegtay weeyoo xataa shacaa'irta islaamka baa loo diiday, sida xijabka, aadaanka etc.(kamana hadlayo reer galbeedka, waxaan ka hadlayaa wadama muslimiintu leedahay).

 

Ta afraad: Nimankaan kuraasta ku fadhiyaa ayagu waa wado fusaqo iyo kuwo haday doonaan gaalo ah - Waayo runtii sida Qadafi oo kale meel u ku toobadkeenan Allah baa og, laakiin dhowr sano ka hor Sh. bin baz baa khadka ka saaray.

 

Nimankaasi si yar marnaba isku dhiibayaan, cirku haduu soo dhaco iyo hadii dhulka la muuqsiiyaba, kursigooda ka muhiimsan. Markaa run ahaantii ma arko xal "diplomatic" oo miiska intay soo fadhiistaan wax laga dhaadhiciyo.

 

Waayo hadaynu muslimiin nahay, hal shay uun baynu rabnaa. waa in Shareecada Allah lagu dhaqo wadamadeena, waayo taas bay ku jirtaa liibaanteena aduun iyo aakhiro. Waayo waagii Shareecada lagu dhaqmi jiray, our economic system and everything else was top of the world.

 

Marka anagoo rabna arintaas, nimanka na hor fadhiyaana ay rabaan in wadamadeena looga taliyo qolal ku yaala Washington - Bal maxaa xal ah?

 

I am afraid of dagaal si kastayun u necebnahay asaga uun baa ummadda muslimiinta ah u hadhay.

Bal fiiri inta jeer ee "diplomatic" wax lagu dayey, iyo siday u halaysmeen. Ciraq fiiri, Afghnistan fiiri, Falastiin ooba baa'ba'day fiiri, sanadkasta diplomatic talk baa loo fadhiistaa, maalinta ku xigtana xasuuqii uun baa la sii wadaa.

 

Markaa waa sidii nin uu waa yidhi "Colka wadhaf ma lagu dayey"?

 

Marka anigu waxaan odhan lahaa, bal taariikhda aynu dib u fiirino, bal dib u akhrino wadama aduunku intooda badan guumaysi bay ku jiri jireen, sidee bay bal uga baxeen guumaysiga? Ma diplomatic mise si kale.

Bal xataa aynu fiirino wadamada gaaladu ay leedahay, ayagu sidee bay uga baxeen?

 

Ogaadana wax aanan loo dhididin meel lagama gaadho. Oo intaynu fitno ka cararayno yaynaan dhamaan - Ama gabigeenaba si toos la inoo qabsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AL MISKIIN=

 

sxb Xagjirnimadii laga digayey ayaadba aamisan tahay, dagaal umadda islaamka ama xitaa umadaha aan muslimiinta aheeyn uma baahna, dagaal wax uu faaiido leeyahay ma jirto inuu wax burburiyo mooyaane. dunida ilaaheey ayaa abuurta muslimka iyo gaalada ku noolna allah ayaa ugu talagalay inay ku wada noolaadaan.

 

marka almiskiin nimankiina mad-habta sacuudiga aamisan ee lagu naaneysto wahaabiyada xoogaa waxaad moodaa inaad fududihiin. umadaha islaamka waxay u baahan yihiin inay ka shaqeeyaan sidii ay wadamadooda u horumarin lahaayeen xagga dhaqaalaha, maanta ninka ragga ee dadkiisa u daneeya waa ninkii shacabkiisa ka ilaaliya gaajada.

 

sxb looma baahna sh ib baaz ayaa sidaa yiri ama sheekh hebel hebel ayaa sidaa yiri, sheekhyadaas waa baniaadam marka maaha hadalka ay yiraahdaan inaad u isticmaasho sidii waxyi samada ka soo dagay.

