Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland delegation Visits Kenya's capital Nairobi.

Recommended Posts

Wefti Ka Socda Somaliland Oo U Kicitimay Kenya Iyo Kulan Ay Golaha Ammaanka Kula Yeelanayaan

May 24th, 2011

 

Hargeysa(Somaliland.Org)-Wefti balaadhan oo ka socda xukuumadda Somaliland iyo Golaha Wakiilada oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa saaka u kicitimay dalka Kenya oo ay sheegeen inay fadhi gaar ah la yeelan doonaan Guddi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa.

Weftigaasi waxa kale oo xubno ka ahaa Wasiirka Gaashaan-dhiga Md. Axmed X. Cali Cadami, Wasiirka Macdanta iyo biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac iyo Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Wakiilada Md. Xuseen Maxamed Cigge.

 

Wasiirka Arrimaha dibada oo ka hor intii aanu dalka ka dhoofin saxaafada ugu waramayay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ayaa tafaasiil ka bixiyay shirkaasi, waxaanu yidhi “Weftigan balaadhan ee ka socda xukuumadda iyo baarlamaanka waxaanu u baxaynaa dalka Kenya caasimadiisa Nairobi, halkaasi oo aanu kaga qeyb galayno shir ay qaban qaabisay Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay Somaliland-na lagu soo casuumay. Waxaana Somaliland shirkaasi loogu casuumay si toos ah waana fadhi khaas u ah Golaha Ammaanka iyo Somaliland. Way jiraan shirar kale oo Golaha Ammaanku la yeelanayo Soomaaliya.”

 

Wasiirka oo ka hadlayay waxa fadhigan ay la yeelanayaan guddi ka socda qaramada midoobay lagaga hadlayo waxaanu yidhi “Fadhigan waxaanu kaga hadli doonaa qadiyada Somaliland, waxaanu uga warami doonaa inay Somaliland tahay dal nabadgelyo ah oo dimuqraadi ah oo xoriyadiisu madax banaanidiisu taam tahay oo ah dal adduunka ka doonaya inuu ka helo ictiraaf iyo aqoonsi buuxa. Golaha ammaankuna waa Ha’yada ugu sareysa ha’yadaha dunida ka jira ee caalamku wada leeyahay. Shirkani wuxuu inoo yahay sharaf waayo waa markii u horaysay ee tan iyo intii ay Somaliland jirtay ay xukuumadda Somaliland ay si toos ah oo fool ka fool ah ula fadhiisato jimciyada quruumaha ka dhaxaysa Golaheeda ammaanka oo ay u gudbiso qadiyada, dareenka iyo himilada shacabka reer Somaliland.”

 

“Anagoo tix gelinayna muhiimad ay leedahay fursadaasi waxay Somaliland ku faraxsan tahay inay ka qeyb gasho fadhigaasi gaarka u ah Somaliland iyo Golaha ammaanka,”ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Maxamed Cumar.

 

Wasiirka oo la weydiiyay waxa ka soo baxay dhoolatuskii shacbiga Somaliland ku muujiyeen sanad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “farriintaasi farriin adag ayay ahayd, jawaabo arrintaasi ku saabsana way soo gaadheen xukuumadda Somaliland.waxaanu aaminsan nahay in dawlado faro badani ay dhawaan aqoonsan doonaan Somaliland.

 

Waxaynu ka war haynaa in maalin dhawayd Wasiir Ku Xigeenka dawlada Kenya uu ka hadlay aqoonsiga Somaliland, dawlado kale oo iyaguna ka hadli doonaana way jiraan.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Leezu   

its that guy who always tried to interrupt a guy on a video where they talk about why somaliland and always said the same things lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Somaliland Oo Ka Qaybgashay Kulanka Madaxda Soomaalida Loogu Qabtey Maanta Nairobi...

May 25,2011

by London-Gedo-News

 

Kulanka maanta lagu qabanayo magaalad Nayroobi ee dalka kiiniya waxaa Maamulka Somaliland uga qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada somalaildn,waxaana weftigan maanta ka qayb galayaan kulanka lagu wado inuu maanta furmo.

