Sign in to follow this  
Saalax

Puntland Clan Rebels kill 4 people and injury 15 in Ufeyn District

Recommended Posts

Saalax   

Allaha Ha Uu Naxariisto Dad Safar Ahaa oo Lagu Laayey Duleedka Tuulada Kobdhexaad G/Bari

 

6 hours ago

Dabley hubeysan ayaa jidka u galay dad musaafiriin ahaa kuwaas oo ka soo kicitimey magaalada Bosaso isla markaana ku sii jeedey degmada Qandala ee isla gobolka Bari.

 

Gawaarida sidey dadka rakaabka ah ayaa ka koobnaa ilaa saddex gaari, waxaana rasaasta dableydu kula beegsadeen meel aan waxbadan ka fogeyn daabiyadda Kobdhexaad, halkaas oo ay taaley bar kontorool oo canshuurta lagu qaado, Kobdhexaad waxay hoostagtaa degmada Ufeyn ee Gobolka Bari.

 

Khasaaraha ka dhashey weerarkan ayaa lagu sheegay in dhimashadu gaareyso ilaa 4 qof, halka dhaawacu gaarayo 15 qof, waxaana dhamaantood la geeyey Isbitaalada magaalada Bosaso, iyo rugta caafimaadka ee degmada Carmo.

 

Sababta ka danbeysa weerarkan ayaa lagu sheegay in ay ahayd mid ka danbeyso mashaqadii hadda ka hor ka dhacdey Tuulada Igdheys, taas oo aan weli wax xal ah loo helin, waxaana dilalka labada beelood dhexdooda ah ku dhintey dad badan kuwaas oo marar badan magtooda la kala qaatey isla markaana la kala saxiixdey heshiisyo aan hirgelin.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^So fighting between two Nomadic clansmen in the bush of Bari, is now a rebelion against Puntland?

Salah you are getting desperate. Do you think this spinning will get the British to recognize Somaliland?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^How are they rebelling against the state? Two sub clans are having a feud which has been going on for a few years..

Again your desperation is ammusing but by all means continue..

Sababta ka danbeysa weerarkan ayaa lagu sheegay in ay ahayd mid ka danbeyso mashaqadii hadda ka hor ka dhacdey Tuulada Igdheys, taas oo aan weli wax xal ah loo helin, waxaana dilalka labada beelood dhexdooda ah ku dhintey dad badan kuwaas oo marar badan magtooda la kala qaatey isla markaana la kala saxiixdey heshiisyo aan hirgelin.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Your words are for a man who is trying to change the subject... I am waiting for your response and you must do better lad. The secessionist cause depends on it..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;737268 wrote:
Woow this is real bad

 

Indeed it's really bad. Faroole should send a peace delegation between the groups.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Of course the secessionsts won't report about the numerous clan murders taking place in the triangle right? Where people are being slaughtered for nothing. This is why foreigners who travel rarely leave Hargeysa since Siilaanyo took office.

 

Like I said before Burco is so bad right now even pro-Siilaano nwsomalia.org is forced to mention the murders, as opposed to sweeping it under the rug as usual.

 

Why are you not reporting about the murders in your enclave?

 

Let me guess because these murderers are using a knives which is more civilized right?

 

We are not talking about rural murders, this is Burco and people running around killing each other with knives is not normal!

 

---------

 

Taliyaha Booliska Tog-dheer Oo Ka Hadlay Dilal ka dhacay Magaalada Burco

 

http://www.somaliland.org/2011/07/15/taliyaha-booliska-tog-dheer-oo-ka-hadlay-dilal-ka-dhacay-magaalada-burco/

 

July 15th, 2011 Comments Off

 

Burco (Somaliland.Org):- Taliyaha qaybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Tog-dheer Saleebaan Ducaale Ubaxle (Dhega cadde) ayaa markii u horraysay ka hadlay dilalka oo beryahan dambe ku soo badanayay Magaalada Burco kuwaasi oo loo adeegsanayay Toorriyo.

 

Taliyuhu waxa kale oo uu maanta sheegay inay ku hawlan yihiin sidii magaalada looga suulin lahaa maandooriyeyaasha.