Aniga waxaan aamisanahay wadamada islaamka madaxda ka talisa inay yihiin dad wanaagsan xaqiiqdii, xitaaa macamar al khadaafi haddii aad eegto dadka liibiyaanka nolosha ay ku noolaayeen mudadii uu madaxda wadankaa ka ahaa waxay aheeyd xaqiiqdii nolol aad xumeyn. masalan nin waliba liibiyaan waxaa la sin jiray aqal, iyo free healthcare, marka waad la socotaa anaga soomaali 1990 ka hor dawladii allaha u naxariistee maxamed siyaad bare waan duminay, waad la socotaa sidii aan uga shalaynay iyo dhibkii foolxumadii 20kii sano ugu danbeeysay aan ku jirnay, waxaa xaqiiq ah dawlad waxay dhaantaa dawlad, la,aan. marka dawladaha iminka jiraa waxaa mudan in la tageeero oo aan la burburin. arinta dagaal iyo so called jihaad ee shacabka muslimka la xasuuqo waa wax foolxun waxaana mudan in waxaas leeyska ilaawo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masha Allah boondheere meel fiican baad ka taabatay, laakiin waxyaalo aan kaaga soo horjeedo baa jira, bari baan ka jawaabi Insha Allah, hada suxuurtii baa soo dhow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

miskiin

 

walaal waad ku mahadsantahay ra'yigaada ah in dagaalka un xal keeni karo, sidoo kale walaal boondheere ra'yigiisa wuu ku mahadsanyahay .

arinkan oo ah mid ubaahan raadin dheer iyo fikir deep ah , waxaan isku dayay inaan baaro waxa eey diinta ka qabto arinkaan ,balse waxaan la kulmay 2 go'aan oo kala fog mid walbana daliishiisa wato .

mid wuu taageeray in laga horyimaado oo lala dagaalamo , daliilyadiisana waxaa kamid ah :

in asxaabta qaar ka mid ah eey ka horyimaadeen amiirkii , sida xuseen bin bali , iyo cabdullaahi bin Zubeyr eey uga hor yimaadeen Yaziid bin macaawiya oo xiligaas madax aha ,sidoo kale Xasan albasrii iyo culimadii kale waxey ka hor yimaadeen Xajaaj bin yuusuf .

sidoo kale diinta inuu qof galo laguma qasbi karo Alle wuxuu yiri ''(لاَ إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ قَد تَّبَيَّنَ الرُّشْدُ مِنَ الْغَيِّ)[البقرة : 256]'' laakiin cadaalada wuu amray((إِنَّ اللّهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ )[النحل : 90]'' (وَأُمِرْتُ لِأَعْدِلَ بَيْنَكُمُ اللَّهُ رَبُّنَا وَرَبُّكُمْ لَنَا أَعْمَالُنَا وَلَكُمْ أَعْمَالُكُمْ لَا حُجَّةَ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ اللَّهُ يَجْمَعُ بَيْنَنَا وَإِلَيْهِ الْمَصِيرُ [الشورى : 15]، marka sidee loogu qasbayaa dadka iney dulmiga ku jiraan .

Alle wuxuu yiri ( يا أيها الذين آمنوا أطيعوا الله وأطيعوا الرسول وأولي الأمر منكم) ,Alle wuxuu la xiriiriyay adeecidiisa iyo adeecida rasuulka tan waaliga(madaxa) ,balse daadaca rasuulka iyo tan Alle waxey ku saleysan tahay dinta ,hadaba hadii madaxda eeysan ku socon shareecada islaamka xaq uma lahan in la adeeco .

iyo daliilo badan oon halkaan kusoo koobi karin .