 

Weftigan waxaa hogaaminaya Dr Maxamed Cabdulaahi Cumar oo ah wasiirka arrimaha dibedda soomaliland,Axmed Xaaji Cali Cadami oo ah wasiirka gashaandhiga somaliland,Xuseen Cabdi Ducaale oo ah wasiirka Macdanta iyo biyaha, Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo ah Wasiirka shaqada & shaqalaha & Xubno badan oo ka tirsan Guddiga arrimaha dibedda & iskaashiga calamiga ah.

 

Wasiirka arrimaha dibedda somaliland oo ka hadlay kulankaasi ka qayb galkiisa ayaa sheegey inay uga qayb galayaan inay kulankaasi kaga hadlaan qadiyada somalialnd,waxana auu sheegey inaan kulankaasi aysan uga qayb galay inay ka mid yihiin somaliland,waxaana uu sheegey inay muujinayaan in somaliland tahay dal hor ah oo soomaaliya ka go,ay.

 

Si kastey ahaataba safarkan ay u tageen Wasiirada intaasi leeg ee ka socda somaliland waxay noqoneysaa kulankii ugu horeyey ee Somaliland kaga qayb gasho meel soomaali laysugu keenayo,waxaana arrintaasi tahay mid ay si weyn u hadal hayaann shacabka somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Hargeysa.

 

Keynaan Xirsi Xaashi

 

London,South hall, UK.

 

Gedonet.com@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ Psss

 

Wafdi heer wasiiro ah oo ka socda Somaliland islamarkaana uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada Somaliland Max’ed Cabdullaahi Cumar ayaa gaaray Nairobi iyadoo ay kala hadli doonaan masuuliyiinta qaramada Midoobay sidii aqoonsi loogu fidin lahaa Somaliland.

 

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Max’ed Cabdullaahi Cumar oo Idaacada BBC-da la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in shirka dhexmaraya Somaliland iyo QM uu ka madaxbanaanyahay shirka Masuuliyiinta Somalida ay ka qeyb galayaan, isagoo carabka ku dhuftay in ay waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay kala hadlayaan ay tahay madaxbanaanida Somaliland.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

NALA SOO XARIIR

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Wasaarada Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa saaka u kicitimay dalka Kenya oo ay sheegeen inay fadhi gaar ah la yeelan doonaan Guddi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa.

I like this.. Shir khaas ah..

 

waxaanu yidhi “Weftigan balaadhan ee ka socda xukuumadda iyo baarlamaanka waxaanu u baxaynaa dalka Kenya caasimadiisa Nairobi, halkaasi oo aanu kaga qeyb galayno shir ay qaban qaabisay Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay Somaliland-na lagu soo casuumay. Waxaana Somaliland shirkaasi loogu casuumay si toos ah waana fadhi khaas u ah Golaha Ammaanka iyo Somaliland.
Way jiraan shirar kale oo Golaha Ammaanku la yeelanayo Soomaaliya.

 

I even like more the bold part.. XX and the co buy these kind of bull waste.. Shir khaas ah somaliland & golaha amaanka..

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^^ Were you expecting him to say shir somali oo dhan baan ka qayb galaynaa. I am waiting the pics of that dude sitting right next other somali reps.. Then I am sure someone else will say ooh it's a photoshop.. Sweet!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   
:):) LoooL ma sidhaas ba ayoub :) Hope that when a picture is taken with the Somali delegation you become an expert in photo-shopping like JB et.al :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ With the "having our cake and eating some of yours" game played, it won't be long before the likes Sh Sharif start admitting SL is not part of Somalia.:)

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

AYOUB;723205 wrote:
^ With the "having our cake and eating some of yours" game played, it won't be long before the likes Sh Sharif start admitting SL is not part of Somalia.
:)

Nice try!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

AYOUB;723205 wrote:
^ With the "having our cake and eating some of yours" game played, it won't be long before the likes Sh Sharif start admitting SL is not part of Somalia.
:)

After your Health minister was part of the TFG's delegation to the 64th W.H.O assembly or part of the two track policy with Puntland or this meeting in Kenya?

