Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland government on the latest skimirsh In tukaraq.

Recommended Posts

102dagaalo.jpg

 

Wasiirka Warfaafinta Oo Sheegay In Nabad-diidka Buhoodle iyo Mamuulka beleedka garowe Oo Isgarabsanaya Ay Weerar Ku Soo Qaadeen Ciidanka Qaran, Laguna Jabiyey Tukaraq

 

7-Ka Mid Ahaa Maleeshiyada Nabad-Diidka Ee Weerarka Soo Qaaday Oo Maydadkooda La Geeyey Garoowe, Gaadiid Tikniko Iyo Maxaabiis Laga Qabtay

 

Hargeysa, May 31, 2011 (Haatuf) – Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Axmed Cabdi Xaabsade, isla markaana ah Afhayeenka dawladda Somaliland ayaa ku eedeeyey maleeshiyada nabaddiida SSC iyo maamul beleedka garowe ay wada jir iskugu soo bahaysteen inay dagaalo ku soo qaadaan Somaliland, isagoo tilmaamayna in weerarkii shalay lagu soo qaaday ciidamada qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay jiida Gambadha ee deegaanada Sool oo ay soo qaadeen maleeshiyo ka tirsan Nabad-diidku markii ay ciidanka qaranku ay jabiyeen ay maleeshiyada Maamuuul beleedka garowe si rasmi ah dagaalka ula soo galeen.

 

Waxa kale oo wasiirka warfaafintu uu sheegay in ciidanka qaran aanay wax dhimasho ahi ka soo gaadhin. balse uu sheegay in saddex askari ay ka dhaawacmeen, isagoo intaa ku daray in maxaabiis aan tiradooda la cayimin laga qabtay maleeshiyaadka Nabad-diida.

 

Wasiir Xaabsade oo muddo ku dhaw laba todobaad socdaal ku joogay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo xalay khadka telefoonka Haatuf ugu waramay ayaa isaga oo ka hadlaya dagaalka shalay lagu soo qaaday ciidanka qaranka jiida Gambadha waxa uu yidhi “Waxoogaa yar oo ka tirsan kooxda SSC ayaa ciidanka qaranka weerar ku soo qaaday, maalmahana xabado ayay soo tuurtuurayeen, ciidanka qaranku markii ay iska caabiyeen, iskana difaaceen ayay Puntland dagaalka soo gashay, ciidankii qarankuna Gambadha ayay ku sugan yihiin, heegan culusna way ku jiraan”.

 

Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaasi raaciyey “Wada jir bay inoola dagaalamayeen, waana la iska celin doonaa, ciidamada qaranka Somaliland cid kasta oo soo weerarta dalka difaaciisa way ku filan yihiin, saddex askari ayaa ilaa hada inta aan hubo ciidanka ka dhaawacantay, maxaabiis ay ciidanka qaranku ka qabteena way jiraan”.

 

Dhinaca kale weerarkaasi Maleeshiyada Nabad-diida Buhoodle oo uu hogaaminayey nin lagu magacaabo Cali Sabaray ayaa la sheegay in abaaro 1:00 duhurnimo ay weerar ku soo qaadeen guutada todobaad ee ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay Gambadha, taas oo wargeyska Haatuf ay u qaxiijiyeen qaar ka mid ah Saraakiisha ciidankaasi eek u sugan jiidaasi in maleeshiyadaasi ay kaga qabsadeen laba gaadhi oo uu saaran yahay qoryaha noocoodu yahay B10 iyo Dhashiike, isla markaana ay ka soo qabteen maxaabiis ay tiradooda ku sheegeen 7 qof, iyadoo ilo wareedyadu ay intaasi ku darayaan in maydad tiradoodu gaadhayso lix qof iyo sided dhaawac ah oo ka tirsan maleeshiyada nabaddiidka oo dagaalkaasi lagu dilay loo daadgureeyey magaalada Garoowe ee maamul goboleedka ******teeniya, waxa kale oo warar aanu ka helay jiida Gambadha xalay ay noo sheegeen in ciidanka Qaranka oo xoojin badani ay u tagtay ay heegan culus u galeen difaaca ciidamo kale oo maamulka ******teeniyada iyo Nabad-diida oo ilaa xalay la soo dhoobay deegaanada u dhawdhaw Tukaraq iyadoo tibaaxuhuna ay intaa ku darayaan in maanta dagaal kale oo horlihi la fili karo inuu ku dhex maro jiida Tukaraq ciidanka Somaliland iyo kuwa maamul beleedka garowe oo ay la safan yihiin kuwa Nabad-diida.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Itoobiya oo dhex dhexaadin ka dhex wada maamulada Somaliland iyo Puntland

 

3_somalimirror-_old-Pictures-copy.jpg

 

 

 

Wargeysa Todobaadlaha ah ee ka soo baxa Magaalada Addis Ababa ayaa qoray warbixin dheer oo uu ka diyaariyay wada hadalo ay Dowlada Itoobiya ka dhex wado labada maamul ee Puntland iyo Somaliland oo muran dhanka xuduuda ah ka dhex taagan yahay wixii ka dambeeyay 15-10-2008.

