Sign in to follow this  
Nur

Ha Ka Daalina Ducada

Recommended Posts

Nur   

Ducada

 

 

Walaal, sidaan wada ognahay, xidhiidhka ka dhexeeya dadka iyo Rabbigooda wa cibaadada, taasoo macnehhedu yahay in loo hoggnasamo kii na uumay oon jeclaanno, kana cabsanno. Cibaadadu hadaba waa xarigga nagu xira Rabbigeenna, xariggaasna waa Ducada, oo ah qoraalkan maanta waxuu ku saabsan yahay.

 

 

Ducada waxa ku so arooray Quraanka:

 

 

" Rabbigiinna wuxuu yidhi, i barya, waan idiin dhago nuglaanee ( aqbalayaa ducadiinna), kuwa iskala weyn iney ii hoggaanasmaan, Jahannama ayey gali doonaan ayagoo ku waaraya "

 

" Haddii ay adoonteydu i kaa wareysato ( Maxamadoow), Anugu waan dhowahay, waan ajiibaa ( u yeelaa wexey doonayaan) baryada kan ii barya, hadaba (addoonteyda) ha ii dhago nuglaato, hana i rumeeyaan, waa intaasooy waddada toosan qabsadaanee "

 

 

Ducada waxaa ku soo arooray Sunnada SAWS ee carfoon.

 

 

1. Cibaadaduba waa Ducada, Rabbigiinna wuxuu yidi " i barya waan idiin dhago nuglaanee "

 

2. "Rabbigiinna, Barakeysanoo Saremaray, waa xishhodaa, waana deeqsi, wuu ka xishoodaa in addoonkiisu uu gacmihiisa kor u taago inuu soo celiyo faro madhnaan".

 

3. Ma jiro qof Muslim ah oo Allah ku barya duco ayan n ku jirin dambi falid ama qaraabo jarid, oon Ducadaas Allah ku siinin seddex midkood:

 

a). In loo soo dadajiyo ducaadaas oo la siiyo wuxuu Allah ka baryay .

 

b) In aakhiro loogu keydsho

 

c) In looga celiyo ducadaas wax u dhigma uu dhibaato ku soo socotay" . Markaasey ( saxaabadii yidhahdeen) " Hadaba ( ducada) waan badineynaa" Markaasuu Rasuulku SAWWS yidhi " ( Allah ka badan ( waxaad dooneysaan)"

 

 

Aadaabta Ducada:

 

 

1. Ikhlaas : Iney kaa dhab tahay oo Allah oo qudha aad ula jeeddo

 

2. Inaad ku bilowdid Mahadnaqa Allah, faankiisa, iyo Nabiga ood ku salliso

 

3. Allah oo qudha inaad rajeyneyso, kuna kalsoontahay inuusan qofaan asaga aheyn wax kuu qaban karin.

 

4. Ku celcelin badan ( Allah ma daalo, adiga ha daalin, kumana ku dhibsado, ee ducadiisa ha dhibsan)

 

5. Qalbigaaga oo ku foojigan Ducada aad ku duceysaneyso

 

6. Inaad duceysato marwalba, hanoqoto inaad wanaag ku jirto, ama aad dhibaato ku sugan tahay.

 

7. Qofaan Allah aheyn ducadaada wax ha ku warsan ( Mataal: "ilaahayow, iyo sheekh Awliyoow", waa dambi )

 

8. Ducada ha ku habaarin reerkaaga, maalkaaga, dhallaankaaga, iyo naftaada: Macneheeda waa ha is habaarin, maxaa yeelay Allah waa naxariis badan yahayee ee warso caafimaad iyo wanaag. Nin Gabayaa ah oo la odhan jirey Al Mutanabi ayaa wuxuu ku gabyay:

 

" Kafaa bika daa' an, an taral mawta shaafiyaa. Wa xasbul manaayaa an yakunna amaaniyaa "

 

Waxaa cudur kaaga filan inaad daawo mooddo geerida, geeridana xumaan waxaa ugu filan iney noqoto wax la hiigsado "

 

9. Markamla duceysanayo oo codka hoos loo dhigo, hana u dhexeeyo codkaagu kan qeylada ah iyo kan qarsoon.

 

10. Inaad qirsan tahay dambiyaashada, ood dambi dhaaf Allah warsato, iyo inaad dareensan tahay nicmooyinka aad ku jirto ood Allah ugu mahadnaqeyso

 

11. Markaad duceysaneyso, inaad is liiddo, madaxaagana hoos u dhigto

 

12. Haddad dad soo dhacday inaad u celiso xaqooga, ama aad niyeysato inaad celindoonto mar dhow.

 

13. Qiblada ood u jesato

 

14. Gacmaha ood cirka u taagto

 

