Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Military convoy visits shimbiraale (eastern sanaag)

Recommended Posts

Ciidamo Somaliland kasocda ayaa dhulbalaarsi ka wada Shimbiraale”Gudoomiyaha gobolka Sanaag

 

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Saciid Dabayl ayaa maanta sheegay in ciidamo katirsan maamulka Somaliland inay soo gaareen deegaanka Shimbiraale ee bariga gobolka Sanaag.

 

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Saciid Dabayl oo waraysi siinayay maanta warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in ciidamo katirsan maamulka Somaliland inay soo gaareen deegaanka Shimbiraale ee bariga gobolka Sanaag.

 

Waxaa uu sheegay gudoomiyaha in ciidamadaasi uu lasocdo maamulkiisa dhaqdhaqaaqa ay wadaan,waxaana uu sheegay in ujeedada ciidanka ay u yimaadeen deegaankaasi uu yahay mid salka ku haya dhulbalaarsi sida uu sheegay.

 

“Ciidamada waxaa wehliya xoolo dhaqato katimid Burco,waxaana arintan noolo muuqataa inay soo socoto mid la mid ah dhibaatada Kalshaale”ayuu si kulul u yiri gudoomiyaha gobolka Sanaag.

 

Waxaa uu dhinaca kale uu xusay gudoomiyaha in degmada Shimbiraale ee gobolka Sanaag inay beelaha deegaankaasi wadaan qabanqaabo ay kaga hortagayaan ciidamada Somaliland sida uu sheegay.

 

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Saciid Dabayl inuu ka digayo in dhibaato ay ka dhacdo degmada taasi oo uu sheegay inay gaysan karto qasaaro baaxad leh.

 

Maamulka gobolka Sanaag ee dowladda Puntland ayaa marar badan sheegay in maamulka Somaliland uu faragalin ku hayo deegaano katirsan bariga gobolka Sanaag oo uu ka arimiyo maamulka Puntland.

 

Horseed Media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cutub Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gaadhay Deegaanka Shimbiraalle Ee Gobolka Sanaag + Deegaano Puntland Ah Oo Cabsi Laga Dareemayo Iyo Maamulka Garoowe Oo Walaac Ka Muujiyay.

 

Shimbiraalle(ishaNews) July. 4, 2011- Wararka ka imanaya deegaanka Shimbiraalle ee Bariga Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan milatariga Somaliland ay gaadheen maanta deegaankaas, iyaga oo halkaas ku gaadhay si nabad ah.

Ciidamada oo la sheegay in ay si weyn u qalabaysan yihiin ka soo dhaqaaqay fadhiisin ku taala duleedka Bari ee Magaalada Ceerigaabo, waxaana ay la wareegeen inta badan amaanka jidaas, iyada oo aan la sheegin wax iska horimaad ah oo dhacay, waxaana la dhulkaas isaga baxay ciidamo beeleedyo taabacsanaa Puntland oo aan la ogayn halka ay ku dambeeyeen.

 

Wararku waxa ay sheegin un dadweyanaha ku nool deegaanka Shimbiraale ay si weyn u soo dhaweeyeen ciidanka, iyaga oo ku faraxsan joogitaankooda, maadaama oo amniga uu ahaa mid faraha ka baxay,isla markaana ay dhici jireen dilal caadi noqday oo saameeyay deegaamadaas qaarkood.

Dhanka kale maamul goboleedka Puntland oo ka hadlay galabta arrintan, ayaa walaac xoog leh ka muujiyay qabsashada Shimbiraalle ee ciidanka Somaliland., iyaga oo ku tilmaamay dhul ballaadhsi ay Somaliland ku doonayso in ay kula wareegto deegaano laga taageersan yahay Puntland.

 

Maxamuud Siciid Dabayl oo ninka Puntland ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Sanaag oo la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa ugu baaqay dadka reer Shimbiraalle in ay hubka u qaataan sidii ay dhulkooda ugu saari lahayeen ciidamada Somaliland, waxaana uu yidhi” Ciidamada waxa weheliya xoolo dhaqato ka timid Burco,waxaana arintan noolo muuqataa in ay soo socoto mid la mid ah dhibaatada Kalshaale, dadka waxa aanu leenahay dhulkiina ka difaaco kuwa ku soo duulay(Somaliland)”

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Shimbiraale is in the west of Ceerigaabo. SL very well remembers its historic defeat at the hands of Maakhir army. 26255_1298380219650_1234733270_30946455_

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cutub Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gaadhay Deegaanka Shimbiraalle Ee Gobolka Sanaag + Deegaano Puntland Ah Oo Cabsi Laga Dareemayo Iyo Maamulka Garoowe Oo Walaac Ka Muujiyay.