 

Taliyaha oo arrimahaasi faah-faahin ka bixinayay waxaa uu yidhi “ Waxaa imika soo baxday dhacdooyin badan oo sababay dilal iyo dhaawacyo culus oo ay sababtay hubka gacanta lagu qaato ama dhinaca ee loo yaqaano Toorayda, taas oo dhaqan u ah dadka ku dhaqan gobolka Tog-dheer iyo Deegaanadiisa in ay Tooray qaataan,taasina waxay keentay dhimasho iyo dhaawac,waxaa uu Booliska gobolku soo saaray dagaal lala galay sidii dadka looga dhigi lahaa toorayda dadkii danbiyadaa galay ee toorayda wax ku dilay ama wax ku dhaawacay ma jiro mid Booliska gacantiisa ka baxay dhamaantoodba gacanta ayaa lagu hayaa.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu yidhi “Suuqayada magaalada Burco waxaa ku soo badanaya ama ka soconaya falalka xatooyada ah waxaa la weerarayaa meheradaha,waxaa magaalada Burco ku badnaa sidashada qoryaha sharci darada ah,waxaa Boolisku ka suuliyay in qof aan ciidanka Booliska ahayn ama aan ciidanka Qaranka ahayn oo qori sita aan lagu arki karin magaalada Burco gudeheeda” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska ee gobolka Tog-dheer Saleebaan Ducaale Ubaxle (dhega cadde).

 

Taliyaha qaybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Tog-dheer Saleebaan Ducaale Ubaxle (dhega cadde) waxaa kale oo uu sheegay in ciidamda madaniga ah ee sida gaarka ah uga shaqaysan jiray ilaalinta meheradaha ay iyagana ka madnuuceen in aanay magaalda gudeheeda qori ku qaadan karin habeenkii “ciidanka madaniga ah ee meheradaha habeenkii ilaaliya ee iyagu sida gaarka ah u shaqaysta oo markii hore isticmaali jiray qoryaha oo ay Booliska khatar badani kaga iman jirtay kuwaasina waxaanu ka madnuucnay in aanay magaalda ku qaadan karin habeenkii qori ama Tooray iyaga oo suuqa ku jira” ayuu yidhi Taliye dhega Cadde.

 

Taliyaha oo ka hadlayay tirada dadka lagu dilay toorayda muddooyinkii ugu danbeeyay magaalda Burco waxaa uu yidhi “ Afar qof ayaa muddooyinkii u danbeeyay lagu dilay Toorayda, afartaa fal saddexdii gacan ku dhiigle ee gaystay Booliska ayaa gacanta ku haya iyada oo ay qabashadooda ka caawiyeen dadka shacabka ahi,shantii bishii todobaad waxaa lagu dilay magaalada Burco guddeheeda labadii habeenimo Marxuum la odhan jiray Maxamed C/laahi Xasan arinta dilka marxuumkaasina waxaa hada u xidhan todoba eedayse oo ay weli baadhisi ku socoto” ayuu yidhi Taliey Dhega Cadde.

 

Taliye dhega cadde oo ka hadlayay sibabta ay Boolisku wax uga qaban kari waayeen maandooriyaha Khamriga oo ku soo badanaya magaalada Burco waxaa uu yidhi “ Sidaad ogtihiinba gobolka Tog-dheer xuduud balaadhan ayuu la leeyahay dhinaca dalka Itoobiya, waxaana soo gala wadooyin badan oo aan lahayn wax Kaantarool ah,khamrigaasi ma soo maro Istabyada ay Boolisku joogaan marka uu magaalada guddeheeda soo galo khamrigaasi dad badan ayaa ka qayb qaata qarintiisa,waxaanu ku talo jirnaa in aanu ka suulino inta aan la gaadhin bisha Barkasyan ee Ramadaan magaalada Burco khamriga”.

