Sign in to follow this  
oba hiloowlow

War-Deg deg ah: Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo geeriyooday

Recommended Posts

Somalina   

Guddi qaabilsan qabanqaabada aaska Imaam Maxamuud oo la magacaabay

 

 

Kulan looga hadlaayay sidii aas ballaaran loogu sameyn lahaa Allaha u naxariistee Imaaam Maxamuud Imaam Cumar oo ku geeeriyooday dalka Kenya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Kulankaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu magacaabay guddi u xilsaaran qabanqaabada aaska Allaha u naxariistee Imaam Maxamuud Imaam Cumar, sida uu Radio Muqdisho u sheegay Xildhibaan Sh. Axmed C/llaahi Garuun.

 

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in maalinta Axada Meydka imaamka lagu aasi doono dhul gaar ah oo ku yaala magaalada Muqdisho, wuxuuna intaa ku daray in guddigaasi uu la kulmidoono R/wasaaraha, iyadoo xukuumaddu ay gacan weyn ka geysan doonto aaska Allaha u naxariistee Imaam Maxamuud Imaam Cumar Cumar.

 

Imaam Maxamuud oo ahaa Imaamka qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday magaalada Nairoobi ee dalka Kenya, waxaana lagu wadaa in maalinta Axada lagu aaso magaalada Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nina runtii fursad waligey uma helin aan ku barto Imaamka balse aabahey ayaa waligiis ka sheekeyn jiray, wuxuuna yiri inuu imaam Maxamud AUN uu ahaa hogaamiye diintiisa,dadkiisa iyo dhaqankiisa aad uu jeclaa, sidoo kale wuxuu ii sheegay in Imaam Maxamud dadka ku dhiiragelin jiray dadka iney diinta sii fiican uu bartaan oo mission uu aadaan dalalka oo diintu islaamka uusan so gaarin.. Marka Imaamka saan maqlay wuxuu ahaa Hogaamiye fiican ee soomaliyeed waana sow Xaajiga yiri oo ah in somalia o dhan imaamku ka baxay, marka inshallah imaamka ilaahey ha uu naxariisto qabrigiisana haa uu waasiciyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inaa Lilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun Kulin Nafsin Daa Iqatil Moodd.

 

إناللةوإناإليةراجعون

 

Boqor C/laahi boqor muuse ayaa tacsi tiiranye leh u diraya shacabka somaliyeed gaar ahaan beesha ....... geeridii ku timid Imamka beelaha ............ Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ku geeriyooday magaalada Nairobi maalinti shalay oo taariikhdu ku beegneyd 13.05.2011.

 

Boqor C/laahi Boqor Muuse oo ku hadlaya magaca dhaqanka beesha ******* ayaa uga tacsiyeynaya geeridaas guud ahaan umadda soomaaliyeed iyo gaar ahaan qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Imaam Maxamuud Imaam Cumar.

 

Sidoo kale Boqor C/laahi ayaa Eebbe ugu baryay Imaamka inuu kitaabkisa midigta kasiiyo, uuna ka waraabiyo janatul fardowsa. AAMIIN!

 

Imaam cumar ayaa ahaa odayaasha dhaqanka ugu caansan ee gobolada koonfureed ee Soomaaliya, Imaamka ayaa kaalin weyn ka qaatay isku dayadii dib u heshiisnta xaaladdaha murugsan ee dalka Soomaaliya.

 

 

إناللةوإناإليةراجعون

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

May Allah SWT grant the Imaam Jannahtul firdawsa.

aaska-meydka_imaamka_5.jpg

aaska-meydka_imaamka_9.jpg

aaska-meydka_imaamka_10.jpg

janaso.jpg

 

Muqdisho: (S. M. N) Allah Unaxariistee Imaam Max’uud Imaam Cumar oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa maanta waxaa Meydkiisa laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa dowladda KMG Soomaaliya.

 

Salaadii Janaasada ayaa Marxuumka waxaa lagula dukaday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport, iyadoo Janaasadaasi uu Tujiyay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaan sidoo kale kasoo qeyb galay gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, ku simaha Ra’iisul wasaaraha, Xubno ka tirsan Wasiirada, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo si wada jir ah Salaada Janaasada ugu dukuday.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Saxaafadda kula hadlayay Garoonka Diyaaradaha ayaa u Tacsiyadeeyay Eheladii iyo Qarabaadii uu ka geeriyooday Imaamka iyo dhamaan Umadda Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay iska cafiyaan Marxuumka.

 

Salaadii Janaasada kadib ayaa Allah Unaxariistee Imaam Max’uud Imaam Cumar waxaa Meydkiisa loo qaaday deegaanka Jasiira halkaasi oo lagu aasay, waxaana markii la aasay kadib Saxaafadda la hadlay gudoomiyaha gobolka Banaadir Max’uud Axmed Nuur (Tarsan) kaasi oo sheegay inay si wanaagsan ugu soo gaba gaboobay Aaskii Maruumka.

 

Gabagadii aaska ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda C/laahi Sheekh Xasan kaasi oo ugu Tacsiyadeeyay Umadda Soomaaliyeed Geeridii ku timad Allah Unaxariistee Imaam Max’uud Imaam Cumar oo maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho.

 

aaska-meydka_imaamka_7.jpg

aaska-meydka_imaamka_4.jpg

aaska-meydka_imaamka_6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yusuf oo u tacsiyadeynaya Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Imaam Maxamuud Imaam Cumar ka soo jeedo

Sanca(Puntlandi.com) Alla ha u naxariistee waxaa galabta ku geeriyoodey magaalada Nairobi Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ahaa Iimaamka Beesha M, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Ahmed ayaa tacsi gaara u diraya Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha M geerida ku timid Iimaanka, wuxuuna marxuumka illaahey uga baryayaa jano waarta iyo Dambi dhaaf.

 

Imaam Maxmuud Imaam Cumar oo maalmahaan dambe xanuunsanaa ayaa galabta ku geeriyoodey magaalada Nairobi, geerida Imaanka waxaa lagu wargelinayaa dhamaan eheladiisa iyo dhamaan Beesha M, Waxaan Murxuumka Illaahey uga baryeynaa jano waarta iyo dambi dhaaf,shacabkana samir ilaahey ha ka siiyo, AAAAmiiiiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyne Shariif oo dhambaal tacsi ah ka guddoomay dhiggiisa Jabuuti

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa Dhambaal Tacsi ah ka guddoomay Dhigiisa Dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Madaxweynaha Jabuuti ayaa madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madax-Som-Jab.jpg

Mudane Geelle ayaa sheegay in Imaamku ahaa shaqsi nabadda jecel isla markaana ka shaqeynayay intii uu noolaa, wuxuuna Alle uga baryay in uu Naxariistii Janno ka waraabiyo shacabkana Soomaaliyeedna samir iyo imaan ka siiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this