Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Maakhir Community reject Mr gaas new Cabinet.

Recommended Posts

Maakhir oo Kalsoonidii Kala Noqotay Xukuumada Cabdiweli Gaaz

22nd July 2011

 

Ku Masuuliyiinta Dawladda Kumeel Gaarka ah

Ku Ummadda Soomaaliyeed iyo cid walboo ay khusayso

Ku Beesha Caalamka gaar ahaan waddammada daneeya arrimaha Soomaaliya

 

Marka hore ilaahay baa mahad leh, marka xiga ummadda Soomaaliyeed ee muddada dheer colaadaha ku soo jirtay waxan ilaahay uga baryaynaa inuu garansiiyo wanaagga nabaddu leedahay iyo isku duubnidu.

 

Nuxurka qoraalkani xambaarsan yahay waa ‘qaaddacaad’ annagoo ah waxgaradka Beesha Reer Maakhir, aannu ku qaaddacayno dawladda uu soo dhisay Raysalwasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Waxan muddaba indhaha ku haynay dhismaha isbaddalka Dawladda Kumeelgaarka ah looga fadhiyey, hase ahaatee martay waddadii tii ka geeri horraysay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxannu qaaddacaddaas la wadaagnaa ummad badan oo Soomaaliyeed oo arkay meel-ka -dhaca iyo u gefidda Axdi Qarameedka u yaal DKMG ah.

 

Ummadda Reer Maakhir oo ku dhaqan gobollada: Sanaag, Bari, Baay iyo Jubbada Hoose, waxa lagula kacay gef siyaasadeed oo hadimo ku dheehan tahay, marar badan. Iyadoo la qaddarinayo midnimada iyo walaaltinnimada Soomaaliyeed beeshu waxay u dul qaadatay ihaanooyin lagu falay magaceeda. Dawladda uu hurmuudka ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo saaxiibkiis Shariif Xasan Sheekh Aadan,:

 

Waxay ku takri faleen awood qaybsigii beelaha Soomaaliyeed;

Waxay meel iska dhigeen Axdi Qarameedkii Embaghati lagu kala saxeexday;

Waxay garab mareen dastuurkii Soomaaliya ee 1960-kii;

Waxay talada dalka gacanta u geliyeen ummada shisheeye sida Itoobiya, Kenya iyo Ugandha;

Waxay ku talax tageen dhaqaalaha magaca ummadda lagu urursado oo boqollaal malyan oo doollar lagu qiyaasay.

Intaasoo falal dembeyeeda waxa u sii dheer, iyagoo ka dab qaadanaya qabqablayaasha ha’yadaha caalamiga ah sida UNDB, ICG iyo urur goboleedyada sida IGAD iyo AU-da, inay raysalwasaare qoor-qabad ah, markay doonaan shaqada ka eryaan, ay ku fushadaan danahooda iyo kuwa shisheeye ee ay masuulka ka yihiin.

Illaa iyo sannaddii 2009-ka, ka dib markii Sheekh Shariif xukunka DKMG qabtay, wax sii xumaada mooyee, wax hagaagay lama arag. Itoobiyaay naga bax, waxa xigtay Itoobiyaay adaan kuu adeegaa. Muddo saddex sano ka yar waxa DKMG yeelatay 3 raysalwasaare: Cumar Cabdirashiid, Maxamed Farmaajo iyo C/Weli Gaas oo kursiga kulul hadda lagu fadhiisiyey. Dhammaan raysalwasaarayaashaas talada ay wax ku goynayeen waxay ahayd arrin labada Shariif mindida daabkeeda u hayaan, marka dantii laga lahaa lagu fushadana waxa la tusayey irridda dambe ee DKMG-da raysalwasaarayaasheeda laga saaro.

 

Waxan si gaara u xusaynaa in xukuumaddii la dhisaba lagu dhisayey qaaciido aannaan raalli ku ahayn oo la yiraahdo 4.5 (afar dhibic shan), qaaciidadan oo noqotay tii lagu duudsiyey cid xaq lahayd iyo cid kaleba. Qaaciidadan ayaa ulajeeddadii loo qaatay sannaddii 2004-ta, ujeeddada ka dambaysaa ahayd in si ku meelgaar ah wax loogu fuliyo, hase ahaate waxaa rasmi ka dhigtay dad dano gaara leh. Waxa la yaab leh, haddii caqiidadaaba la raaci lahaa, saddexda masuul ee ugu sarreeya midna xilkan indha ma saareen, waa haddii la raacayo miisaan beeleed. Haddaba ummadda Maakhir waxay u dhabar adaygtay, dhibaatooyinkaas dalka loo geysanayey muddada badan. Tusaale, xukuumaddii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ummadda Maakhir xaqeedii waa la duudsiyey, waxaannu arrintaa u aragnay inay ku sameeyeen, dad aan taariikhda dalka iyo dadka midna aqoon, oo ‘aragti gaaban’, waxayna nala noqotay inaan ka war dhawrno, bal in masuuliyiinta DKMG-du khaladaadkaas ka fiirsadaan, ma ay dhicin taasi. Waxa xigtey xukuumaddan C/Weli lagu ismay laakiin labada Shariif soo magcaabeen, laakiinse isagu soo dhisay, sidii si kasii daran ayaa meel ka dhac loogu geystay ummadda Reer Maakhir iyo ummadda Soomaaliyeed guud ahaan.

 

Haddaannu nahay waxgaradka Ummadda Reer Maakhir, waxannu go’aansannay inaan kalsoonida kala noqonno xukuumadda C/Weli Cali Gaas ee xaq darrada ku dhisan. Ummadda Reer Maakhir iyo Soomaalida kale ee danaynaya aayaha dalka iyo dadka, waa in dib loogu noqdaa xaaladda dalka, waddankana laga xoreeyaa ‘macaan jecesha’ iyo daba******yada shisheeyaha u adeega. Waxanna ku baaqaynaa, in Soomaalidu shir isugu timaaddo, runtana laga wada hadlo, sida wanaaggu ku jiro.

 

Waxan ku soo gunaanadaynaa, Professor C/Weli Cali Gaas maradii ayuu iska riday, xataa waa jaha wareeray, oo siday noola muuqato malaha odaygu Soomaalida daneheedii wuxu u daba fadhiistay labada Shariif oo la ogyahay dhibaatada ay dalka iyo dadka ay u geysteen baaxadda ay leedahay. Waxnnu kale oo faraynaa xubnaha golaha baarlammaanka DKMG ugu jira ummadda Maakhir inay iska casilaan xilalka ay hayaan. Waxan ka digaynaa in qof reer Maakhira aanu cad quudheed ka qaadan xukuumadda xaaraanta ah.

 

Ilaahay waxan mar kale ka baryaynaa inuu Soomaali waafajiyo talada wanaagsan

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Oodwayne, We have to wait & see. This unpopular transitional gov has lost my confidence. Not only it's weak and Vichy-like, with bloated parliament, it also headed by a corrupt , naive and highly clannish Sharrifs intend on settling on poor accounts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this