Share this post


Link to post
Share on other sites

laakiin waxaa jira daliilo fara badan oo iyagana diidaya in dowlada laga boxo oo dagaal ama mucaarado lagu kiciyo waxaana ka mid ah .

ibnu teymiyah wuxuu yiri '' in la adeeco madaxda waa waajib ayadoo lagu raacayo maadaama uu Alle amray in la adeeco,qofkii adeeco madaxda isagoo raacayo amarka Alle ajarkiisu Alla agtiisuu ahaaday , laakin qofkeen adeeceynin inuu lacag ama jago ka helo mooyee hadeey siiyaan adeeco hadeey u diidaana ka horyimaado ninkaa Aakhiro waxba kuma lahan ''.مجموع الفتاوى (35 / 16)

ibnu cabaas waxaa uu rasuulka kasoo wariyay inuu yiri''qofkii amiirkiisa naco ha u sabro ,ninkii ka baxaa amiirkiisa taago wuxuu dhintay dhimasho jaahilaya ah'' bukhari iyo muslimba wey wariyeen.

sheekh ibnu baaz wuxuu yiri '' madaxda naseexeyntooda waa iney noqotaan si usluub fiican ku dheehan tahay ,mana ahan in ceebahooda lasoo bandhigo,ama minbarada laga dhaliilo,laakiin nasiixado waa wax walbo oo kheyrka sugaya , xumaantana tirtiraya lakin wada fiican ku sameynaya , iyo jid uu Eebe ka raali yahay '' fataawaa ibnu baaz (7 / 306).

sidoo kale qowlka fiqiga ee ah '' fasahaadkoo laga taga waxey ka horeysaa wanaagoo lasuubiyaa '' .

hadaba hadii ka hortaga madaxda eey keeneyso in dhiig badani ku daato waa in laga tagaa .

Share this post


Link to post
Share on other sites

runtii waa arin culus waana xaalka naheysto hada, dagaalna in aanan waxba lagu sixi karin waan aragnaa , tusaale waxaa ah ciraaq ,afkhaanistaan ,soomaalidana ayagaaba usoo joogay oo loogama sheekeynayo in dagaal wax saxo iyo in kale .

 

hadaan ku daro fikirkeyga waxey ila tahay in aslan dagaalka la joojiyo , wada hadal lala galo madaxda , heshiis na lala gaaro ,heshiiska qodobadiis qaar haba qaraaraadeene .

 

taasna waxaan tusaala usoo qaadanayaa heshiiskii xudeybiya ee nabiga uu lagalay reer makka ,runtii qodobada heshiiskaa qaar ku tirsanaa hadii qof anaga naga tirsan loo bandhigi lahaa wuu diidi lahaa sida qodobkii ahaa '' in qofkii muslim ah ee kasoo carara Makka ee Madiina yimaado lagu soo celiyo Makkah balse kii madiina ka tagaa uusan celis lahayn'' qodobkaa asxaabta waa weyn qaarkood ayaala amakaagay illaa sayidunna Cumar uu yiri rasuul Allow miyaadan ahayn rasuul xaq oo eebe kusoo dirin ,miyaanan wadada saxda aah kutaagneeyn maxaan duliga u qaadaneynaa . waatey asxabta badankood eeyhoog u arkeen ilaa eey kayara madax adeegeen iney xiiraan madaxooda . arinka fiiri qaraarkiisa iyo in asxaabtii nabbiga sidaas uga gubtaan go'aankaas ,waa arin culus soo maaha .

 

balse natiijadii maxey noqotay in diinta islaamka soo galaan in ka badan dadkii soo islaamay 19sanoo ee ka horeeysay heshiishkaas . marka waa inaan ka tanaazulnaa waxyaala qaar dhib weynba hanagu noqdaan . xumaantoo dhanna mar lamawada sixi karo balse wexey ubaahan tahay in tartiib tartiib loo saxo ,hadaan dhahno halmaraan wada saxeynaa wuu wada qaldamayaa .

