Sign in to follow this  
Siciid1986

Somaliland iyo Itoobiya oo Heshiis ay kala Saxeexdeen Maxaabiisna Isku Dhaafsaday

Recommended Posts

Diridhaba (Jam)- Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa kala saxeexday heshiis ay isku dhaafsadeen maxaabiis ay labada dal kala haysteen, kadib markii wadahadallo qaatay muddo laba maalmood ah ku yeesheen magaalada Diridhiba ee Itoobiya.

 

Wadahadalkaasi oo ay dhinaca Somaliland uga qaybgaleen wefti uu hoggaaminayey Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ay xubno ka ahaayeen Taliyayaasha Ciidammada millatariga, Booliska iyo Sirdoonka, halka dhinaca Itoobiyana ay uga qaybgaleen Wasiirka Amniga dawladda Fadaraalka Itoobiya, Madaxweynaha kililka shannaad iyo saraakiil ka tirsan milatariga dalkaasi, waxa lagu gaadhay heshiis la doonayo inuu meesha ka saaro madmadow soo kala dhexgalay xidhiidhka labada dal, gaar ahaan isu-socodka, isla markaana la isku dhaafsaday askar iyo muwaadiniin labada dhinac kala haysteen.

 

War-murtiyeed Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland ka soo saartay shirkaasi iyo natiijadiisa, waxa lagu sheegay in lagu gaadhay heshiis xambaarsan xoojinta iskaashiga labada dal iyo nabadgelyada.

 

Waxaanna warkaasi oo dhammaystirani u qornaa sidan;

 

“Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo socdaal Shaqo ku tegey dalka Ethiopia ayaa galabta (Khamiis 30 june, 2011) dib ugu soo laabtay Dalka.

 

Waxay shir qaatay labo maalmood kula yeesheen magaalada Diridhaba masuuliyiin ka tirsan dawlada Federaalka ee Ethiopa. Waxaana Arrimihii shirka lagaga hadlay ugu waawaynaa arrimo la xidhiidha sii xoojinta xidhiidhka labada dal oo isugu jiray dhinaca nabadgalyada, ganacsiga iyo socdaalka.

 

Socdaalkan waxa Wasiirka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Bilayska Jamhuuriyadda Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubad, Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Sirdoonka Qaranka, Maxamed Nuur Xirsi, masuuliyiin iyo diplomaasiyiin kale.

 

Dhinaca Ethiopa waxaa wada hadaladan uga qaybgalay wefti oo hogaaminayo Mudane Tsegaye Berhe, oo ah Wasiirka Xagga amniga qaabilsan oo ka tirsan dawlada Ethiopia ayna weheleniyeen, Taliyaha Guud ee Beri iyo K/Beri ee Ciidanka Milatariga Ethiopia, Major General Abraha W/Mariam, Madaxwaynaha dawlad Degaanka Soomalida ee Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Wakiilka Ethiopia u fadhiya Somaliland General Berhe Tesfaye.

 

Gunaanadkii shirka waxay labada dal ee Federaalka Ethiopia iyo Jamhuuriyada Somaliland soo saareen heshiis laba geesood ah oo nuxurkiisu ka turjumayo sida ay labada dalba diyaarka ugu yihiin sii adkaynta iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhexeysa labada dal ee jaarka ah. Waxaanna qodobada heshiiska laga gaadhay ka mid ah arrimo si gaar ah u taabanayay ilaalinta nabadgalyada, isku socodka labada geesood iyo iskaashiga iyo wadashaqaynta hawlwadeenada xadka ee labada dal.

 

Heshiiskan waxaa dhinaca Ethiopia u saxeexay Mudane Tsegaye Berhe oo ah wasiir ka tirsan Golaha Wasiirada ee dawlada Federaalka qaabilsanna arrimaha nabadgalayad, isla markaana ah la taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ee dhinaca nabadgalyada, halka dhinaca Somaliland-na uu heshiiskaasi u saxeexay Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

 

Waxa kale oo munaasibada saxeexa heshiiskaasi goob-joog ka ahaa Madaxwaynaha Dawlada Degaanka Somalida ee Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan labada dal,” ayaa lagu soo gebogabeeyey war-murtiyeedkaasi ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada.

