Sign in to follow this  
Saalax

More Ugandan Troops arrive in Somalia

Recommended Posts

Saalax   

Kumaakun oo ciidamo ah oo maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho iyo hanjabaado ka soo yeeray “Daawo Sawirada”

 

 

Ciidamo xoog leh oo ka socda wadanka Uganda ayaa waxay maanta soo gaareen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo ciidamadaan lagu wado inay dagaalo xoog leh kala hortagaan Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

 

Seddex kun oo ciidamo ah oo ka socda wadanka Uganda ayaa waxay galabta ay soo caga-dhigteen magaaladda Muqdisho, waxayna ciidamadaan ay qeyb ka yihiin dagaalada xoogga leh ee ay Ciidamadda Amisom kala horjeedaan Xarakada Al Shabaab.

 

Ciidamadaan ayaa waxay kaloo kaabi doonaan sagaal kun oo ciidamo ah oo horey u joogay magaaladda Muqdisho, kuwaa oo ka soo kala shiraacday wadamada Uganda iyo Burundi, waxayna tirada Amisom ee Soomaaliya joogto ay ciidamadani ka dhigayaan 12 kun oo ciidamo ah.

 

Taliyaha Guud ee Ciidamadda Midowga Afrika Amisom General Fred Mugisha oo dhawaan lagu badalay taliyihii guud ee Ciidamadda Amisom Major Mugisha Nathan, ayaa wuxuu daaha uu ka qaaday in ciidamadaan ay u caaboon yihiin dagaalo xoog leh oo ay la-gallaan waxa uu ugu yeeray kooxda Xagjirka ah ee Shabaab.

 

General Fred Mugisha ayaa wuxuu tibaaxay in Dowladda Uganda ay ka go’an tahay sidii ay meesha uga saari laheyd Xarakada Al Shabaab, oo uu qeexay inay tahay koox dhibaateen baahsan ku heysa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

 

Sidoo kale wuxuu xusay in Dowladaha Uganda iyo Burundi ay doonayaan sidii ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen dalka Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in Amisom ay diyaar u tahay dagaalo xoog leh oo ay la-gasho buu yiri kooxda Al Qaacida, isagoo Shabaab ku sifeeyay urur hoos tagga Al Qaacida.

 

Dhanka kale Taliyaha Guud ee Ciidamadda Midowga Afrika Amisom General Fred Mugisha ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in Amisom laga badalay nabad ilaalin, loona badalay kuwo nabad dhaliya-yaal ah, si dalka Soomaaliya loogu soo dabaalo buu yiri nabad iyo kala dambeen.

 

Khamiistii ayay ahayd, kadib markii Madaxweynaha Xukuumadda Uganda Yuweri Musevani uu ku hanjabay in si deg deg ah ay Shabaab uga saari doonaan dalka Soomaaliya oo dhan, isla-markaana wuxuu sheegay in Uganda ay dooneyso in Soomaaliya ay noqoto dal xasilan.

 

http://dhacdo.com/main/news.php?readmore=6092

Share this post


Link to post
Share on other sites

nin aduunyo joogoow maxaa aragti kuu laban, maantana somalia waxaa ka shaqyesanaaya afrikanta kale oo mashruucyo ka soo qaatay maraykanka.

hadii aad dalkaaga dhowran weydo ama dhaqan weydo waa laguu dhaqaa ay taagan tahay maanta. there will be no peace unless we are willing to have peace, and nobody can bring peace for you unless you are willing to implement it by yourself.

we as somalis don't totally want peace in our country and that is fact, therefore let's stop pretending like we are the victims of others, and accept the reality which is that we are the victims of ourselves and our minds... we were killing our people for two years with any possible way or method we could such as: by starvation, war, abusing mothers, suicide, fake Jihad, hogaamiye kooxeed, and so on.

so the point is that we need to accept the fact that we don't want peace or visible government ..

Peace and Love for All. and R.I.P for those innocent people who lost their lives for nothing in the past two decades..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this