15. Inaad weyso qabto

 

16.Inaadan qof Muslim ah aadan ku habaarin ducadaas ( Mataal ahaan inaadan odhan "Allow reer Qansax cadaab ")

 

17.Marka hore ducada naftaada ka billow, dabadeed waalidka, dabadeed dadka kale ( Rabbi ighfir lii wa li waalidaya ) Allow ii dambidhaaf aniga iyo waaldkeyga. ( dayaaradah marka la raaco, marka hore suunka waa inaad adiga xidhataa, dabadeed aad u xidhaa carruurta )

 

18. Allah inaad ku bariso magacyadiisa qurxan ( Asmaa'ul Xusnaa), ama ad magacowdo camal wanaagsanood samyesay Allah wajigiisa, ( Mataal: ilaahayow, haddaan dartaada bililiqada dadkii lahaa u celiyey, maal xalal ah i sii ).

 

19. Inaad hubiso intaadan duceysan inaad xalaal cunto, xalaal cabto iyo inaad xalaal xidhato..

 

20. Inaadan Qaraabo jarid ku duceysanin .

 

21. Inaadan dambi ku jirin, ku fakareyn inaad sameyso ama aadan dad fareyn iney dambi falaan.

 

 

Waqtiyaasha Ducada Allah aqbalo:

 

 

1. Leylatul Qadr

 

2. Sag baddhka, intiisa dambe

 

3. Salaadaha faradka aha dabadood

 

4. Adaanka iyo iqaamada inta u dhexeysa

 

5. Saacad ka midah habeenka ( lama yaqaan, sida leylatul Qararka)

 

6. Marka la addimayo

 

7. Marka Roobka uu da'ayo

 

8. Marka dagaalka Allah dartiis cadowga Allah la is hortaagan yahay

 

9. Saacad ka mid ah maalinka Jimcaha ( waxaana culimada u bateen iney tahay casar gaabadka maalinka Jimcaha, qaarna wexey u badiyeen marka la khutbeynayo, ama slaatul Jumcaha nafteeda)

 

11. Markaa cabeyso biyaha Zamzam

 

12. Markaad Sujuudsan tahay

 

13. Markaad saqbadhkii soo toosto od u soo fadhiistao baryo Allah ood allah ku bariso ducooyinka ka sugnaaday Suubbanihii.

 

14. Markaad ducadaada raaciso aaydda " La ilaaha illla anta, subxaanaka inni kunto mina dhaalimiin"

 

15. Ducada dadka markuu qof dhinto

 

16. Ducada markaadAllah u mahadiso, ood Nabigana Ku salliso, taxiyaadka dambe

 

17. Markaad Allah ugu yeedho Magaciisa Weyn, oo haddii loogu yeedho uu aqbalo, oo haddii wax lagu warsado oo siiyo

 

18. Markuu qof Muslim ah qof kaloo Muslim ah ooy kal fogyihiin isu duceeyaan

 

19. Ducada maalinka laa taagan yahay CARAFA

 

20. Ducada Bisha Ranadaan

 

21. Ducada markii dad Muslim ah ay isugu imaadaan meel ay Allah ku wada xuseen

 

22. Markii musiibo kugu dhacdo ood ducadaada ku bilowdo" Innaa lillahi wa innaa ileyhi raajicuun, Allahumma ajirnii can musiibatii wa khluf lii kheiyran minhaa" Allah ay na leh, asaga ayaan u laabanayenaa, Allow, ajar iga sii dhibaatada igu dhacday, iigana daba mari kheyr"

 

23. Ducada markaad dareento ikhlaas badan, iyo iimaan macaan, ama aad la dhacdo aayad Quraan ah, ama Xadith

 

24. Ducada qofka la dulmiyey la ma celiyo

 

25. Ducada waalidka uu u duceeyo ubadkiisa, ama habaarka uu habaaro ubadkiisa

 

26. Ducada qofka safarka ku jira

 

27. Ducada qofka sooman ilaa u afuro, iyo markuu afurayo

 

28. Ducada qofka dhibaateysan, oon qofkale leheyn

 

29. Ducada Taliyaha Caadilka ah

 

30. Ducada ubadka baarriga ah ee uu u duceeyo waalidkiis

 

31. Ducada ka dambeysa weysada oo lagu duceysto ducooyinka ka sugnaaday Suubanihii SAWS

 

32. Ducada marka la soo tuurto Jamratul Sughraa, Jamratul Wustaa ( Minaa)

 

33. Ducada lagu duceysto Kacbada Makka dhexdeeda

 

34 Ducada lagu duceysto Buurta Safa, iyo Marwa, iyo Mashcarka Xaraam

 

 

Kuwaasi wa kuwo lagu gaar yeelay foojignaan, laakin qofka Muslimka , xaalad walba iyo meelwlba oo daahir ah waa looga aqbalaa inshaallah ducadiisa..