 

culimadana waa iney noqdaan kuwa xaqa utaagan iyo difaaca shacabka ,madaxda unaseexeeyaan ,xumaanta uga digaan si xikmadeysan ,dulmiga eey ka hadlaan, sheegaana sida lagu sixi karo , shacabka in diinta laga dhiso ,amniga loo sugo ,dhanka caafimaadka laga xaliyo , masaajida culimada eey duruusta kabixinteeda badiyaan , marka shacabka diinta ka dhismo ,xitaa in ciidamada xerooyinkooda lagu baro diinta. madaxda hadeey sii wadaan dulmiga iyo hanti boobka waa iney culimada shacabka hor kacdaa, oo madaxdaasi meesha laga tuuraa .dagaalkana uu noqdaa ogaanka u danbeeya .

 

balse hadaan dowladii ka baxno oon dagaal la istaagno ,ayagana eey dhankooda is giijiyaan sow dadkii iyo duunyadii ma burbureyso oo maku dhaceysoo wixii soomaali ku dhacay 21 sano , liibiyana hada eey kusii socoto, yamen sidoo kale .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawladaha islaamka ka bilaaw Maleeshiya indonishiya Turkey ilaa barriga dhexe iyo Africa waqtigan aanu nool nahay dadka ku nool waxay u baahan yihiin economic development. dadyoowga islaamka waxa kaliya ay gunimada uga bixi karaan waa inay la tartamaan wadamaha horey u marey xagga horumarinta dhaqaalahooda.

dhamaan dadyoowga muslimiinta ah wadanka kaliya maanta tusaalaha wanaagsan u ah xagga dhaqaalaha, xagga waxbarashada iyo xagga horumarinta bulshada waa wadanka Maleeshiya. maleeshiya horumarkaa ay gaartay iyo nolosha sharafta leh ee ay ku nool yihiin muwaadiniinta maleeshiya kuma aysan gaarin fudeeyd iyo dagaaal doon, ee waxa ay ku gaareeninay ku dadaaleen ama investment ku sameeyeen waxbarashada iyo modern technology iyo la dagaalanka poverty ama fuqrinimada.

 

AlMISKIIN wuxuu gaaleeyey madaxda dawladaha islaamka ah, aniga waxaan aamisanahay inay takfiirinta sideedaba ay tahay arrin aad u foolxun. qof xaq u leh ma jirto inuu gaaleeyo qof sheeganaya inuu muslim yahay.

 

Aniga waxaan aamisanahay as long as you believe One god and mohamed is the prophet of God (scw) your a 100% Muslim.

for me sunnah is muslim. Shia is Muslim. ismaciyaliya is muslim. ahmadiyah is muslim. dhibkaba wuxuu yimaadaa markaad tafaraaruq bilawdid aad Xukum ridid kaasoo ah takfiirin, allah kaliya ayaa xukum ama judgment sameeyn kara sidaa darteed dadkeena ku nool dunidan korkeeda qaasatan muslimiinta waa inaan joojino cudurka takfiirinta waayo wax wanaag ah lagu gaarayo.

 

Takfirinta waa sida pandora's box oo haddii aad furto waxa ka soo dhex baxaya ma noqonayaan wax faaiido leh. eeg tusaaale. Somalia waa dad 100% muslimiin ah , maanta waad aragtaa soomalidii muslimiinta aheeyd waxay isku dilayaan qoorta isaga gooynayaan, ADIGAA GAAL AH(MURTAD) adigaa gaal ah(mushrik) iyo kalmado cusub ee wadankeeda uga yimid sacuudi arabia ama man-hajdka xagjira ee jaamacada sacuudiga dadka lagu barro.

 

sidaan iri dunidan maanta Ninkii ragg ah ee geesi geesi dhalay ah waa ninkii dadkiisa ka ilaaliya GAAJADA. ninkiii GDP Gross domestic product wadankiisa sanad waliba dhaqaalahiisa uu kor u kaco ilaa uu wadankiisa ka dhigo sida Japan ama Chile oo kale.