 

Haseyeeshee, sida xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ahi waxa shirka ka dhacay Diridhaba dood xasaasi ahi ku dhexmartay, isla markaana si adag u garnaqsaday wufuuda ka kala socotay Somaliland iyo dawladda Fadaraalka Itoobiya, kadib markii Somaliland miiska la tagtay cabasho iyo tabashooyin ka dhan ah Ismaamul-goboleedka Soomaalida Itoobiya oo ciidammadoodu xad-gudubyo u gaystaan muwaadiniinta Somaliland ee sifaha sharciga ah ku gala Itoobiya, waxaanay weftiga Somaliland ku doodeen in saraakiishii Sirdoonka Itoobiya ee la xidhay sifo sharci-darro ah ku soo galeen Somaliland, halka ciidammada New Booliska kilalka shannaad ay si khaldan u xidhxidheen saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka Somaliland iyo muwaadiniin sifo sharci ah ku galay dalkooda.

 

Qodobada weftiga Somaliland ku dooday ayaa la sheegay in masuuliyiinta ka socday dawladda dhexe ee fadaraalka Itoobiya ka garaabeen, halka masuuliyiinta ka socday Ismaamul-goboleedka kilalka shanaad ee uu ka mid ahaa Madaxweynahoodu ay ku doodeen in xuduudka Somaliland ay si dhibyar uga gudbaan kooxo ONLF ah oo aanay dawladda Somaliland waxba ka qaban.

 

Shirkaasi ayaa markii dambe natiijadiisu noqotay in la sii daayo maxaabiista dhinac waliba haysto, iyadoo isla shalayba xabsi ku yaal Jigjiga laga soo daayey saddex askari oo ciidammada Somaliland ka tirsan iyo nin muwaadin ah oo la xidhnaa, halka Somaliland sii daysay shan saraal oo ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo muddo bil ku dhaw ku xidhnaa magaalada Gabiley, kuwaas oo magaalada Wajaale laga qabtay iyagoo si khalad ah u soo galay xuduudka Somaliland.

 

Qodobka labaad ee lagu heshiiyey waxa uu ahaa in sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka tirsan labada dawladood, kana shaqeeya arrimaha ammaanka, kuwaas oo yeesha xidhiidh joogto ah, isla markaana ka wadahadla dhacdo kasta oo ku soo koradha xidhiidhka labada dal.

 

Qodobka saddexaad, waxa la isla gartay in xidhiidh joogto ahi dhexmaro Ismaamul-gobolkeedka Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland, gaar ahaan maamullada gobollada xadka la leh Itoobiya.

 

Geesta kale, muwaadinka lala soo daayey saddexda askari ee reer Somaliland oo magaciisa la yidhaa Cabdiqani Ismaaciil Faarax (Miyir), ayaa ka waramay qaabkii loo qabtay iyo sifihii loola dhaqmay muddadii uu xidhnaa.

 

Mr. Cabdiqani Ismaaciil Faarax oo xalay Jamhuuriya soo gaadhsiiyey qoraal kooban oo uu xadhigiisa kaga waramay, waxa uu u qornaa sidan;

 

“Waxa la igu qabtay xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya ee Tog-wajaale markay taariikhdu ahayd 17-June-2011, isla markaana waxa la ii gudbiyey magaalada Jigjiga, laba maalmood kadib laba askari oo dirayskii ciidanka qaranka xidhan, ayaa meeshii aan ku xidhnaa la iigu keenay iyo mid iga horreeyey. Markaa taliyaha qaybta Itoobiya ee Tog-wajaale wuxuu noo caddeeyey in la noo haysto rahmad la xidhiidha rag lagaga xidhay xagga Somaliland. Waqtigii aannu joognay caasimadda degaanka Killilka 5aad ee Itoobiya, Taliyaha Komishanka boolisku si wanaagsan noolamuu macaamilin, taasi oo u dhiganta sida milgaha lahayd ee dhammaantood loola dhaqmay maxaabiistii Itoobiyaanka ahaa ku xidhayd Gabiley.

 

Markii aanu shalay soo noqonay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Taliyaha Ciidanka Qalabka sida iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska, waxay la hadleen Taliyaha Gabiley, iyaga ka waraystay caafimaadka iyo xaaladooda guud maxabiista Itoobiyaanka ah ee ku xidhnaa xabsiga Gabiley, waxaanay amar ku bixiyeen sidii loo geyn lahaa Wajaale.

Ugu dambayn waxaan u mahadnaqayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Wasiirka Arrimaha Dibadda, Taliyaha Ciidanka Qalabka sida iyo dhammaan shacabka Somaliland oo aan uga mahadcelinayo sida wanaagsan ee ay ugu dedaaleen shacabkooda.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this