 

 

Walaal, qoraalkan gaadhsii intaad jeceshahay, anigana ii soo ducee, maxaa yeelay ducada labada kala maqan waxaa sugnaatay in la aqbalo, iiguna soo ducee Al Firdows Al Aclaa, iyo inuu Allah ii barakeeyo howsha aan jeclahay oo ah inaan uunka ugu yeedho iney cibaado ku garyeelaan kii uumay.

 

 

Walaalkiin

 

 

Nur

 

 

2003 eNuri Somali Language Service

Powered By Quraan and Sunnah

Ducadu Waa Qalbiga Cibaadada

Share this post


Link to post
Share on other sites
Adna   

salaama calaykum

 

maashaa'alah brother nur my allah reward you for the good things ur sharing with us. Jazaakalahu kheyral jazaa brother, that is really nice i know that ducaa'ul qayb mustajiib, it will be nice hadii every body uu uduceeyo one on other and pray for our destroyed country. peace out smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

jazaaka Allaahu khayran,ilaah hakaa abaal mariyo khayraadka iyo samaha aad noo sheegtay,ducada waa sheeyga ugu muhiimsan oo ka dhaxeeya shakhsiga iyo Rabigiisa Macbuudka,Ilaah wixii khayr ah hana waafijiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Asraa

 

Nuune

 

Wardi

 

 

Walaalayaal, Allaha idinka wada aqbalo ducada aad ii duceyseen, waa iga ilmeysiisay waxa an akhriyey, Allah ayaa daalacda waxaan qorno ama sameyno iyo quluubteenna, Allaha khaatimada noo hagaajiyo, Dunida nolosheeda oon la filaneyn naxariista Allah ayaa cadaab dadka ugu filan, waa Allah mahaddiis inuu na waafajiyey iimaan, na siiyay basiiro aan xaqa ku garanno, asaga ayaan warsaneynaa inuu nagu garab qabto shukrigiisa, xasuustiisa, iyo cibaado wanaagsan oon wajigiisa oo kaliya ku dooneyno.

 

ilaahayow inta safxaddan akhrisatay oo ku jecel, kaana baqaya, ku kaalmee waxaad jeceshahay, kuna arzaaq macaanka iimaanka, iyo iney ku guuleystaan iney daawadaan wajigaaga kariimka ah ee quruxda badan maalinka aad noo ballan qaadday la kulankaaga oo Runta ah.

 

 

Aamin

 

 

Walaalkiin idinku wada Jecel Allah dartii

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

اللهم إنا نسألك زيادة في الدين

 

وبركة في العمر

 

وصحة في الجسد

 

وسعة في الرزق

 

وتوبة قبل الموت

 

وشهادة عند الموت

 

ومغفرة بعد الموت

 

وعفوا عند الحساب

 

وأمانا من العذاب

 

ونصيبا من الجنة

 

وارزقنا النظر إلى وجهك الكريم

 

اللهم ارحم موتانا وموتا المسلمين واشفي مرضانا ومرضا المسليمين

 

اللهم اغفر للمسلمين والمسلمات والمؤمنين والمؤمنات الاحياء منهم والاموات

 

اللهم ارزقني قبل الموت توبة وعند الموت شهادة وبعد الموت جنة

 

اللهم ارزقني حسن الخاتمة

 

اللهم ارزقني الموت وانا ساجد لك يا ارحم الراحمين

 

اللهم ثبتني عند سؤال الملكين

 

اللهم اجعل قبري روضة من رياض الجنة ولا تجعله حفرة من حفر النار

 

اللهم اني اعوذ بك من فتن الدنيا

 

اللهم اني اعوذ بك من فتن الدنيا

 

اللهم اني اعوذ بك من فتن الدنيا

 

اللهم قوي ايماننا ووحد كلمتنا وانصرنا على اعدائك اعداء الدين

 

اللهم شتت شملهم واجعل الدائرة عليهم

 

اللهم انصر اخواننا المسلمين في كل مكان

 

اللهم ارحم ابائنا وامهاتنا واغفر لهما وتجاوز عن سيئاتهما وادخلهم فسيح جناتك والحقنا بهما يا رب العالمين

 

وبارك اللهم على سيدنا محمد صلى الله عليه وسلم

 

 

 

رجاء من الجميع أن ينشر هذا الدعاء لكي نكسب ثواب

 

 

 

نشره .... ولا تنسوا تدعو لي حتى تقول لك الملائكة "ولك بالمثل"....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Asalaamu aleikum,

 

bacda salaam

 

Nur walaal jazakalaah again for your mails. Ilaahay janadah ha ka waraabiyo.