 

laakiin haddii aad ka taliso inaad dadkaaga Dagaaal ku kiciso iyagoo xitaa heeysan cunto ay cunaan oo caruurtooda dhimanayaan, dumarkaaga ay 10kii caruur dhalaya 4 ka mid ah ay ku geeriyoodaan sariirta ay ku dhalayaan, caruurtaada 10kii ka mid ah aysan 5 ka mid ah gaarin da'da 5 sanno, dadkaagana ay wadankii isaga ordaan oo ay nolol u raadsadaan wadamo chrishtaan ah sida Kenya iyo ethiopia iyo kuwii nasiibka lahaana europe iyo north amerika ay u ordaan. marka we dont need so called Jihaad(jihaad) waxaan u baahanahay waa inaad dadkeena gaajada ka ilaalino. waxaan u baahanahay healthcare. dumarkeena caruurta dhalaya inay heeystaan proper healthcare. umadda somaliyeed waa muslimiin 100% , waxa ugu horeeya ee aad ka fikirto inaysan noqon ciraaq iyo afghnaistaan iyo falastiin meelo kale naga fog, waa inaad nr 1 ka firitaaa wadankaaga sidaa aad u nabadeyn laheeyd xitaa dawladiii jirtay 1990 ka hor mid la mid ah aan u heli laheeyn sidii aan dadkeena u badbaadino.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boondheere, walaal waxyaabo badan oo aanan odhan baad ka jawaabtay, markaa Insha Allah markaan wakhti u helo baan ka jawaabi, laakiin bal fadlan afka waxaanan odhan ha ii galin. Ra'yi is dhaafsi uun baynu ku jirnaa.

 

Nabad_dadaye, akhi jzk khair for u'r balanced answer, Insha Allah kaadana waan ku soo noqon, I am short on time xiligaan hada ku jiro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

boondheere iyo almiskiin dhamaan walaalayaal waad ku mahadsantihiin ra'yigiina .

wey fiicnaan lahayd inaan noqono sida malaysia , runtii dalkaas waa midkaan ku faano hadaad nahay dadyowga muslimiinta marka laga eego dhanka dhaqaalaha iyo hurumarka , qowmiyada malaayo la yiraahdana runtii waa dad mutadayiniin ah.

maleysia wey ka fursad fiicantahay wadama badan oo muslimka iyo gaalo is dhax dagan yihiin maxaa dhacay si fudud ayaa diinta lagu gaarsiin karaa dadka aygoo cadaawad ku heynin .

sucuudiga runtii dhibaato maka jirto , culumadooda badankoodna hadaad fiirido waa dad dhaxdhaxaad ah sida max,ed alcureyfi , cabdalla maslax ,muftiga dalka ee reer allsheekh , kuligood wey diideen in dowlada la burburiyo , culumadii soomaaliyeed ee sucuudiga wax kusoo bartayna wey ka gaabsadeen arinka sida sheekh umal iyo shibile , iyo inta kale badnkood aan dhaho 95% culimadii sucuudiga kusoo baratay weey diideen in dowladaha muslimka la burburiyo xiligan hada la taagan yahay.

weyna fiicnaan laheyd in culimada mas'aladan eey muxaadarooyin nooga sameeyaan maadaama eey tahay arin aad muhiim u ah dhamaan muslimiinta ,qaasatan dalka soomaliya .

 

soomalida qaar ayaa gaaray iney dhahaan war israelba hana qabsatee cid un mey inoo harto , markeey arkeen in dagaal aanu xalkeeni karin , wey jiraan marar ka qaar iyo waqtiyo qaar uu dadka dagaalku lagama maarmaan ku noqonayo balse xaaladan ku jirno hada nabada ayaa lagama maarmaan nagu ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nabad dadaye iyo Boondheere

 

Ikhwaani, cafwan waan yara mashquulay e.

 

laakiin mid aan dhaho, hadii xal aan dagaal ahayn uu jiroo real ah, qof diidayaa ma jiro. Madaxda muslimiinta meel kastay joogaan in dagaal lagu qaado amba maa aaminsani runtii, waayo dhibaato badan baa ka dhalan.

