Sign in to follow this  
Saalax

Malaysia oo Passporka Somaliland lagu soo gali karo iyo xuskii 18Mey

Recommended Posts

Saalax   

Malaysia oo Passporka Somaliland lagu soo gali karo iyo xuskii 18Mey

 

 

ymr0ouv9ye0sn6u9e09.jpg

 

 

MONDAY, 30 MAY 2011

Waxaa habeenimadii xalay ahayd oo taariikhdu ahayd 28 May lagu qabtay xaflad aad u qurux badan oo si

fiican loo soo agaasimay caasimada Malaysia ee Kuala lumpur, xafladan oo ay soo agaasimeeen guddi ka kooban ardayda Somaliland ee wax ka barata wadanka Malaysia, waxaa ka soo qayb galay dad gaadhaya illaa 350 qof, oo isugu jira ardayda iyo jaaliyadda Somaliland ee degan wadankan Malaysia.

 

 

Munaasibadn oo ku saabsanayd sannad guurad 20aad ee gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qabsoontay xalay oo taariikhdu ahayd 28 May 2011.

 

 

 

 

Barnaamijka xadladda oo ahaa mid si fiican loo soo diyaariyey ayaa waxaa kale oo ka soo qayb galay wakiiladda xafiiska Somaliland ee Kuala lumpur Miss.Azrina iyo Mr.Aliskandar.waxaana lagu qabtay HOTEL CORUS.

 

 

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay oo furay xafladda gudoomiyaha guddida qaban qaabada ee xafladda Mudane Abdinasir Saciid Sulub, waxaanu ugu horayn u mahad naqay dhamaan dadkii ka soo qaby galay munaasibadda, isagoo isla mar ahaantana sheegay in warbixin ay soo saartay wasaaradda waxbarashada sare ee Malaysia lagu sheegay in dadka Somalida ahi yihiin wadanka 11aad ee ugu arday badan ardayda shisheeyaha ah ee wax ka barata wadanka Malaysia.

 

 

8bspy6rympdk6h7kzqqa.jpg

 

Waxaa kale oo munaasibada ka hadlay Mr.Abdifatah Jama oo ka sheekeyey taariikhdii Somaliland mudadii u dhaxaysay 1884 – 2011 dii.

 

 

Waxaa kale oo dadkii hadlay ka mid ahaa gabadh Malaysian ah oo ka shaqaysa xafiiska Somaliland ee Kuala lumpur oo la yidhaahdo Azrina, waxayna Azrina ugu bushaaraysay dadkii madasha fadhiyey in dadka reer Somaliland ay ku soo gali karaan passportka Somaliland.

 

 

Si aad ahna way ugu boorisay in dadku soo qaataan passporka Somaliland oo ay iska daayaan passportkii hore ee Somalia.

 

 

Dadweynihii ka soo qayb galay xafladda ayaa si aad ah ula dhacay markay maqleen in dalka Malaysia lagu soo gali karo passportka Somaliland.

 

 

Barnaamijka xafladda oo aad u dheeraa ayaa ugu danbayntii waxaa halkaas uu gudoomiyaha guddida qaban qaabada xafladu uu shahaado sharaf ku guddoonsiiyey shaqaalaha xafiiska Somaliland ee Malaysia, isagoo uga mahad naqay sida fiican ee ay u taageeran dadka reer Somaliland.

 

 

Waxaa kale oo gudoomiye Mr.Abdinasir Saciid uu shahaado sharaf guddoonsiiyey shirkadda xawaalada Dahab Shiil, oo ugu mahad naqay doorkii lama ilaawaanka ahaa ee ay ka qaateen qabsoomidda xafladan.

 

 

Ugu danbayntiina Xafladdan ayaa ahayd tii ugu qaalisanayd ee ummada Somaliland ee ku dhaqan Malaysia ay ku xusaan dabaal dega sannad guurada 18 May oo sannad walba lagu qabto wadanka Malaysia.

 

 

http://www.togdheernews.com//index.php?option=com_content&task=view&id=8457&Itemid=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

somali-passport.jpg

 

 

waakanaa Xaaji Xunjuf mar uu malaysia tagayey, and this is what he had to say

"Accurate,Accessible,Responsible and Authentic"

REPUBLIC OF SOMALIA, Masha Allah!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this