 

Also, what i would like to ask you is if you can mail me these mails trough my e-mail address. Because i currently started to give da'wah and to teach islam to girls from my age and mothers.

 

So this would be so helpful for me smile.gif

Insha Allah i hope you can do that for me and that it won't be a burden for you :rolleyes:

 

Jazakalaah Kharain

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Reminding you to make a lots of duaa for:

 

1. Yourselves

2. Parents

3. Grandparents

4. Relatives

5. Friends and me.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masha allah, how did i missed this anyway may allah grant you jannatul fardowsa and those xural cayn you used to mention,oh boy i didn't understand the arabic version. may allah forgive our sins and those before us..amiin

secondly i have a silly question here which is can we ladies call a guy aboowe is that ok in islam plus I have this friend who recites the quran when she is in her MP( redface.gif yeah sure i feel that but it is a question) is it haram to do so?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Sundus sis

 

A great question sis

 

The Term " Abboowe" , is indeed an itimate way of addressing a male. If he is your brother, that is nice, at least in the southern slang of parlance, if he is not your husband, you are begging for trouble, as the word connotes intimacy which with the assistance of Satan could lead to Haraam.

 

Allah SWT instructs women " Falaa takhdacna fil qowl" meaning do not give-in while talking to non mahram males, so that " Fa yadmaca alladii fi qalbihi marad" lest the one with bad intentions exploits it as a window of opportunity.

 

 

As for your second question, the issue is khilaafi, meaning the culimaa have differing opinions on it. On one hand, no Muslim who has known the joy of Quraan or the love of Allah SWT can wait a week before they read his wise words, and on the other hand, the period of Xaydh, is an internal cleansening and purification of the soil from which we are created like seeds, and as a result, the moods of the female change while the process takes place, she needs comfort and care from those around her. so, as Allah SWT says, " La yamussuhu illal mutaharuun" no one should touch (Quraan without ) tahaaara. And, because we all have the daily call of nature in which we are not TAAHIR, or for the females the period, this opinion says, she should not read Quraan.

 

Now, some ulima found a compromise, they suggest that a woman may not touch the Quraan, but reading Quraan from memory, or placing the Quraan in front of her to read without touching is OK.

 

Personally, I am of the opinion that a woman should make a lot of dhiker instead, and do not read Quraan as Allah SWT exempted her from praying for a reason. Dhiker is always open, and it is powerful enough to keep her feet firm on the right track.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Changed   

Can we please get the English version please (that is if u have the time to...if not its aight)...if i read it in somali it will take me Hours redface.gifredface.gifsmile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Salaam

 

I have one comment upon the fatwa which my dear brother Nur had formulated.

 

The term Aboowe is not intrinsically bad word. In Hamar (not the Whole of southern Somalia) the word is use like Walaal. Walaal has no salacious ingredients to it in the north, consequently in Hamar Aboowe or Abaayo is not a word that connotes any sexual or anything bordering salaciousness.

 

“Allah SWT instructs women " Falaa takhdacna fil qowl" meaning do not give-in while talking to non mahram males, so that " Fa yadmaca alladii fi qalbihi marad" lest the one with bad intentions exploits it as a window of opportunity.”

 

Brilliant substantiation of what you have based on your xukum (judgment on the matter). My brother all depends upon the intention and the meaning of what is layin- jileec.

 

Akhii, I am sure your judgment on Aboowe is purely based on cultural conception of what Aboowe or Abaayo is. For me and large part of those who uses the word, it is just like walaal gacaliso (as they say in Ceerigaabo).

 

 

Sophist

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Sophist bro.

 

I agree with you bro., the word walaal by itself is not harmful, but the way it is said, body language, and the facial expressions and voice tones that go with it can make a word of difference to a sick male, some males who have sick hearts even misinterpret an innocent ABBOWE.

 

In the Northeast, BOOWE, is used and in Western parts, HUUNNO is used, they are intimate expressions of brtotherhood, but if a sister is not careful, she can send the wrong signal.

 

I think, WALLAAL to be the safest and business way to address a brother or a sister for that matter in order not to confuse people who are already confused.

 

I will be away

 

 

Eid Mubaarak to all

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

Originally posted by Nur:

I think, WALLAAL to be the safest and business way to address a brother or a sister for that matter in order not to confuse people who are already confused.

I totally agree. I've also realized that it's the most appropriate word for older men since some tend to get offended nowadays if you refer to them by adeer out of respect. I'm reer xamar, yet in my honest opinion, using aboowe with ragga waaweyn can definitely confuse them...and them calling me abaayo would be a bit weird too.

 

Bro Nur you're leaving us? Oh we'll really miss you Huuno (very innocent one here!).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this