 

Laakiin ayadoo sidaas ah, waan ka soo horjeedaa inay arimuhu siday hada yihiin sii ahaadoon ee xukaamta muslimiintu ay noqdaan dad loo taliyo sidii caruur yaryar. Madaxwayne ama xaakimna uma ictiraafsani qof reer galbeedku xukumaan - qof calooshii u shaqayste ah - dadkiisana waxba u tarin.

 

Markaa bal labadaas is waafajiya.

 

Walaalka boondheere, sxb, runtii nin xiiq san oo kalaad u hadashay, wahaabiyo inaad caydid iyo sheeko dheer oon loo joogin baad gashay.

 

Marka labaad waxaad tidhi, qof maanta qof gaalaysiin karaa ma jiro marnaba, waa xaq UU allah kaliya leeyahay. Taasna Shareeco ahaan waad ku khaldantahay, waayo Takfiirintu waa shay ka mid ah diinta, oo culimada loo daayey. Markaa inaad ka dhigtid qofkastaa inuu wuxuu doono iska dhex dabaalan karo, waa rin khalad ah.

 

Muslimiintu nadaam bay leedahay, qofka wadankooda xukumayana waa qof la yaqaan, oo tusaalooyin leh. Haduu ka leexdana la iskama daawanayee, waa loo naseexayn oo waa la sixi.

 

Marka labaad ogaada nabigu(salallahu aalayhi wasalam) inuu ku yidhi xadiith ku jira Sahih Bukhari, in Xukaamta la maqli oo la adeeci, xataa haday faasiqiin yihiin, laakiin in laga hor imaan ilaa ay la yimaadaan "kufran bawah"(kufri cad/open and blatant kufr). Yacni gaalnimo cad.

Markaa bal Allah baan idinku dhaarshee miyeynan xukaamta in badani la iman "gaalnimo cad"?

 

Gaalnimada cadna kutubta culimaday ku qorantahay, kitaabka quraankan way ka buuxdaa. Oo waa la yaqaan, waxaana ka mid ah tusaale ahaan, Wilayatul kufaar calal muslimin, Shareecadoo la badalo/ama laga tago - markaasna Qawanin Wad'iyah loo xukun tago. Arintana wadamo badan oo muslimiin ah bay ka jirtaa maanta.

 

Markaa Boondheere, bal adoon jabinin qawaacida Islaamka sidee adoo shareeco adoon ah, oo hadana aanan rabin fitno inay dhacdo u habayn lahayd labadaas? Xukaamta maanta ileen siday yihiin kuma noolaan karnee.

 

Waa an extreme view in la dhaho, "waligay xabad ma ridayo, waxkastoo dhacana xukaamta maantaan iska daba faylan".

Sidoo kalena waa extreme view qofku inuu dhaho "xabad kaliyaan wax ku keeni" taasna waaa khalad.

 

Xataa gaaladaa fahantay inaan hadal kaliya dawlad lagu keenin. Waa in la isku dheeli tiraa labadaas, oo la fahmaa in marmar ay khasab tahay in cadawgaada la iska celiyo.

 

Waa sidii uu yidhi Imaama hore mid ka mid ahaa "The religion will only be established by a guiding book and a helping sword"

 

Kitaabka iyo seefti ma kala hadhaan, waayo hadal kaliya cadawgaadu kuuma daynayo.

 

Ogaadana Allah wuxuu quraanka ku yidhi, وَالفِتنَةُ أَشَدُّ مِنَ القَتلِ (Gaalnimaa ka daran Dilka)

 

Dagaal/dhimasho waxaa ka daran fitno(oo laga wado shirk)! Markaa inay dadka muslimiinta ah wadamadooda la qabsadoo si aayar ah oo gaalo laga dhigaa ka daran inay dhintaan.