 

 

Wargeysku waxa uu xusay in wada hadala ay yihiin kuwo la xidhiidha sidii xal looga gadhi lahaa khilaaf xaduudeedka u dhaxeeya labadaa maamul ,waxaana laguw adaa ayuu yidhi wargeysku in todobaadyada soo socda arintaas ay labada maamul ka wada hadlaan iyadoo dhex dhexaadin ahaan ay kulankooda goob joog uga noqon doonto Dowlada Itoobiya mas’uuliyiin matalaya.

 

 

Dhanka kale wargeyska Barajeder oo soo xiganaya qunsulka u fadhiya Itoobiya Somaliland oo lagu magacabao Berhanu Tesfaye ayaa sheegay in xukuumadoodu ay isku howleyso sidii xal looga gaadhi lahaa qadiyada ka dhex aloosan labada maamul sidoo alena ay u jeedisay labada dhinac hadalo talo ah oo la xidhiidha in ay yareeyaan khilaafka jira .

 

 

Berhanu Tesfaye waxa uuintaa raaciyay in labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ay iska qaateen in wada hadalkoodu ka dhoco magaalada Addis Ababa hadana uu jiro diyaar garow arintaa loogu sii gogol xaadhayo wuxuuna yidhi isaga oo arintaa ka hadlaya “ Itoobiya waxa ay jeceshahay xasiloonida Gobolka waxayna ka shaqeynasaa sidii labada dhinac ay xal uga gaadhi lahayeen khilaafkooda ayna isku soo hor fadhiistaan miiska wada hadalka halka wada hadalkaa lagu xalin lahaa xasrad iyo colaad hurin”

 

 

Waxa u sidoo kale yidhi “ Somaliland iyo Puntland waxa ay kalsooni weyn siiyaan dadaalka dhex dhexaadinta ee ay Dowlada Itoobiya ka dhex sameynayso taasina waxaa lagu tirinayaa in ay ka timid xidhiidhka dhow ee labada maamulba la wadaagaan Itoobiya”.

 

 

Khilaafka ka dhex taagan labada Maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa soo xoogeystay wixii ka dambeeyay 15-10-2008 xiligaa oo maamulka Somaliland uu gacanta ku dhigay caasimad goboleedka Sool ee Laascaanood iyo degmooyin kale oo isla Gobolkaa ka tirsan ,sidoo kale waxa ay xiisadaha caynkaas ah mar kale sare usoo kaceen khilaaf beeleedkii ka dhashay Deegaanka Kalshaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

OdeySomali lol why from your posts I have the feeling you are odeySomaliland lol, no hard feelings. Just an observation :)

 

And, amxaaro funds both pl and SL..and the ethiopians simply cant risk conflicts btw those two marka dhagta intay so qabato ayeey waxay xabashi rabto adacayaan! it is all politics lol..

 

Why else do you think PL turned their back on SSC?? even though they had history together...simply xabashi is playing the chess pieces and putting PL and SL where it wants when it wants..neither group really have a say in anything!

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiil iyo Ciidamo Ka Tirsan Dawlada Puntland oo La Geeyay Jiida Hore

 

 

 

Caalami.com

 

Waxaa barqanimada Maanta dhaqdhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa meelo hoosyimaada Ganbara & Tukaraq oo kawada tirsan gobolka Sool ee Puntland halkaas oo ay shalay ka dheceen dagaalo culus oo u dhexeeya ciidamo ka kala tirsan Puntland & Somaliland kuwaas oo xalay maqribkii isla tagay deegaanka Ganbara ee gobolka Sool oo ku dhow magaalada Laascaanood halkaas oo la geeyey ciidanka Somaliland oo markii hore qabsaday Tukaraq.

