Sign in to follow this  
Liqaye

June 8, 2007 Maalin ay Soomaalidu weyday Halyeey ku Sifoobay Hogaamiyenimo

Recommended Posts

Liqaye   

June 08, 2011 - QOL - Maanta taariikhdu waa June 8, 2011 kuna beegan maalintii uu ifka ka tagay Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan, taariikhda oo aheed June 8, 2007. Asagoo ugu geeriyooday si dabiici ah isbitaal ku yaal magaalda Nairobi ee dalka Kenya.

 

Waa maalin murugo ku reebtay dadka iyo dalka soomaaliyeed. Madaxweynaha oo dhintay, maalin uu dalka marayey marxalad kala qobqobnaan, goboleysi, iyo burbur saameyn ku yeeshay dhamaan Jamahuuriddii Soomaaliya.

 

Maalin ay yareed Hogaan la midda, kuna sifoobay halyeeynimo, wadani ah, akhlaaq leh, ixtiraam iyo qadarin ay shacabka u hayaan.

 

Madaxweynihii hore wuxuu ku sifoobay Timaamaha uu leeyahay hogaanka fiican ee haga, una hogaamiya dal badbaado iyo horumar. Tilmaamahan oo intooda badani uu alle ku galadeystay Madaxweynihii hore ee Aadan Cadde. Sifooyinkaas oo kala ahaa:

 

1- Wuxuu ahaa hogaan alle siiyey aragti fog, ayna u cadeed meesha uu rabo in uu gaarsiiyo dalka iyo dadka, dajiyey wadadii lagu gaari lahaa himiladda la hiigsanayey.

 

2- Wuxuu ku fikiri jiray oo kaliya midnimadda iyo horumarka dadka iyo dalka. Wuxuuna ka qeybqaadan jiray isu soo dhowaanshaha iyo wada shaqaynta bulshada.

 

3- Wuxuu aad u jeclaay taladda iyo wadatashiga, wuxuuna waqtigiisa uu galinjiray inta badan talo isweedaarsi kadibna uu qaadan jiray midda ugu haboon ee xalka uu ku jiro.

 

4- Wuxuu ahaa Hogaamiye ku sifooba hawl karnimo dheeraad ah. Waxuu ahaa mid aan gacmaha ka laaban shaqo uu faraha kuhayo iyada oo aan dhammaan.

 

5- Wuxuu alle siiyey awood uu ku quuro ama uu u huro in uu qofku waxa uu u qalmo ee wanaag ah siiyo, isaga oo aanan eegeyn haddiiba ay jirto meelo lagu kala fikrado duwan yahay.

 

6- Wuxuu ahaa mid u dhaqma si hufnaan ah oo wuxuu ku dadaali jiray in ay is-waafaqsantahay ficilkiisa muuqda iyo dadnimadiisa hoose. Wuxuu ahaa qof la aamini karo oon is-dabamarin iyo leexleex agtiisa oolin, muujiyana fikradiisa dhabta ah haddii aan xitaa dan gaar ahaaneed ugu jirin.

 

7- Mudaxweyne aadan waxa uu dhaqan ka dhigtay in uu dadka si dhex-dhexaadnimo ah ula dhaqmo. Waxuu ahaa shakhsi dadka isu dhegaysta marka khilaaf yimaado, oo aan cid ka duldhicin isaga oo ku sababaynaya warbixin aan dhamaystirneyn ama eex ah. Markay bulshadii arkeen madaxweynahoodii oo ah xaqsoore iyo dhexdhexaadiye waxay ugu abaalgudaan ixtiraam, taageero, dabacsanaan joogto ah.

 

8- Madaxweynaha allaha u raxmadee wuxuu sameyn jiray dabacsanaan. Wuxuu aaminsanaan jiray in aanu cidna ka fiicnayn ama ka liidan ee uu bulshada ka mid yahay.

 

9- Wixii guul ah ee la gaaro ammaanteeda iskuma koobi jirin ee wuu qaybin jiray, wixii xumaadana isagaa canaanteeda dusha u ridan jiray.

 

10- Waxaa lagu tilmaami jiray aadan cadde inuu ahaa mid si fiican dadka u dhagaysta, ra’yiyada kala duwan tixgeliya, wixii dani ku jirto ayuu qaadan jiray. Xukunka iyo go’aanadana si fiiro ku jirto ayuu ku gaari jiray kuna meel marin jiray, Si ay la socoto furfuraan.

 

11- Wuxuu ahaa shaqsi hal-abuur leh wuxuuna iskudayey in uu wax cusub hindiso; marar badan ayaa waxaa u muuqday waxaan dadka kale weli u muuqan.

 

12- Wuxuu ahaa mid ku kalsoon naftiisa iyo asaxaabtiisa iyo inta ay shaqo wadaagyihiin iyo dhamaan bulsho weynta soomaaliyeed.

 

13- Waxuu ahaa qof qaata go’aan wadareedka aqbala hadii laga adkaado, waxaa uu ahaa madaxweyne lagu doortay si cod ah, maamulay dalka 7 sano, kadibna xilka kuwaraajiyey maalinkii looga adkaaday doorashadii 1967kii, asagoo u hambalyeeyey, kuna wareejiyey xilkii uu u hayey dalka iyo dadka madaxweynihii la doortay ee Abdirashiid.

 

Sifooyinkaas oo iskaashaday ayuu dalka ku soo hogaamin jiray. Laakiin tilmaamaha aynu inta badan ku aragno siyaasiyiinta maanta ee qabyaaladu ugu horayso, waxba laguma hogaamiyo; dhib iyo mushkilad raagta mooyee waxa kale lagama dhaxlin. Waxaa haboon in aan tusaale uu kuu noqdo qofka ku guuleystay sifooyinka hogaanka fiican.

 

Cali Axmed

 

axmedcali1@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Aadan Cadde iyo Cabdirashiid cali Sharmarki labaduba taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ayey kaga jiraan.

Illaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo. Aamiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

General Duke;727650 wrote:
Adan Ade, was the greatest politician and leader in Somali history. A man future Somali leaders should be like.

Well said GD.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this