 

Ugu dambayn, anigu markaan mawduucan ka hadlayo, kama hadlayo in xukaamta muslimiinta dagaal lagu qaado, ee waxaan ka wadaa in dagaal lagu saaro dadka wadamada muslimiinta faraha kula jiroo, madaxwaynayaasheena xukuma. Sida maanta Ciraaq, Afqanistan, Soomaaliya, Falastiin etc.

 

Wadamadaas kuligeed dadka madaxda sheegtaa maaha dad madax banaan. Maraykan iyo xulafadooda baa xukunta.

 

Boondheere waxaad tidhi, sidaas aynu ahaano, wax khaldan ma jiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Marka ugu horeeysa wahaabiyada maan caynin, waxaan iri kaliya firqadaas alnajadiga waxay caan ku yihiin fudeeydka iyo inay wax waliba simplification ku sameeyaan iyo ka eegida meel soke,iyo degdegida dagaal hurinta FIDNADA iyo takfiirinta waa xaqiiq man-haj ka yimid lagu naaneeyso wahaabiyada, waxaad arkeysaa qof afar kalmadood inay si qalad u fasirtaan ayey dadkooda ku xasuuqaan takfiirin iyo gaaleeyn aan loo meel dayin .

 

taa waxaan ula jeedaa eeg foolxumada ka jirta maanta Somalia, in dadkii somaliyeed muslimiinta ahaa 100% suniyiinta ahaa ay maanta qoorta isaga jarayaan kalmado abuse lagu sameeyey ee ah gaal(murtad) bla bla(mushrik) iyo waxyaalo kaloo aad u foolxun,

 

FOOLXUMADA heer waxaa maanta la marayaa gabar waalidkeed ay suicide bomber isku qarxiso sababtuna waxay tahay waxa loo yaqaan brainwashing takfiirinta taasoo sababtay inay gabar aaminto waalidkeed muslimka ahaa inuu gaal yahay dilkiisana janada ku galeeyso. xaqiiqdii foolxumadaas waa mental illness aan dawo laheeyn.

 

Xaqiiqdiina caay maaha haddii la yiraahdo man-hajka wahaabiyada ayaa keenay ayaan daradaas wadankeena somalia iyo wadamo baddan muslimiin ah sida afghanistan. Algeria iyo afghanistan

 

 

Aniga shaqsiyan arrintan takfiirinta waxaan aamisanahay qof xaq u leh baniaadam ah haba yaraatee ma jirto inay gaaleeyso qof muslim ah oo afkiisa ka qiranayo inuu islaam yahay, waayo haddii bulshada islaamka ay ogolaato taa waxaa dhaceyso ALFIDNA, fidna aad u foolxun ee la mid ah midda Somalia ka socota ee aan telefishinada ka daawano hooyo somaliyeed caruurteedii 3 jidka uga soo geeriyoodeen labana nafta ka sii baxeyso ee xerada dhadhaab kenya 20 maalmood u soo lugeynayey.

 

 

AL MISKIIN waxaan kaloo aad uga xumahay inaad aayadii allah ee aheeyd وَالفِتنَةُ أَشَدُّ مِنَ القَتلِ

aad si qalad ah u macneeysatay sxb. aayadan micnaheedu waa FIDNADU=(abuuritaanka cunfiga/dagaalka/ dawlad la,aanta أَشَدُّ مِنَ القَتلِ waa ay ka xuntahay Dilka.

allah subxaana watacaala kalaabkiisa quraanka kariimka waa luqatul carabiga وَالفِتنَةُ qofka basic arabic yaqaana xitaa micnaheedu waa fahmayaa waa WALFIDNATU=FIDNADA.

 

nabiga scw xadiiskisii hadith where Prophet (s) said, AL FITNATU NAAIMATUN NACLATALLAAH MAN AYQADAHAA . fidnatu waa ay huruduu qofkii fidno kicinaya nacaladii allah ayaa ku dhacday.