 

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan waxaa qeyb ka ah gurmadyo xoogleh oo ka yimid meelo kamid ah gobolada Puntland gaar ahaana tuka Sugurre oo katirsna Galgala halkaas oo ay ka yimaadeen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Puntland oo dhawaanahanba kusugnaa halkaas oo ay kula dagaalamayeen malayshiyaadka uu hogaamiyo Maxamed Siciid Atam oo Puntland ku eedaysay inuu xiriir la leeyahay Alshabaab & Somaliland.

 

Ciidankan ka yimid togga sugurre oo xalay saq dhexe ilaa saaka waaberigii ka gudbay tukaraq waxaa horkacayey Abaanduulaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland Gol.Goranyo Cowl waxaana kamid ahaa saraakiil caan ku ah jiidaha dagaalka & ka qeybgalka dagaalada guulaha dhaliya ee dhulka Puntland lagu difaacayo.

 

 

ciidamada-puntland-300x225.jpg

 

 

Sidoo kalena Somaliland ayaa saaka iyana aaga Gambare ka wada dhaqdhaqaaq xoogleh, Waxaana saaka xiran isku socodkii ganacsiga,Gaadiidka & dadka ee Somaliland & Puntland oo ahaa mid joogto ahaa, waxaana jira dad ku xaniban magaalada Laascaanood oo ay Somaliland ka hor istaagtay inay u gudbaan dhanka Puntland, waxaana saacad kasta dhici kara dagaalo & hujuumyo dhinacyada dhexmara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aaliyyah;725120 wrote:
OdeySomali lol why from your posts I have the feeling you are odeySomaliland lol, no hard feelings. Just an observation
:)

 

And, amxaaro funds both pl and SL..and the ethiopians simply cant risk conflicts btw those two marka dhagta intay so qabato ayeey waxay xabashi rabto adacayaan! it is all politics lol..

 

Why else do you think PL turned their back on SSC?? even though they had history together...simply xabashi is playing the chess pieces and putting PL and SL where it wants when it wants..neither group really have a say in anything!

 

salaam

I'm not so sure about everything that you have said. I would have thought they couldn't care whether they fight each other or not. Can you explain to me "the ethiopians simply cant risk conflicts btw those two".

 

As for Pland support for SSC. I think they are trying to play a clever game as I said before, or they are just tryna stay out of it possibly?

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Neither PL nor SL are free entity, everyone knows that, plus SL needs to talk to SSC not PL, as long as they are denying the rights of the people in SSC nothing uncle Zanawi says will make any difference.

 

Lol Aaliyah, I figured out odaySomali to be Oday somalilaland since the day he said people of LA are pro Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

lol, Talexi just want you to continue to be pretending to be neutral oday, Laakiin hadaan sax u xasuusato, maaha aniga iyo Aaliyah dadka ku gartay, war heedhe liisku waa dheer yahay, marka naga daa is yeelyeelka, you are not neutral person.

Share this post


Link to post
Share on other sites

bilan;725138 wrote:
since the day he said people of LA are pro Somaliland.

Nice to meet you too Bilan. Remind me when did I say that... I said that some might be (if I remember correctly, of which i'm positively confident) and I do think that that is the case. I'm not just going to say what you'd like to be the case/ me to say that 150% are against Somaliland and not even 0.0001% if for loool

 

It seems dhehaagu/dhegihiinu waxay u nugulyihiin waxaay jecelyihiin abaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

bilan;725145 wrote:
lol, Talexi just want you to continue to be pretending to be neutral oday, Laakiin hadaan sax u xasuusato, maaha aniga iyo Aaliyah dadka ku gartay, war heedhe liisku waa dheer yahay, marka naga daa is yeelyeelka, you are not neutral person.

loool the only issue is that for some people 'SSC at all times' = Neutral

 

I have refined my position to be pro peace for all Somali people. I am officially, though self-declared I may be, though mucaarid I may have, neutral. I will leave the rest to argue for against their 'camps' :)

 

Your interpretation of 'neutral' may differ to mine though, that's the only catch.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

OdaySomali. You said "I have refined my position to be pro peace for all Somali people" your means of realizing that holistic endeavor are based on unjust reasoning and arguments and thus, will NEVER come to fruition. Tolow, ma dhegaha Bilan uun baa u nugul inay maqlaan waxay jecelyihiin mise arrintaasi waa universal phenomena.

 

Midda kale kaftanka, haasaawaha hanaanka wanaagsan ee aad hablaha isla celcelisaan waxba kama qabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

TBH, for you to fully understand the sentence you have quoted, you need to read my earlier posts, particularly the one's in which I explained my viewpoint and I reffered to my previous views before I 'refined' those views. Make of it what you will.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this