 

I think under Siilaanyo, NW Somalia's government is speaking with actions on how close they are with the TFG.

 

Unionists are definitely optimistic that the secessionists cause is shifting!

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Nariobi, Kenya (HOL) - A high profile meeting organized by the United Nations opened on Wednesday in Kenya’s Capital Nairobi where Somalia’s key political players are attending, including officials of the Transitional Federal Government of Somalia (TFG)

 

The UN Security Council members are key mediators in the meeting in which the international community will address the deteriorating security situation of Somalia. Communication from UN envoy for Somalia Ambassador Augustine Mahiga however gave out sketchy details about the agendas of the ongoing gathering.

 

However, the UN envoy said much of the council’s meeting will focus on the security of the country and how to move forward with the pacification of the failed Horn of African nation where renewed fighting between TFG and AMISOM on one side and Al-Shabaab fighters on the other have worsened the endless conflict.

"It is the first time for the entire membership of the UN security council to meet in Nairobi in order to address the situation in Somalia” said Ambassador Mahiga briefly.

 

The president of Somalia Sheikh Sharif, the Prime Minister Mohamed Abdilahi, the speaker of the parliament Sharif Hassan, the president of breakaway regions of Punt land and Galmudug are attending the submit.

 

Sources also indicated that a delegation of Somaliland’s foreign ministry is present at the UN Nairobi submit.

A section of Somalia’s civil society organizations are also expected to attend the forum where the international community is seemingly exerting a strong pressure for interest groups to take the necessary role for peace and stability to prevail in Somalia.

 

Reliable sources revealed that members of the UN Security Council will use the platform to address the longstanding disagreement between the president and the speaker of Somalia who were engaged in a political stalemate over the past few months.

 

In April the United Nations Political Office for Somalia (UNPOS) held another high profile meeting that was attended by the speaker of Somalia as well as representatives from Punt land and Galmudug regions. The previous meeting was also attended by the European Union, IGAD, AU and delegates from the Arab league.

An UNPOS statement following the April meeting said the meeting produced an excellent result and inaugurated a process of continued consultations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

NGONGE and co will always find a way to spin but this combined with Siilaanyo's trip to Kuwait represents a welcome shift from secessionist's part.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefti ka Socda Somaliland oo Maanta Nairobi Kulan Gaar ah Kula Yeelanaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Wed 25th May,2011

Wararka

Xubnaha UN-ta ka socda oo ay ka mid yihiin safiiradda dalalka Maraykanka, Ruushka iyo Faransiiska u fadhiya Golaha Ammaanka waxay dhegaysan doonaan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, xasilloonida iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka hanaqaaday dalka

 

Hargeysa (Jam)- Wefti ka socda dawladda Somaliland, ayaa Arbacada maanta markii u horreysay magaalada Nairobi ee waddanka Kenya kulan gaar ah kula yeelanaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo weftigu kulankaasi ku soo bandhigi doonaan xasilloonida, hannaanka dimuqraadiyeed ee ka hanno qaaday Somaliland iyo sida bulshaddu ugu baahan tahay aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho beesha caalamka.

 

 

Weftiga ka socda Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee kulanka la yeelanaya dawladda Somaliland oo uu hoggaaminayo safiirka Faransiiska u fadhiya Golaha Ammaanka Ambassador Gerard Araud, isla markaana ay xubno ka yihiin safiirada Maraykanka iyo Ruushka u fadhiya Golaha Ammaanka Mrs Susana Rice iyo Vitaly Churkin, ayaa Arbacada maanta imanaya magaalada Nairobi, halkaas oo ay kula kulmi doonaan weftiga Somaliland ee uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, kuwaasoo shalay ka dhoofay madaarka Egal International Airport ee caasimadda Hargeysa. Waxa kale oo weftiga ka socda Golaha Ammaanku kulamo kale la yeelan doonaan masuuliyiin ka kala socda dawladda Sheekh Shariif iyo maamul-goboleedka Soomaaliys ee Puntland iyo Galmudug.