 

Shimbiraalle(Ramaas) July. 4, 2011- Wararka ka imanaya deegaanka Shimbiraalle ee Bariga Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan milatariga Somaliland ay gaadheen maanta deegaankaas, iyaga oo halkaas ku gaadhay si nabad ah.

 

Ciidamada oo la sheegay in ay si weyn u qalabaysan yihiin ka soo dhaqaaqay fadhiisin ku taala duleedka Bari ee Magaalada Ceerigaabo, waxaana ay la wareegeen inta badan amaanka jidaas, iyada oo aan la sheegin wax iska horimaad ah oo dhacay, waxaana la dhulkaas isaga baxay ciidamo beeleedyo taabacsanaa Puntland oo aan la ogayn halka ay ku dambeeyeen.

 

Wararku waxa ay sheegin un dadweyanaha ku nool deegaanka Shimbiraale ay si weyn u soo dhaweeyeen ciidanka, iyaga oo ku faraxsan joogitaankooda, maadaama oo amniga uu ahaa mid faraha ka baxay,isla markaana ay dhici jireen dilal caadi noqday oo saameeyay deegaamadaas qaarkood.

 

Dhanka kale maamul goboleedka Puntland oo ka hadlay galabta arrintan, ayaa walaac xoog leh ka muujiyay qabsashada Shimbiraalle ee ciidanka Somaliland., iyaga oo ku tilmaamay dhul ballaadhsi ay Somaliland ku doonayso in ay kula wareegto deegaano laga taageersan yahay Puntland.

 

Maxamuud Siciid Dabayl oo ninka Puntland ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Sanaag oo la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa ugu baaqay dadka reer Shimbiraalle in ay hubka u qaataan sidii ay dhulkooda ugu saari lahayeen ciidamada Somaliland, waxaana uu yidhi” Ciidamada soo galay deegaanku waxay noolo muuqataa in ay soo socoto mid la mid ah dhibaatadii Kalshaale, dadka waxa aanu leenahay dhulkiina ka difaaco kuwa ku soo duulay(Somaliland)”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Aaga barri Oo Ku Ruqaansaday Degaano Ka Mid Ah Barriga Sanaag

 

maamul goboleedka Puntland oo ka hadlay galabta arrintan, ayaa walaac xoog leh ka muujiyay

 

Ciidamada qaranka soomaaliland ee ku sugan jiidaha beri ee jamhuuriyada Somaliland ayaa la sheegayaa iyaga oo si weyn u qalabaysan in ay ku ruqansadeen fadhiisin ku taala duleedka deegaanka Shimbiraale oo Bari kaga aadan Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag,

 

waxaana uu warku intaasi ku darayaa in ciidamadani ay la wareegeen inta badan amaanka jidaas, iyada oo aan la sheegin wax iska horimaad ah oo dhacay, waxaana ay wararku intaasi ku darayaan in ay gabi ahaanba dhulkaasi ay iska huleeleen ama ay iskaga baxeen ciidamo beeleedyo taabacsanaa Puntland oo aan la ogayn halka ay ku dambeeyeen.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan dadweyanaha ku nool deegaanka Shimbiraale in ay si weyn u soo dhaweeyeen ciidanka, iyaga oo ku faraxsan joogitaankooda, maadaama uu amnigau ahaa mid faraha ka baxay,isla markaana ay dhici jireen dilal caadi noqday oo saameeyay deegaamadaas qaarkood.

 

Dhanka kale maamul goboleedka Puntland oo ka hadlay galabta arrintan, ayaa walaac xoog leh ka muujiyay qabsashada Shimbiraalle ee ciidanka Somaliland., iyaga oo ku tilmaamay dhul ballaadhsi ay Somaliland ku doonayso in ay kula wareegto deegaano laga taageersan yahay Puntland, Waa sida ay hadalka udhigeene.

