Sign in to follow this  
Somalina

Mogadisho: Aden Adde Airport, the busiest airport in Somalia

Recommended Posts

Somalina   

The buzz is there, many planes fly in as others zoom out. It is one of the busiest airports in this part of the world.

21243894.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo bilaabay inuu shaqeeyo habeenkii iyo Madaxweynaha oo xalay mar kale ka soo degay

 

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa bilaabay inuu habeenkii shaqeeyo muddo labaatan sano kadib bur burkii Dowladii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo xalay garoonka uu ka soo degay Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo si la mid ah habeen hore xilli saq dhexe uga dhoofay Garoonka.

 

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka soo kicitay Koofurta Sudan, gaar ahaan Caasimada dalka cusub ee ku soo biiray Caalamka ee Jubba, iyadoo Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa diyaarada waday ay soo caga dhigatay garoonka xilli habeenimo ah.

 

Madaxweyne Shariif ayaa waxaa ku wehliyay dib ugu soo laabashadiisa Magaalada Muqdisho Wasiirada Arrimaha Dibada, Warfaafinta, Xildhibaano iyo Saraakiil kala qeyb galay Munaasabadii lagu caleema saarayay Dowladda cusub ee Koofurta Sudan.

 

Habeen hore ayay aheyd markii xilli saq dhexe Madaxweynaha ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo markii uu xalay ka soo degay lagaga galbiyay garoonka Gaadiidka qafilan ee Ciidamada AMISOM oo ilaalinayay Madaxweynaha, oo loo kaxeeyay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

 

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Maamulkeeda gacanta ku heyso Shirkada SKA ayaa tan iyo markii ay la wareegtay ku soo kordhisay adeegyo muhiim ah, gaar ahaan dhanka Ammaanka oo ay qalab cusub oo dadka lagu baaro ay keentay garoonka oo ah in qofka isagoo dharkiisa ugu jiro uu dhex maro Meel Checking Security ah, isagoo wixii alaab ama suunka iyo kabaha kaliya iska bixinaya, dabadeedna dhex maraya.

 

Sidoo kale Garoonka ayaa hada la jaanqaadaya garoomada casriga ee caalamka, sida marka qofka soo dagaya ee uu sito Baasaboor Ajnabi ah oo uu maro qeybta Immigration-ka iyo ragga oo la marsiinayo baaritaano xaga ammaanka, gaar ahaan iyadoo Faro laga qaadayo iyo sawir.

 

Si kastaba ha ahaatee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde Air Port ayaa hada ka soo kabanaya bur burkii horay ugu dhacay, iyadoo uu la mid noqonayo sida Garoomada caalamiga oo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this