 

 

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Gaashaandhigga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, Macdanta iyo Biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac iyo Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Md. Xuseen Maxamed Cige, waxayna 48 saacadood ee soo socda Nairobi kulan kula yeelan doonaan weftiga ka socda Golaha Ammaanka ee uu hoggaaminayo safiirka Golaha Ammaanka u fadhiya waddanka Faransiiska oo ka mid ah shanta wadan ee awooda diidmada qaxayan ku leh Qaramada Midoobay

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hor intii aannu dalka ka dhoofin saxaafadda kula hadlay madaarka Hargeysa shalay, ayaa caddeeyey inay kulan gaar ah Nairobi kula yeelan doonaan wefti ka socda Golaha Ammaanka oo casuumad rasmi ah u soo diray dawladda Somaliland.

 

 

“Weftigan ballaadhan ee ka socda xukuumadda iyo Golaha Wakiillada waxaanu u baxaynaa dalka Kenya caasimaddiisa Nairobi, halkaas oo aannu kaga qeybgalayno shir uu qabanqaabiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Somaliland lagu soo casuumay, waxana Somaliland shirkaas loogu casuumay si toos ah, waana fadhi khaas u ah Golaha Ammaanka iyo Somaliland. Way jiraan shirar kaloo Golaha Ammaanku la yeelanayo Soomaaliya.

 

 

Kulanka aannu sida gaarka ah ula yeelanayno Golaha Ammaanka waxaannu kaga hadli doonaa qadiyada Somaliland, waxaannu uga warrami doonaa inay Somaliland tahay dal nabadgelyo ah oo dimuqraadi ah oo xorriyaddiisa iyo madaxbannaanidiisu taam tahay, waxaanuna uga warrami doonaa in ummadda reer Somaliland adduunka ka doonayaan inay aqoonsi rasmi ah ka helaan. Golaha Ammaanku waa hay’adda ugu sarreysa hay’adaha dunida ka jira ee caalamku wada leeyahay. Kulankan aannu la yeelanayo Golaha Ammaanku waxa uu inoo yahay sharaf, waayo waa markii u horraysay ee tan iyo intii Somaliland jirtay ee xukuumadda Somaliland si toos ah oo fool-ka-fool ah ula fadhiisato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay u gudbiso qaddiyadda, dareenka iyo himilada shacabka reer Somaliland,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

 

 

Weftiga ka socda Golaha Ammaanku waxay Jimcihii toddobaadkan soo mareen dalalka Itoobiya oo ay kulan kula yeesheen Ra’iisal-wasaare Meles Zanawi iyo Golaha Midowga Afrika u qaabilsan nabadda iyo ammaanka. Waxa kaloo ay safarro kala duwan ku soo mareen waddanka Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, iyaga oo masuuliyiinta kala duwan ee ay kulamada la yeesheen kala hadlay sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatooyinka iyo xasilooni darrada ka jirta meelo badan oo ka mid mandaqadda Geeska Afrika.

 

 

Weftiga ka socda Golaha Ammaanka oo tobankii sanno ee u dambeeyey sannadkiiba mar kormeerro ku soo mara dalal ku yaal qaaradda Afrika si ay qiimayn ugu sameeyaan xaaladda ammaan iyo xasillooni-darro ee ka jirta meelo badan oo ka mid ah Afrika, ayaa sanandkan waxay xoogga saarayaan dhibaatooyinka ka jira mandaqadda Geeska iyo bariga Afrika, dhibaatooyinkaas oo ay ugu waaweyn yihiin xaaladaha ka taagan Soomaaliya, Suudaan iyo muranadda ka dhex aloosan Itoobiya iyo Eratariya. Waxa kale oo weftiga ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay markii u horraysay dhegaysan doonaan qadiyadda goonni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Maalinta Khamiista ee taariikhdu tahay 26 May 2011, ayaa la filayaa in weftiga ka socda Qaramada Midoobay ku noqdaan magaalada New York ee dalka Maraykanka, iyagoo warbixinta kulamadoodana hordhigi doona Golaha Ammaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this