Sign in to follow this  
Bashiir

Labada Shariif oo Heshiiyey.

Recommended Posts

Bashiir   

somali%20flag.gif

 

Villa Somalo: (Afdheer) Shir aan hore loo qorsheyn oo kedis ah ayey xarunta madaxtooyada ku yeesheen madaxweynaha dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Af-hayeenka baarlamaanka dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Aden.

 

Shirkan oo ay kali ku ahaayeen labada shariif ayaa la sheegay inuu dhaxmaray mudo saacado ah, wuxuuna noqonayaa kulankii ugu muhiimsanaa ee ay labadan Shariif yeeshaan tan iyo intii klhilaafku soo kala dhax galay.

 

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in af-hayeenka baarlamaanku talo ku celin doono saaxiibadiis si ay u ogolaadaan codsiga golaha wasiiradda ama xukuumadda ee ah in muddo hal (1) sanno ah loo kordhiyo waqtiga xukuumadda iyo fikirka labada guruub ee kala taageersan loogu baaqqo wadashaqeyn.

 

Labada Shariif ayaa si wadajir ah uga qeybgali doona shir ay qabaneyso Qaramada Midoobay kana dhacaya xarunta dalka Kenya ee Nayroobi maalmaha soo socda shgirkaas oo laga wada hadlayo mustaqbalka dalka Soomaaliya iyo khilaafka dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

May 21, 2011 Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay kulamo isdaba joog ah ay qaadanayaanyeen madaxwaynaha dowlada kms iyo gudoomiyaha baarlamaanka Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Shariif Xasan Sh Aadan ayaa guud ahaan kulamadiisi aysan ka soo bixin wax natiijo ah kadib markii laysku afgaran waayay waxyaabihi ay ka wadahadlayeen.

 

Madaxwaynaha Dowlada KMG Somalia Sheekh Shariif ayaa soo jiidiyay afkaaro ay kamid ahaayeen in dib loo dhigo doorashada Madaxtinimo ee Wadanka qodobka ugu weynaa ee labada dhinac ay isku marieaayeen ayaa kaas ahaa.

 

Halka Gudoomiyaha Baarlamaanku uu soo jiidiyay in ay muqadas tahay in ay dhacdo doorashada oo aan meelna looga laaban karin balse wixii kale laga wada hadli karo taasi oo u cuntamiwayday Madaxwaynaha, kulankii ugu dambeeyay ayayna maanta wadaqaateen Madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka

 

Waxaana ugu dambayntii ay ku soo kala tageen natiijo la,aan labada Mas'uul ee ugu sarayso Dowlada KMS, maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa jiray ilaa 3 kulan oo ay wadaqaateen Madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka kaas oo ay uga wada hadlayeen khilaaf xoogan ee u dhaxeeya lamana oga halka uu ku dambayn doono khilaafka labada dhinac u dhexeeya.

 

Qorahay Online

qorahay99@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Laba shariif way isku soo dhawaadeen laakiin doorashada ayaa la isku mari la'yahay....,,, gudi dhex gasha oo isu keenta labadan masuul ayaa lo baahanyahay si heshiiskoodu u midho dhaliyo..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Si kale hadaan u dhigo, dhan baad u badantahay meel dhexe makaad istaagto ayaan mid iyo laba ku odhan, intaas ka hor isha ku hay mawduucan iyo ka doorashada ku saabsan..

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

oba hiloowlow;722187 wrote:
^^ haa waa fikirkeyga balse xili colaaded ayaa lagu jiraa in xilal iyo lagu mashquulo maha

For your information, Somalia was a war zone in the last twenty years including when Shariifka has been elected as a president. Not sure, what is different this time. The rule of law has to be followed and the elections are to be held otherwise every president will use their own excuse to stay in the office longer than they are supposed to be.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this