Sign in to follow this  
OdaySomali

Conflict breaks out in Gambadhe, east of las cano

Recommended Posts

Saalax   

I remember last time the SSC group attacked Gambadhe with some Puntland troops laakinse wa la jabiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Maleeshiyada SSC-da Oo Weerar Ku Soo Qaaday Tuulada Gambadha Ee Gobolka Sool Iyo Khasaaraha Ka Dhashay + U Diyaargarowga Dagaal Xoog Leh Oo Qarxa Saacadaha Soo Socda.

 

 

 

 

 

Gambadha(Ramaas) May27, 2011 - Wararka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in dhawr qof ay ku dhinteen tiro kalena ay soo gaadheen dhawaacyo, kadib markii kooxda falaagada ah ee SSC-da habeen badhkii xalay ay weerar xoog leh ku soo qaadeen tuulada Gambadha oo illaa 35 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan Magaalada Laascaanood. Waxaana halkaa ka dhacay dagaal ba’an oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kooxda weerarka soo qaaday.

 

Ciidamada falaagada ee soo weeraray Tuulada, waxa hogaaminayay Col Cabdilaahi Sabaray oo ah sarkaal sare oo ka tirsan SSC-da, kaas oo dagaalka ka soo abaabulay jiida deegaanka Tukaraq oo ah meel ay saldhigyo jabhadu ku leedahay, iyada oo la sheegay in ciidamadaasi ay ku hubaysnaayeen noocyada kala duwan ee hubka, kuwaas oo u badnaa dhalinyaro laga soo u uruuriyay beelaha deegaankaaas. Waxa wararku sheegayaan in dadkii dagaalka ku dhawaacmay ee labada dhinac dhamaantood la geeyay cisbitaalka guud ee Magaalada Laascaanood oo lagu daaweynayo.

 

Ciidanka maleeshiyada SSC-da oo gudaha usoo galay Tuulada Gambadha ayaa cabsi ku abuuray dadka rayidka ah, iyaga oo dadka looga shakiyay in ay gacansiinayeen ciidamada Somaliland si gaar u waraysteen, ma jirto wax khasaare ah oo illaa hadda la sheegay oo soo gaadhay dadka degan tuulada.

 

Dhanka kale, waxa isoo taraya walaaca laga qabo dagaal ka qarxa marka kale jiidaas, iyada oo ay ciidamada Somaliland ay isu diyaarinayaan sidii ay u qaadi lahaan weerar ballaadhan oo ay falaagada kaga saarayaan guud ahaan dhulka ay haystaan oo noqday meelaha ay iska soo abaabulaan marka ay soo qaadayaan weerarada gaadmada ah.

 

 

 

 

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this