Sign in to follow this  
Liqaye

Faysal Cali Waraabe Xukuumada Somaliland fashil ayay qarka u saarantahay

Recommended Posts

Liqaye   

June 05, 2011 - QOL - Guddoomiyaha UCID waxa uu xukuumadda Siilaanyo ku dhalliilay inay u kala eexatay gobolada Somaliland , inkastoo uu ku ammaanay dawladu inay gaartay xuduudaha dalka iyo bedelladii lacagta gobollada bari "Gobolada dalku ma sina, Boorama iyo Sool waa laga soo qaylinayaa, waxa aanu leenahay waa in si cadaalad ah wax walba loo maamulaa oo ay xukuumadu xuduudaha dalka oo dhan gaartaa, taas ayaanu u aragnaa in ay horumar tahay. Waxaan soo dhaweynayaa in ay xukuumaddu lacagtii ka bedeshay gobolka Togdheer, waanan ku hambalyeynayaa ayuu yiri.Guddoomiye Faysal.

 

Guddoomiye Faysal waxa uu ka soo horjeestay furashada ururada siyaasadeed oo uu sheegay inuu u arko mid dhibaato keeni karta, "Waxa weeyaan inaynu ka tashano ururada la furayo, waad ogeydeen markii aanu ururada fureynay dhibaatadii naga qabsatay waa laga soo wada horjeeday oo shir-beeleed ayaa la doonayey, shir beeleedkaasina wadkii Somaliland ayuu noqon lahaa, maantana ururada waxaanu u aragnaa inay dhibaato keenayaan wayna ina furfurayaan oo jees jees ayey inaga dhigayaan oo cirka iyo dhulka ayaa la kala sheegan doonaa." Ayuu yiri

 

Mr. Waraabe waxa uu taageeray in xisbiyada hadda jira la xoojiyo oo laga wada qeybgalo,islamarkaana uu diyaar u yahay inuu kursiga u baneeyo cidkasta oo wax qabanaysa, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yiri, "Saddex xisbi ayaynu leenahay, anaga nooma afduubna xisbiyadu, laakiin xisbigu waxa uu u baahan yahay in tacab la gashado, in la dhiso oo lagu jiro oo laga shaqeeyo, laakiin baarashuud ayaan ku soo degayaa ma soconayso, markaa waxa aanu anagu u jeednaa axsaabta soo galla oo tacabka aanu galinay oo kale galiya, 19-sanadood ayaanu Somaliland geed kasta u seexanay, toban sanadood ayaanu xisbiga mooyaane aanan wax kale ka shaqayn." Ayuu yiri waxaanu intaa ku daray "Waxaanu ugu baaqaynaa ragga axsaabta doonaya ninkii leh aniga ayaa Madaxwayne wanaagsan noqonaya kaalay anaga ayaa ku dooraneyna oo kuu baneynaynee, laakiin khalkhal wadanka ha galinina, waxaanu shirka golaha dhexe keeni doonaa in aanu musharaxa xisbiga iyo musharaxa kala saarno, laakiin waxaanu leenahay kii wax isla hayow kaalay walaal oo imika soo gal xisbiga oo marka aad saddex bilood joogto ha cararine adkayso."

 

Guddoomiyaha UCID waxa uu meesha ka saaray inuu wax khilaaf ahi ka dhex taaganyahay xisbigiisa dhexdiisa, isagoo qiray inuu fikir ahaan soo jeediyay in la kala saaro Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga, isagoo ku hanjabay in ninkii wax isla hayaa uu goobta soo dhigo, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yiri, "Maalmihii ugu dambeeyay warbaahintu waxa ay qoraysay warar sheegaya in uu khilaaf ka dhex taagan yahay xisbiga UCID, waxa aan leeyahay ma jiro wax khilaaf ah oo dhex yaala xisbiga, waxa aan hore u soo jeediyay in la kala saaro guddoomiyaha iyo murashaxa, taasina fekerkayga ayey ahayd, way jiraan in uu hadal ka yimid, laakiin waxa aan leeyahay ninkii wax isla hayoow goobta soo dhig."

Share this post


Link to post
Share on other sites

inkastoo uu ku ammaanay dawladu inay gaartay xuduudaha dalka iyo bedelladii lacagta gobollada bari

Intaasi miyay ku dhaaftay xaaji ?? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Kan wadanka goormu ku soo laabtey? my cousin ayaa last week ii sheegaayey iney his mom ay derisyihiin Mr Waraabe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Gospel of St Faisal;

 

UDUB waa Faqäsh

Kulmiye waa Fashil

UCID waa Fashion

 

Bless him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Degel   

SL did not reach its claimed and fake 'borders' when recently PL Defense Forces and the local Higlada and Tukaraq population defeated the Soomaalidiid forces who were chasing the SSC Booga Booga group and, then tried to capture these victorious and heroic two resilient towns of Higlada and Tukaraq. As a matter fact, the Soomaalidiid aka SL forces ran away many of their dead militia men. The victory belongs to the PL Defense Forces and its people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this