Sign in to follow this  
djibsomali

18th May Borama awdal (big fat 0) ...

Recommended Posts

Ciidanaka Somaliland oo Tacshiirad Isdabajooga Sii Daayay, Dad Badanna Dhaawacay Ka Dib Markii Xuskii 18-ka May ee Boorama Isku Bedelay Munaasabad Lagu Taageerayo Gooni Isku Taaga Maamul Goboleedka Awdal Awdal Sate.

Boorama (Harowo) - Askarta ciidanka Somaliland, ayaa tacshiirad aan loo aabo yeelin ku furay dadkii ka soo qayb galay xukii 18-ka May ee ka dhacay magaalada Boorama, ka dib markii 80% dadkii madasha xuska ku sugnaa ay isku bedeleen dad taageersan gooni isku taaga maamul goboleedka Awdal State. Wararka la xidhiidha Mudaharaadkan ayaa sheegaya in dad aan tiradooda wali la xaqiijin ku dhaawacmeen rasaasta ay ciidanka Somaliland ridayeen.

 

Sida ay noo sheegeen dad goob joog ka ahaa khayriyada Boorama, waxa bilowgiiba lagu daadiyay goobta ay xafladu ka dhacayso waraaqo digniin ah oo ay ku qornaayeen ”inay ceeb tahay in la xuso maalinta SNM-ta”. Sida wararku sheegayaan daka khayriyada joogay ayaa waraaqihii gurtay, wayna akhristeen, ka dina cadceeda ayay iska digeen.

 

Dadkan oo sida la sheegay u badnaa dhalin yar, arday iyo qaybo ka mid ah bulshada Boorama ayaa dhamaantood hoosta ku sitay, kuna qarsanayay calanka Awdal State. 15 daqiiqo ka dib furitaankii xaflada ayaa waxa soo maray madasha xuska dhalinyaro dhinacna ku sitay calanka somaliland, dhinacna calanka Awdal State, taasi oo sida la sheegay ahayd baaq la isla ogaa oo astaan u ahaa biloga mudaharadka.

 

Wax yar ka dib ayaa sida wararku sheegayaan waxa qof walbaa oo khayriyada joogay la soo baxay calankii uu hoosta ku watay ee Awdal State, ka dina waxa bilaamay buuq iyo qaylo, waxaana meesha ka baxay, lafahoodana u baxasaday madaxdii meesha joogtay.

 

Markii ay madaxdii iyo dadkii waayeelka ahaa meesdha ay ka baxeen, ayaa sida wararku sheegayaan waxay dadkii mudaharaadayay dhulka soo dhigeen calamadii Somaliland ee meel walba sudhnaa, waxaanay ku bedeleen calanka Awdal State.

 

Qaban qaaba xuska 18-ka May ee sanadkan ee magaalada Boorama, ayaa aad uga gedisnayd kuwii hore uga dhici jiray gobolka Awdal, iyada oo la kowsatay ku dhawaaqista maamul goboleedka Awdal State. Dareenka iyo cadada reer awdal/Salel ayaa waxa sii kiciyay habdhaqanka xukuumada Siilaanyo, taasi oo si gaar ah cadaawad ugu muujisay shacabka reer Awdal/salel.

 

Si Kastaba ha ahaate, mudahaaradkan iyo Awdal state-da ka hoos shanqadhaysa iyo googoynta calanka Somaliland, ayaa sida la filayo inay kor u sii kicinisay xaraarada siyaasada ee Awdal/Slalel iyo Ismaandhaafka xukuumada Silaanyo.

 

La soo wixii wara ah ee soo kordha.

 

Harowo.com, Boorama

 

http://harowo.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites

~~~~ horaa loo yiri,,,, wiilkayoow sidaan kuugu lisay maadan iigu hambeyn.

la yaab malahan in eey degmada awdal go'do, waayo somalilandbo wexeey damceen ineey somaliweyn ka goaan.

 

history repeats itself. meeshi somaliweyn shale loo istaagay, ayaa ayagana maanta loo taaganyahay. ;);)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this