 

MARKA sxb quraanka fasiraadiisa yaan lagu ciyaarin. xadiiska NABIGA SCW iyo aayada quraaankuba waxay ka hadlayaan waa وَالفِتنَةُ (FIDNADA) kama hadlayaan GAALNIMO.

 

Fidnada waa xaaraam , inaad dagaal ka bilaawdo wadan nabad ah dawlad leh xitaa dawlad la mid ah tii siyad bare, ama king abdullah saudi arabia, mida libiya qofkii fidno dadkiisa ku kuciya nacalatii allah ayaa ku dhacday.ilaaheey ayaa ka magan galnay nacalada allah.

 

umadaha muslimiinta qarnigan nool habayaraatee uma baahna in dagaal cunfi, fidna lagu kiciyo. umadaha islaamka waxay u baahan yihiin inay wadamadan reer galbeedka (mareykan europe) inaan kula tartarno waxa loo yaqaan modern technology,medicine, science, industry.

 

sxb waxaad leedahay dagaal XABADA rasaasta, xitaa warshad sameeysa ama qoriga sida loo sameeyo ma taqaanid ee waxaad ka tahay eber. marka bal xabada aad rideyso iyo qoriga yar ee kalashnikovka gaalkii sameeyey hadduu warshadiisa kaa xirto bal maxaad ku dagaalameysaa??

 

fudeeyd looma baahna .

 

waa xaqiiq waxyaalo qaladaad eexasho ayey ku kacaan wadamadan mareykanka iyo xulafadooda laakiin eeg adiga iyo aniga qaxooti waxaan ku nahay wadamadan reer galbeedka,nabad ayaan ku heeysanaa. haddii aad dooneysid inuu cadawgaaga respect ama tixgelin ku siiyo sida kaliya aad uga guuleysan karto waa inaad uga hor martaa ama kula tartantaa modern technology, waa inaad sidii Japan 1945 nuklear bomb ayaa lagu dhuftay lagu xasuuqey, japan mareykan wuxuu uga aargutay inuu dadkiisa waxbaro, dhinac waliba uu uga hormaro, heer maanta deemaha mareykanka la deemiyo 25% waxaa deemiya Japan,oo maanta Japan hadduu lacagtiisa ka xirto dollarka mareykanka wuxuu noqonayaa sidii dollarka ZIMBABWE. waad aragtaa shiinaha oo 30 sano ka hor ahaa third world country inuu maanta dhinac waliba kaga hor maraayo mareykanka iyo xulafadiisa. marka dadyoowga islaamka oo ay na hogaaminayaan TURKEY, MALEESHIYA, INDONISHIYA maxaa inoo diiday inaan anaga sidaa uga hormarno halkii aan caruurteeda hooyooyinkena isku qarxineyno oo dadkeenii qaxooti yihiin, oo qori xun RUSIA nin ethiest ah kalashnikov ka yiraahdo aan kor u qaadno niraahno jihaad, bal caqli xumadaa eeg.

 

 

Dunidan aynu ku nool nahay waa Duni xaqiiqdii isku wada xidhan, haddii ay qofka isagoo meel soke wax ka fiirinaya ama aan hubsan habka ay wadamada caalamka u shaqeeyaan uu la soo boodo xukuumadaha ka dhisan wadamada islaamka waxaa si toos ah u maamula waxa loogu yeero western world ama wadamada reer galbeedka sidaas darteed waa in la gaaleeyaa madaxdooda, dagaalka lagu kiciyaa. taa waxay dhalineysaa waxa Somalia ka jira inay dadka islaamka la xasuuqo, inaad noqoto nin dhibka ugu weeyn u soo jiida dadkiisa kaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allah says, وَالفِتنَةُ أَشَدُّ مِنَ القَتلِ

'Al-fitnatu Ashadu min al-Qatl' meaning, spreading Fitna (causing and spreading mischief, spreading of unauthentic knowledge or the likes, which leads wars and misleading of thousands of people is more dangerous than killing one person.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this