Sign in to follow this  
Mooge

BREAKING NEWS: Farmaajo asking for money?

Recommended Posts

Mooge   

i just received information from nairobi that things that is delaying farmaajo's public announcement is they are working out compensation money for him to resign on his own. if i find more information i will post here.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

jowhar.com attacks farmeajo and calls his team actions "the worst corruption ever"

 

 

Maxaa kala socotaa Qalabkii ugu muhiimsanaa abid Soomaaliya gar gaar ahaan loo siiyo oo la iibsaday

Iyadoo mudooyinkan ay jireen hadal heyn badan oo ku aadan ku takri falid iyo hanti lunsasho la sameeyay, kadib markii la helay Xog ku saabsan in Lacag Malaayiin Doolar ah oo soo gashay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, la waayay meel ay ka baxday.

 

Xukuumada uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay tahay Xukuumadii u horeysay ee Soomaaliya oo ka hesha Caalamka gar gaar kala duwan, oo isugu jirtay deeqo mucaawino u badan daawooyin iyo kuwa kale.

 

Warar horu dhac ah oo ay heleyo Shabakada Jowhar.com ayaa sheegaya ilaa 7-xabo oo ah qalabka Caafimaadka la yiraahdo Intensive Care ee ah qalabka loo isticmaalo xaalada dega dega oo Dowladda KMG ay deeq ahaan ugu heshay dalka Ruushka, qaarkood la iibsaday.

 

Tuhuno la xiriira arrimahaas ayaa waxay muujinayaan inay ku lug leeyihiin Wasiirka Caafimaadka iyo Kuxigeenkiisa, iyadoo arrintan ay tahay mid ay ka war hayaan Xafiisyada Ra'iisul Wasaaraha, inkastoo aanay wax hadal ah ka soo saarin.

 

Qalabkan xaalada deg dega ayaa ah kii ugu horeeyay abid Soomaaliya loogu deeqo tan iyo 20-kii sano ee bur burka aheyd dalka, sidoo kale xilliyadaas ayaa waxaa adkeyd in howlaha lagula tacaalo qofka gala xaalada dega dega ama Koomada oo aan loo heli jirin wax xal ah, marka laga reebo in loola cararo dalalka dibada.

 

Sidoo kale qalabkan ayaa mid ka mid ah la sheegay in la siiyay Isbitaalka Banaadir, halka mid kale loogu yaboohay Maamulka Galmudug, kaasoo ilaa iyo hada la sheegayo inay qabyo tahay wareejintiisa, hase ahaatee arrinta muuqata ayaa ah in isbitaalka ugu mashquulka badan ee maalin walba qaabila dhaawacyada tira beelka noqday dagaalada Muqdisho ka soo gaara waxyeelada ee Madina Hosbital aan la siinin qalabkaas.

 

Qalabkan ayaa waxaa ku deeqday Dowladda Ruushka, iyadoo dalal Afrikaan ah laga iibiyay 5-ka mid ah qalabkaas Intensive Care, kaasoo laga bixiyay lacag gaareysa hal malyan iyo bar doolarka Mareykanka, sida ay Jowhar.com u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

 

Sidoo kale fadeexadaha iminka soo shaac baxaya ee ay lugaha la gashay wasaarada Caafimaadka ayaa waxaa ka mid ah Daawooyin loo waday Gobolka Gedo oo si cad u iibsadeen Mas'uuliyiinta Wasaaradaas, kuwaasoo dhowaan lagu arkay Suuqyada daawooyinka.

 

Dowladaha Qadar, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga ayaa dhowaan soo gaarsiiyay Dowladda Soomaaliya deeqo daawooyin ah, kaasoo loogu tala galay shacabka Soomaaliyed, hase ahaatee waxaa muuqaneysa in inta aan la gaarsiin shacabka ay iibsadeen Mas'uuliyiinta Wasaarada Caafimaadka.

 

Inkastoo Xukuumada Farmaajo horay ugu dhawaaqday inay ka hortagtay musuq maasuqa, ayaa hada waxaa si toos ah u soo shaac baxaya musuq maasuq baahsan oo ka socda qaar ka mid ah Wasaaradaheeda, iyadoo arrinta nasiib xumada ay tahay in qalabkii ugu muhiimsanaa ee Soomaaliya soo mara ay iibsadaan xubno ka tirsan Dowladda, oo aan haba yaraatee danta dalka iyo mida dadka aanay eegin.

 

http://www.jowhar.com/news.php?readmore=1395

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this