 

Saleebaan Ducaale Ubaxle (dhega cadde) Taliyaha qaybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Tog-dheer ayaa ugu baaq u diray Cuqaasha,Salaadiinta,Ganacsatada,Culimawdiinka,Ard ayda Jaamacadaha iyo dhamaanba dadwaynaha kale ee ku nool Gobolka Tog-dheer in ay Ciidamda Booliska gacan ka siiyaan sidii magaalada Burco looga suulin lahaa maandooriyaha Khamriga waxaanu yidhi “Waxaan maanta warbaahinta kaga faa’iidaysanayaa wax garadka Gobolka Tot-dheer,Cuqaasha,Salaadiinta,Ganacsatada,Culimawdiin ka,Ardayda Jaamacadaha iyo dhamaanba dadwaynaha kale ee ku nool Goblka Tog-dheer ee daneeya nabadgeliyada in ay Ciidamda Booliska ka gacan siiyaan sidii loo suulin lahaa ama loo qaban lahaa caadaysteyaasha ku caanbaxay Khamriga ee ku iibiya magaalda Burco”

 

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well thankful at least they don't have Guns in burco and togdheer here in the west people stab eachother to but there are no Militia running around with Ak 47 chasing other clans like in the Garowe clan enclave.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Some of the websites are saying 9 were killed and more than 21 people injured in this latest clan attack today.

 

Xasuuq Ka dhacay Deegaano ka Tirsan Puntland

28th July 2011 ·

 

Kooxo hubeysan ayaa dad badan oo rayid ah maanta ku laayey degaanka Kob-dhexaad ee ka tirsan gobolka Bari kadib markii ay weerareen gaadiid maraysay halkaas.

 

Wararka aanu helayno oo xaqiiqo ah ayaa sheegaaya in ugu yaraan 9-qof ay ku dhinteen weerarkaas iyadoo tirada dhaawaca naloo sheegay in ay ka badan tahay 21-qof oo dhamaantood ahaa dadkii saarnaa gawaaridaas oo la sheegay in ay gaarayeen ilaa saddex gaari oo ka yimid dhinaca degmada Qandalla.

 

Kooxaha hubeysan ayaa la aqoon hubka ay u adeegsadeen weerarka iyadoo wararka lasoo tebinaaya ay sheegaayan in qoriga loo yaqaano baasukaha ay ku dhufteen gawaarida halka warar kale ay tilmaamayaan in rasaas badan ay ku fureen.

 

Dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmay ayaa isku jira Caruur da’a yar ah,haween iyo rag kuwaas oo usoo socday dhinaca magaalada Bosaaso iyadoo kooxdii hubeysnayd ay goobta durba ka baxsatay oo aan la aqoon halka ay u jiheysteen.

 

Dadkii dhaawacmay ayaa qaarkood loo soo weeciyey dhinaca Xarumaha Caafimaadka ee magaalada Bosaaso si xaaladooda loola tacaalo,waxaana ku jira dad dhaawacooda ay halis tahay lagana baqaayo in ay u dhinteen dhiig-bax.

 

Falkaan ayaa loo badinaaya in ay la xirrirto aanooyin qabiil oo u dhaxeysa labada beelood ee degaanadaas wada dega,waxaana weli wax war ah kasoo bixin dhinaca Xukuumada Puntland.

 

Weerarkaan u dambeeyey ayaa si kulul u cambaareyey qaybaha bulshada oo ku baaqay in laga waantoobo oo ay tahay arin ka baxsan shareecada Islaamka iyo Bin’aadanimada.

 

Wixii soo kordha lasoco Insha’allah

 

Xigasho Bosaso Press

 

 

http://www.galgalanews.com/?p=1475

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;737274 wrote:
I don't think faroole has the power to that but i think the Local Clan elders will take the initiative, but what are they fighting about?

 

I think it has to do with revenge attacks and land disputes.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Xaaji, I guess by your logical what happened in Rwanda with machetes and kitchen knives is more civilized then guns.

 

The killings in Burco are happening in the city, not in the rural (baadiyo) area's like in Puntland.

 

For the size in population of Burco and the numbers of murders by knives, in such a short time, is not normal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^XX, knows that in Burco killing with knifes is far better than deaths with bullets. Its part of being civilized to use kitchen cutlery to cut meat. is that not right XX

 

Salax on the other hand thinks two clan Nomads fighting is a rebellion.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this