 

Maxamuud Siciid Dabayl oo ah masuul Puntland ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Sanaag oo la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa ugu baaqay dadka reer Shimbiraalle in ay hubka u qaataan sidii ay dhulkooda ugu saari lahayeen ciidamada Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Xaaji, Gen. Muse Jama Dalaf knows better and he won't be used to export violence into his region of origin.

Maakhir region intends to keep its good relationship with Somaliland and that's not crossing over the borders to provoke hostilities.

Let's promote peace by respecting each other's Territory and sphere of influence.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inshallah kheyr bey noqon the general is a capable general all he wants is the best for his people there wont be any. Violence in shimbiraale that i am sure

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

There won't be any violence???? But the man has to (allegedly) entered the town in a so-called "military convoy?" If the people were so happy to see him, why does he need a militia?

 

You actually think after 20 years, news of needing militia convoy's to travel to places in your so-called country is going to help your recognition cause?

 

Please!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

That is not how "generals" travel unless the area is hostile and they are fearful of being attacked.

 

I think it's obvious that if someone has true control of an area they wouldn't need gunmen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shimbiraale oo Laga Hirgelinayo Saldhig Milatari

 

July 12, 2011 Shimbiraale(MMedia) Waxa ka jira Magaalada Shimbiraale oo ka tirsan Gobolka Sanaag qorshe saldhig Melateri looga hirgelinayo ka dib markii dhawaan ay soo degeen Cutubyo ka tirsan Somaliland kuwaasoo degay meel Magaalada u jirta ilaa 3Km

 

Ciidaman oo u hogaaminayoTaliyaha aaga Bari ee Somaliland Kornayl Muuse Jaamac Deelaaf ayaa qorshahoodu yahay inay Saldhig Melateri ka sameeyaan Magalaada Shimbiraale Saldhigaas oo noqon doona ka ugu way ee ka jira Gobolka Sanaag waxaanu hada Taliyuhu Socdaal ku marayaa Magaalooyin ka tirsan gobolka Sanaag Iyo Haylaan

 

Maray Maakhir Media la xidhiidhay siday u arkaan dadka deegaanku Saldhigan laga samaynayo Magaalada ayay aad usoo dhaweeyeen qorshahan la wado waxaana daba socda ayay yiraahdeen Ciidamo laga qorayo deegaanka oo yeelan doona awooda saldhigaas kuwaasoo laga yaabo in dhawaan la qoro

 

Maxamed xasan oo ka mida odayaasha deegaanka ayaa Maakhir Media wax ka waydiisay sida uu u arko Ciidamdan soo dega Magaalada iyo hadaladii kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta P/land waxaanu ku jawaabay inuu P/land idaacadaha uun ka maqlo weligiisna arag wax p/land ka socda hadalka wasiirka wax kazoo qaad malaha adeer dadkani Maamul ayay u baahan yihiin cidii ay u arkaan inay wado wax dantoodana cid uma daba fadhiisanayaan sababto ah 20sano ayaanu ku jirnaa Maamul la,aan markaa Somaliland Maamul u samayn iyo dhismayaal ay kwada deegaanka maxaanu ku diidaynaa markaa

 

Dhinaca kale Magaalada ayaa ganacsigeedu hada aad u sara kacay waxaana ka jira dhaqdhaqaaq xaga wax kala iibsiga ah waxa kale oo la dareemayaa inay soo buux dhaafiyeen Maleeshiyooyin lagu wado in Ciidamo laga dhigay kuwaasoo aad ugu soo qul qulaya Magaalada

 

Taliyaha ayaa maruu la hadlayay dadka deegaanka u sheegay hadii aanay doonayn ciidamada in laga qaadayo madaama ay iyagu yihiin cida masuuliyada Magaalada iska leh waxa kaloo Magaaalada ka socda dhismayaal xaga waxbarashada iyo caafimaadka ah oo ay wado Somaliland

 

Hadaba dhawaan ayaan idiin soo gudbin doonaan waraysiyo Maqal iyo Muqaalba leh oo aanu kazoo qaadayno Ciidmada soo degay Shimbiraale iyo dadka deegaankaba

 

Maakhir Media Shimbiraale

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this