Sign in to follow this  
General Duke

Somali's home abroad SHOULD RISE UP... ENOUGH of this crap

Recommended Posts

Ra'iisul wasaaraha xilka haya ee Somalia ayaa sidoo kale lagu faray heshiiska inuu isku casilo mudo bil ah, iyadoo baarlamaanka laga doonayo inay heshiiskaas ku meel mariyaan 14-maalmood sida uu

heshiiskoodu dhigayo.

 

Guux iyo muran fara badan ayuu heshiiska ka dhaliyay gudaha dalka, iyadoo xubnihii Baarlamaanka ee la kala safnaa Labada Shariif ay sheegeen inay si wadajir ah u taageerayaan doorasho la qabto inta aan la gaarin [Aug 21, 2011], iyagoo sheegay in heshiiskan uusan dib u dhigi karin go'aan uu baarlamaanku gaaray.

 

"Doorashada Madaxweynaha iyo Mida Gudoomiyaha Barlamanka waxay dhacaysaa xiligii loo qorsheeyay, mana bedeli karaan go'aankaas Labada Shariif iyo Museveni meeshii ay doonaan haku shireene" ayuu Afhayeenka Gudiga doorashada Xil. Xareed Xasan Cali u sheegay Warbaahinta.

 

Xil. Xareed, wuxuu sheegay in go'aanka doorashada uu yahay mid baarlamaanku uu gaaray uuna dhacayo hadii amar kale uusan dhicin, isagoo sheegay in heshiiska ay labada Shariif ku gaareen dalka Uganda uu yahay mid danahooda ay ka dhex arkeen.

 

Heshiiska ayaa waxaa ka mid ah inan muddada sanadka ah laga keenin madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, iyadoo hadii mooshinka laga keenayo xukuumada uu ahaado daliil adag loo hayo.

 

Dibadbax weyn oo lagu diidan yahay iscasilaada Farmaajo ayaa isaguna ka dhacay maanta Muqdisho, waxaana ka qaybqaatay ciidamada DF oo sheegay inaysan aqbali karin in Ra'iisul wasaaruhu uu xilkiisa iska casilo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga doorahada: Labada Shariif ma badali karaan waqtiga doorashada

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Guddiga doorashooyinka barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada ay dhacayso a hor bisha Augusta ee Sanadkan.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka barlamanka KMG Soomaaliya Xildhibaan Xareed Xasan Cali oo u waramayay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu ka hadlay howlaha doorashooyinka barlamanka, wuxuuna tilmaamay in doorasho Madaxtinimo ay dhacayso ka hor bisha Augusta.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in doorashada Madaxtinimo aysan badali karin Madaxweynaha dowladda iyo gudoomiyaha barlamanka, isagoo shaaca ka qaaday inaysan jirin cid is hortaag ku samayn karto howlaha doorashada, wuxuuna carabka ku adkeeyay in doorashada ay dhici doonto xiligii loo qorsheeyay sida uu hadalka u dhigay.

Xareed Xasan Cali ayaa waxaa uu sheegay in go’aanadii kasoo baxay shirarkii Kampala iyo Nairobi aysan ahayn kuwa dhaqan gal ah dhaqan gali ah, isagoo tilmaamay in hadii la badalayo Ra’iisul wasaare Farmaajo iyo Xukuumadiisa ay u taala Golaha barlamanka maadama ay horey Xildhibaanada kalsooni ay u siiyeen Xukuumadda, wuxuuna intaasi ku daray in Madaxweynaha Uganda iyo Madaxda kale ee dowladda aan badali karin wax aan ogayn Golaha barlamanka Soomaaliya.

Arintaan ayaa waxaa ay imaanaysaa xili Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya laga dhaadhiciyay in uu is casilo islamarkaana Xukuumadda ay awood qeybsi ka dhigtaan Madxweynaha dowladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

New thread for it, just suggested this on the other thread. People XAQA HALAGU ADIMO.. Enough is enough.. Kifaaya waryaara..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this